Maxkamad ku taalla dalka Denmark oo xukun ku riday 4 qof oo Muslin ah

June 5, 2012 - Written by

Denmark:-Maxkamad ku taala dalka Denmark ayaa xukun ku ridday 4-qof oo ay la sheegay in ay ka tirsan yihiin Ururka Al-qacida kuwaas oo lagu eedeeyey inay weerar la damacsanaayeen Xafiiska Wargays ka soo baxa dalka Denmark oo la yiraahdo jp politikens kaas oo Aflagaadada u gaysta Nabi Maxamed Nabadgalyo iyo naxariis korkiis ha ahaatee.

Afarta  qof ayaa ah kuligood rag kuwaas oo ay gacanta ku dhigeen ciidanka Sirdoonta ee PET ee dalka Denmarka  bishii December ee sanadda 2010,waxaana ay heystaan sadex ka mid ah dhalashada dalka Sweden halka midka kale uu heysto dhalashada dalka Tunis.

Maxakamada ayaa ku eedeesay 4 qof ee Muslinka ah in ay dil u geysan rabeen mid ka mid saxafiyiinta ka dhaqeeya wargeyska  jp politikens ka dib markii ay diyaariyeen qorshe ay ku fuliyaan weerar iyo qraxyo.

4-ta  nin ayaa Maxkamada waxay ku riday xukun gaaraya min 12-sano oo xarriga ah, iyaga oo ka qaadan kara racfaan markii ay la tashtaan qareenkooda mudo laba isbuuc gudahooda ah;Raga lagu riday xukunka ayaa waxaa magacyadooda ay kala yihiin Max’ed Muniir, Cowid Muniir, C/laahi iyo Cumar.

Ciidamada Sirdoonka ee dalalka Sweden (SAP iyo kuwa Denmar PET ) ayaa maxakamada keenay cadeymo ay ka mid tahay qoryahii ay weerarka ku fulin lahaayeen rag la qabtay .

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online