Muxaadaradii 1aad ilaa 4aad ee Sh.Shibli kaga hadlayo Manhajka Salafka ee Nusuusta gooddiga ku soo aroortay.(Dhagayso)

June 12, 2012 - Written by

Muxaadarada Shiikh Shibli ayaa xalay gashay habeenkeedii 3 aad, waxaana uu xalay diiradda saaray qeyb ka mid ah sidii Culimada Ahlu Sunaha u fasireen  Nusuusta ku soo aroortay Gooddiga ee Qur’aan iyo Sunaba leh ee uu Shiikhu habeen hore soo bandhigay. Intii uusan Shiikhu guda galin soo guurinta hadallada Culimada Ahlu Sunaha ayaa waxa uu sheegay inay muhiim tahay in 3 arrimood maanka lagu hayo marka hore:

1- In la ogaado in Imaanka iyo Kufriga ay qeybo yihiin.

Qaacidadan marka uu Shiikhu ka hadlayey ayaa waxa uu sheegay in labaduba ay leeyihiin darajooyin kala sareeya, siyaado iyo nuqsaanba ay leeyihiin, wanaagga iyo adeecidda Illaahay uu imaanku ku siyaado, kuna nuqsaamo masciyada iyo xumaanta, hal macsiyo inuusan imaanka tagsiineynin, waxaana Shiikhu ku hakaday sida Ahlu Sunaha ay masaa’ishaas ugu kala duwan yihiin firiqda kale, sida Khawaarijta iyo Muctazilada oo isku jaal ah iyo Murji’ada oo jaal ah.

Khawaarijta iyo Muctazilada ayaa waxa ay qabaan in qofka ku dhaca Macsiyo uu imaankiisa baaba’ayo, isla markaasna uusan imaanku kala harin, halka Murji’adu ay qabto in Imaanku uusan u nuqsaamin dambi, isla markaasna wax walba oo xun oo qofku sameeyo uu iimaankiisu la mid yahay kan nabiyada iyo malaa’igta.

Ahlu Sunaha ayaa ka duwan oo qaba in Imaanku yahay qeybo isu tagay, siyaado iyo nuqsaanba leh, sidoo kale kufriguna uu yahay macaasi isu tagtay, dhici kartana in qofi isugu yimaadaan Imaan iyo Kufri. Shiikha ayaa hadalo xoojinaya ka soo guuriyey culimada sunada.

2- In lagama maarmaan ay tahay in loo laabto ahlu sunaha marka halkan la marayo, dariiqaasna uu yahay midka ay badbaadadu ku jirto, masaa’ishanna  saxaabada iyo salafkii ka dambeeyeyba loo celiyo sidii ay u fasireen.

3- Inay khatar tahay in  caqiido laga qaato ahlu ahwaaga, iyadoo aqwaashooda laga dhigayo kuwii ahlu sunaha, waxaana Shiikhu sheegay in arintaasi ay jirto, taasna ay khatarteeda leedahay, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in tafsiirka masaa’ishan loola laabto a’imada umaddan.

Intaas ka dib ayaa Shiikhu wuxuu gudagalay inuu soo bandhigo Aqwaasha qaar ka mid ah Culimada Sunada ay ka yiraahdeen nusuusta ku soo aroortay gooddiga ee uu habeen hore aqriyey, isagoona qeyb ka soo qaatay, walow xitaa qeybtii uu rabay inuu wada sheego uu ka wada gaari waayey, waqtigana u saamixi waayey.

Shiikh Shibli ayaa Muxaadarada soo afmeeri doona caawa, haddii Ilaahay idmo, waxaana jiri doona su’aalo la weydiin doono, waxaana Shiikhu Muxaadaradan ku caddeeyey Nusuus badan oo dadka si’ kale loogu fasiri jiray.

Hoos Ka Dhageyso Muxaadarada 3aad Sheekh Maxamuud Shible Manhajka Salafka ee Nusuusta Waciidka
 [audio:http://k005.kiwi6.com/uploads/hotlink/am3ubnys0y&titles=shible3.mp3] ama Halkaan ka rogo

Hoos Ka Dhageyso Muxaadarada 2aad Sheekh Maxamuud Shible Manhajka Salafka ee Nusuusta Waciidka

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/shible_2.mp3]

Ama Halkan Mp3

Muxaadaradii koowaad Ee Manhajka Salafka ee Nusuusta Waciidka ee xalay ka baxday Masjidka Abu bakar Hoos Ka Dhageyso. [audio:https://www.halgan.net/Mp3/Mshible1.mp3]

Ama Halkan MP3

Hoos Ka Dhageyso Muxaadaradii 4aad ee Manhajka Ahlu Sunaha ee Nusuusta waciidka Sheekh Shible.
[audio:https://www.halgan.net/Mp3/shible4.mp3]

Ama Halkan Mp3

Halgan.net
Nairobi

Halgan.net/Somalireal.com

4 Comments so far

Leave a comment

  1. shekha alaaha noodayo alahana noobarakeeyo xasaana allaha xaqa tuso sida uu yahay culimo lgalaysiiyo qarna dhiigoda labaneeyo hortii maanan arag

  2. Asc waraxmatulaahi wabarakaatuhu
    saaan kadib walaalaha kheyr allah ha siiyo intii isku tah lujiyey sidii shacabka soomaaliyeed oo islaamka ah ugu haqabtiri lahaayeen baahiya ay u qabaan Barasha iyo fahamka saxiixa ah ee Diinteena suuban intaas ka dib waxaan codsanayaaa in la noo saxo Muxaadaradii 1aad ilaa 4aad ee Sh.Shibli kaga hadlayo Manhajka Salafka ee Nusuusta gooddiga ku soo aroortay CAJALKA 4 aad SI LOO Dowload gareysan karo ma shaqeyneysoo Rogoshadeeda

  3. asc dhamaan walaha islaamka waxan u bahanahay kalimada sheeqa oo arabic ah ii sheega walaha sideen ku helikaraa waa mahadsantihiin walaha

  4. allah waxaan waydii sanayaa in uu cilmiga,cimriga,caqliga, cibaaddada, iyo caruurta intaba ubadiyo shaykhana alfadil

Leave a comment

*