Madaxweynaha D. Puntland oo Kulan la Qaatay Issimada iyo Bulshada Rayidka ah(Masawiro)

June 6, 2012 - Written by
Addis Ababa :-6 June 2012 — Wafdiga uu hogaaminayo Madaxweynaha Dowladda Puntland Dr. Cabdiraxman Maxamad Maxamud (Farole) ayaa la kulmay Issimada iyo Bulshada Rayidka ah ee Reer Puntland uga qeybgalay shirkii Istanbul 2 Somalia (31 May 2012 ilaa 1 June 2012).
 
Shirkaan oo dhacay Talaado (5 June 2012) ayaa lagu qabtay hoolka shirarka hotel ku yaala Magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Ethiopia iyadoo wufuudda Reer Puntland ay dhowaan ka degi doonaan magaalada Garowe ee xarunta Dowladda Puntland.
 
Waxaa goobta shirka warbixino ka jeediyay Madaxweyne Farole iyo Xubno ka tirsan Golaha Wasiirada Puntland sida Wasiirka Arrimaha Gudaha Gen. Cabdullahi Axmed Jamac (Ilkajir), Wasiirka Waxbarashada Cabdi Farax Juxa, iyo Wasiirka Qorsheynta Dauud Maxamad Cumar.
 
Sidoo kale, Issimadii goobta shirka ka hadlay waxaa ka mid ahaa: Suldan Siciid Suldan Cabdisalam, Garaad Maxamad Cilmi Shirwac, Suldan Bashir Muse Konte, Boqor Cabdullahi Maxamad Cali Dabogoye, Suldan Cabdulqadir Cumar Shabeel, iyo Suldan Cabdisalam Suldan Sheikh Maxamud. Goobta shirka waxaa sidoo kale hadalo kooban ka jeediyey xubno ka socda ururada bulshada rayidka ah ee Puntland, Mr. Maxamad Ismacil Shilkom iyo Marwo Fadumo Ibrahim oo ah masuul ka socota ururka PUNSAA.
 
Goobta shirka waxaa la isweydaarsaday warbixino iyo talooyin wax ku ool ah, waxaana laga hadlay shirarkii ka dhacay Muqdisho, Garowe, Galkacyo, Addis Ababa, iyo Istanbul, waxaana sidoo kale laga hadlay doorka Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ay ku leeyihiin xulidda xubnaha Golaha Dastuuriga Somalia iyo Baarlamaanka Federaalka cusub. Issimadii goobta shirka ka hadlay ayaa cadeeyey in deegaamada Puntland ay ka jirto Dowladnimo, xasilooni iyo degaansho sidaa darteedna ay Issimada dalka dib ugu noqon doonaan si ay wadatashi ula yeeshaan beelaha Reer Puntland marka la xulayo xubnaha Golaha Dastuuriga iyo Golaha Baarlamaanka Federaalka.

no images were found

 
Waxaa hoosta laga xariiqay in la ilaaliyo midnimada Reer Puntland sidoo kalena arrimaha guud ee Somalia lagu lahaado door muhiim. Shirkaasi ayaa ku dhamaaday jawi wanaagsan waxaana lagu balamay in la hormariyo xiriirka, iskaashiga iyo wadashaqaynta Dowladda Puntland iyo Issimada Reer Puntland.

Communications Office
The Puntland Presidency
Addis Ababa

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online