Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha DFKM oo kulan la qaatay Wefdi ka socda dowladda Faransiiska.

June 20, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xuseen Carab Ciise ayaa maanta xafiiska ku qaabilay Mrs, Elisbeth Barbier oo ah Agaasimaha Waaxda Afrika u qaabilsan dowaldda Faransiiska,islamarkaana uu ka soo qeybgalay Taliyaha Ciidamada Xoogga dalka Soomaaliyeed Gen, C/qaadir Cali Diini, Iyagoona ka wada hadlay Amniga hormarinta Siyaasadda Soomaaliya iyo xiriirka labada dal.

Shir jaraa’id oo ay si wada jir ah ugu qabteen xafiiska ayaa ugu horeyn waxaa saxaafadda la hadlay Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ahna Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya.Wuxuuna sheegay in maanta ay Kormeer ku timid Mrs Elisbeth Barbier oo horey sanadkii 2008 Muqdisho u timid.

“Mrs, Elisbeth waxey horey u timid sanadkii 2008, oo markaasi muqdisho aan aheyn sida ay maanta tahay, Waayo maanta Muqdisho waxaa laga gaaray hormar xagga amniga ah, Bilicda magaalada ka muuqato, oo xataa Mrs Elisbeth la yaabtay markey garoonka ka soo tagtay inta ay wada soo socotayna ay aragtay baabuurta oo ciriiri ah dadki oo ganacsanayo, taasina waxay cadeyneysaa in Muqdisho ay amni tahay”.

Wuxuuna intaa ku daray in ay ka wada hadleen hormarinta Siyaasadda, Amniga,derder gelinta Roadmap-ka,Dhaqaalaha iyo waliba sidii looga bixi lahaa KMG.

Sidoo kale, waxaa iyana saxaafadda la hadashay Mrs, Elisbeth Barbier oo sheegtay iney aad ugu faraxsan tahay imaatanka Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya. Waxeyna intaa ku dartay iney  Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ka wada hadleen sidii loo xoojin lahaa Amniga,loona hormarin lahaa Siyaasadda Soomaaliya, Dhagaalaha iyo in la taageero gedi socodka Nabadda ee Roadmap-ka, Waxaana isku afgaranay in si wada jir ah arrimahaasi la isaga kaashado.

no images were found

Ugu dambeyntii Mrs, Elisbeth ayaa u mahadcelisay dowladda sida wanaagsan ee loogu soo dhaweeyay Muqdisho, Iyadoona sheegtay iney fariin soo gaarsiineysay dowladda Soomaaliya oo ku aadaneyd sidii looga taageeri lahaa Amniga,Roadmap-ka, iyo dhaqaalaha balse waxey wada hadalka ay la yeelatay Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha ku tilmaamtay mid is afgarad ah.

– DHAMAAD –

 

Abdinor Abdikadir Mohamed(Daacad)
Deputy of Communication
Director, office of the PM

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online