Madaxweyna DFKM oo laalay qodobbo ka mid ah Axdiga KMG iyo Road-mapka

June 17, 2012 - Written by

Wareegto goordhow ka soo baxday xafiiska madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Axmed ayaa lagu laalay illaa saddex qodob oo ka mid ah Axdiga DFKM waxaana nuqul ka mid ah wareegtada ay soo gaadhay Halgan.net waxaana ay u qorneyd sidan.

Xeer Madaxweynaha LR 202 Taariikh 14/6/2012: Laalid qodobbada qaarkood ee Axdiga KMG ah.

Madaxweynaha J.S.Shariif Sheekh Ahmed

Markuu arkay: qodobka 39,aad farqada 2aad  ee Axdiga KMG.

Markuu arkay: qodobka 71aad farqadda 2aad ee Axdiga KMG.

Markuu arkay: xeerka madaxweyne L.R 197 ee 23/5/2012 kuna saabsan go’aanka ay saxiixayaasha ku gaareen Adis Ababa Itoobiya.

Markuu ogaaday: in kala fadhiyada Baarlamanka uu dhab ahaan u qabsoomi waayeen.

Isagoo tix raacaya: qodabbada heshiisyadii Garoowe 1 Garoowe 2 iyo Gaalkacyo.

Markuu qarwaaqsaday in lagu jiro xaalad adag waxaa laga maarmaan ah si looga baxo xiliga KMG ah loona gaaro dowladnimo buuxda waxuu soo saaray xeerkan.

Qodobka 1aad

Waxuu Madaxweynaha laalay qodobada 28{1}-33xarafka “C” iyo qodobka 34 ee axdiga KMG ah waxuuna awoodiisa si waafaqsan sharciga kula wareegay xeerkaan isagoo raacayo qodobka 1aad ee heshiiska laagu gaaray shirkii wadatashiga ee ka dhacay Adis Ababa 21 -23-2012.

Qodobka 2aad

Waxaa kaloo madaxweynaha isticmaalayaa awoodaha sharciga waafaqsan iyo qodobada qaarkood ee ku xusan dastuurkii 1960-kii si uu u fuliyo waajibaadka ka saaran xiliga kala guurka ah ee dowladda federaalka Soomaaliya.

Qodobka 3aad

Waxaa kale oo uu laalayaan qodobka 11 aad farqadiisa 3aad xarafka “B” ee axdiga KMG ah waxaana si KMG ah u ansaxindoona golaha ansaxinta dastuurka {CA} ee xubnihiisa ay soo xulidoonaan Odayaasha dhaqanka si dardar loo geliyo habsami u socodka Road-mapka dhameystirka qabyo qoraalka dastuurka iyo habdhismeedka baarlamanka KMG, waxuuna Madaxweynuhu ku soo saarayaa xeerka hadba waqtiga la joogo waxaana gaar ahaan uu laalidoonaa qodobka  29aad ee axdiga KMG.

Qodobka 4aad

Xeerkaan waxuu dhaqangalayaan marka uu saxiixo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya waxaana lagu soo saarayaa faafinta rasmiga ah ee Jamhuuriyadda Soomaaliya.

Waxaa ku saxiixan:Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online