Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed oo gaaray AdisAbaba (Warsaxaafadeed)

June 25, 2012 - Written by

AdisAbaba:-Madaxweynaha DFKM  Sharif Sh. Axmed ayaa galabta la kulmay Ra’iisul wasaaraha dalka Ethiopia Malez Zenawi. Labada masuul ayaa ka wada’hadlay arrimo badan oo quseeya labada wadan, Ra’iisul wasaaraha Ethiopia ayaa uga mahad celiyay Madaxweynaha Somaaliya iyo xukuumadiisa horumarka ay ka gaareen dhinacyo badan, gaar ahaan dhanka amniga iyo siyaasada.

Madaxweynaha iyo Ra’iisul wasaaraha ayaa ka wada hadlay sidii loo dardar’galin lahaa how’galada ay sida wada jirka ah uga wadaan ciidamada DFKM oo kaashanaya ciidamada dalka Ethiopia qaybo ka mid ah gobollada Soomaaliya.

Sidoo kale Madaxweyne Sharif iyo Ra’iisul wasaare Melez ayaa isla gorfeeyay sidii loo xoojin lahaa calaaqaadka labada wadan, ayna ka wada shaqeeyaan mashruucyo fududaynaya wax soo’saarka labda shacab, sida korontada, dhismaha wadooyinka iyo biya galinta.

no images were found

Waftiga Madaxweynaha Jamhuuriyada Somaaliya Sharif Sh. Axmed ayaa waxaa ku weheliyay Ra’iisul wasaare ku-xigeenka ahna Wasiirka Gaashaandhiga Xuseen Carab Ciise, Wasiirka Arrimaha Dibada Cabdullahi Haji Huseen iyo masuuliyiin kale.

–  Dhamaad –
Suldan A. Farah seed
Agaasimaha Warfaafinta
Xafiiska Madaxweynaha

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online