Kooxo hubeysan oo afduub iyo dil ka geysatay Xerada Dhadhaab ee dalka Kenya

June 29, 2012 - Written by

Dhadhaab:-Kooxo hubaysan ayaa maanta shaqaale caddaan ah u afduub ugu  geystay xerada Ifo ee ku taalada deegaanka Dhadhaab ee gobolka waqooyi bari Kenya.Kooxaha hubeysan, ayaa ugu horeyn dilay darwalkii gaariga ku waday shaqaalaha la afduubtay, waxayna sidoo kale dhaawaceen qof kale, iyadoona ay u suuragashay inay afduubtaan 4 qof oo ajaanib ah.

Dadka la afduubtay ayaa dhalashooda lagu kala sheegay, Norway, Canada iyo Filibin, iyadoona xaalad cakirnaan ah ay gashay xerada Ifo, iyo guud ahaan xeryaha dariska ah ee ku yaala deegaanka Dhadhaab.

Dableyda falkan geysatay ayaa waxaa la rumeysan yahay inay ka yimaadeen dhinaca Soomaaliya, iyadoona ciidanka Kenya, ay bilaabeen baaritaano, lamana garanayo Natiijada ka soo bixi karta baaritaanka.

Xeryaha qoxootiga ee waqooyi bari dalka Kenya, ayaa waxaa ku jira boqolaal kun oo qoxooti Soomaaliyeed, iyadoona sidan oo kale horey shaqaale ka shaqeeya samafalka loogu afduubtay.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online