Kooxo hubeysan oo Beledweyne ku dilay Nabaddoon si weyn loo yaqaannay

June 12, 2012 - Written by

Hiiraan:-Kooxo ku hubeysan bastoolado ayaa xalay ku dilay xafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne nabadoon caan ka ah magaalada B/weyne waxaana magaciisa la yiraahdaa Cabdi Ibraahim Idiris (Goobe) waxaa kale oo uu ahaa ganacsade aad looga yaqaan gobalka Hiiraan.

Masuuliinta gobalka Hiiraan ee DFKM ayaa ku eedeeyey dilka xalay loo geystay alaha u naxariistee nabadoon Cabdi Ibraahim Idiris (Goobe) in ay ka danbeeyaan Ururka Al-Shabaab gaar ahaan kooxdooda amniyaadka.

Kooxda dishay Nabadoon Cabdi Ibraahim Idiris (Goobe) ayaa ka koobnaa 3qof sida ay warbaahinta u xaqiijiyeen dad goobjoogayaal ah waxaana u suurto gashay in ay baxsadaan ;Goobta uu dilka ka dhacay ayaa waxaa soo gaaray ciidamo ka tirsan maamulka gobollka Hiiraan iyaga oo howlgalo ka sameeyey xaafada Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne .

Dadweynaha ku dhaqan magaalada B/weyne ayaa walaac ka muujiyey dilalka qorsheyn ee lagu leynayo waxgaradka iyo dadka rayidk ah ee aan waxba galabsan .

Ilaa haatan ma jiraan cid sheegatay masuuliyada dilka Nabaddoon Cabdi Ibraahim Idiris (Goobe) oo xalay lagu dilayxafadda Howl-wadaag ee magaalada Beledweyne

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online