Nadwadii 9aad oo caawa ka bilaabatey Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab ee Magaalada Qardho.(Dhagayso)

June 26, 2012 - Written by

Waxaa Caawa oo Arbaco ah Masjidka Cumar binu khadaab ee magaalada Qardho ka bilaabatay Nadwo cilmiyeed kii 9aad oo Ciwaankeedu yahay ومن احسن قولاممن دعاالى اللهوعمل صالحاوقال إنني من المسلمين Nadwadan ayaa waxaa lagu qabtaa Masjidka Cumar Ibnu Khadaab Xagaa walba xiligaas oo ay magaaladu soo buux dhaafiyaan Bulsho badan oo ka soo xagaa baxdey magaalada Boosaaso oo u soo xagaa baxa Magaalada Qardho oo ah meel ka cimilo duwan magaalada Boosaaso xiliga xagaaga.

Nadwadan ayaa waxaa soo abaabuley Mu’asasada Minhaaj oo kaashaneysa Maamulka Dacwada Qardho waxaana uu yahay ujeedka iyo Muhiimada Nadwada in lagu baraarujiyo umada muslimka ah laguna xasuusiyo Acmaasha kheerka ah loogana digo Fitanta iyo Sharta.

Hoos ka Dhagayso furitaankii Nadwad xalay ka bilaabatay Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/7uet5fmzs8/furitaanka.mp3] Halkaan ka rogo Mp3

Nadwadaan ayaa waxaa lagu bilaabey aayadaha Quraanka Kariimka oo uu akhriyey Macalin Maxamed Axmed(Xamari) intaa ka dib ayaa waxaa hadalo Qiimo badan meesha ka soo jeediyey Sh Maxamed Macalin Axmed iyo ku xigeenka Duqa magaalada Qardho ahna sii hayaha Xilka duqa magaalada Cabdirisaaq Cali Cartan, ku xigeenka duqa magaalada ayaa ku baraarujiyey bulshada Qardho iney ka faa’iideystaan Cilmiga iyo Aqoonta ay u soo jeedinayaan Culimada Nadwadana ay u furantahay.

Hoos ka Dhagayso Kalmadii furitaanka uu ka jeediyey Sh Maxamed Macalin

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/8j0u5pqv37/kalimadiisheekhmaxamedmacalin.mp3] Halkaan ka rogo Mp3

Dhinac kale Sheekh Maxaemd Macalin ayaa asna hadalo kooban ka yiri Muxaadaraadka ka bixi doona Nadwada oo uu midmid u dul istaagey Qiimaha ay leedahay muxaadaro walba bulshadana ay ka faa’iideystaan oo aaney ku mashquulin wax aan faa’iido laheyn intaas ka dib waxaa ayaa waxaa Microroofanka la wareegey xiriiriyaha Nadwada Sh Cali Maxamed Cali {Cali Hurre) wuxuuna kusoo dhaweeyey Baahiyaha Codka Sh Xasan Maxamed Muuse (Sh Xasan Bookh) oo guda galey Muxaadaradii koowaad oo ciwaankeedu ahaa العلم الشرعي سبيل النجاةودواءكل داء وحل كل مشكلةmarkuu dhameeyey Sh xasan Muxaadarada ayaa waxaa tacliiq gudarey sh Maxamed Abuu Sheyba.

Hoos ka Dhagayso Muxaadardii koowaad ee Nadwada oo ay si wada jir ah u jeediyeen Sh Xassan Bookh iyo Sh Maxamuud Abuu Sheyba

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/2a4hvt1d1o/muxaadaradii1aad.mp3] Halkaan ka rogo Mp3

Nadwadaan ayaa waxey socon doontaa ilaa lix habeen oo caawa kow ay u aheyd waxaana ka soo qeyb galey nadwada Culimo Caan ku ah Soomaaliya waxaana ay yihiin culimada ka qey gali doona Muxaadaraadka iyo Fataawada:

1. Sh C/qaadir Nuur Faarax

2. Sh Daahir Aw Cabdi

3. Sh C/naasir Xaaji Axmed

4. Sh Maxamed Macalin

5. Sh Xasan Maxamed Muuse (Sh Xasan Bookh)

6. Sh Axmed Daahir

7. Sh Maxamed Abuu Sheyba

Masjidka ayaa Caawa waxaa soo buux dhaafiyey dad aad ufara badan oo fadhiyey Gudaha iyo dibada Masjidka kuwaas oo dhageysanayey Muxaadarada iyo Kalimaadka Culimada, haduu rabi idmo habeen walba muxaadarada iyo fataawaadka ka baxa nadwada ayaan idin soo gudbin doonaa ayagoo dhageysi ah ee ha moogaanina insha Allaahu

Jadwalka Halkan ka Akhriso  PDF

Halgan.net

5 Comments so far

Leave a comment

  1. waad salaamantihiin dhamaan culimada ka qayba qaadanaysa nadwo cilmiyeedka kasocda qardho waxaanse idika codsanayaa inaad soo gaartaan muqdisho insh alaah

  2. mansha’alah qardho waa guri cilmiga sharciga

  3. Sheekh xasan bookh wan garanayaa, Ilahay ajar haka siiyo culumada iyo ducaada

  4. جزاكم الله خير يا هالغن وباركالله فيكم BES NOOSOOGALIYA SAWIRADA IYO MAQALKA ILAAH HAIDINKA ABAAL MARIYO

  5. mansha’alah qardho waa guri cilmiga sharciga aad looga qadariyo bulsho diin jecel ayaa degan waxaan hubaa in ay soo camiridoonan kana faa’iidaysandoonan culimadana waxaan leenahay alaah haydinka abaal marayo dadalkina miisanka xasanaadkana haydinku daro. baarakumulaah

Leave a comment

*