Nadwadii ka socotay magaalada Qardho oo gashay caawa Habeenkii 3aad(Warbixin)

June 28, 2012 - Written by

Qardho:-Nadwo Cimiyeedkii sanadlaha ahayd ee lagu qaban jiray xiligan oo kale Magaaladda Qardho ayaa sanadkan gashay sanadkii 9-aad oo xidhiidh ah waxaana sanadkan Nadwo Cilmiyeedka ciwaan looga dhigay Aayada Quraanka ah ee ( و من أحسن قولا ممن دعا إلى الله و عمل صالحا و قال إنني من المسلمين ). Waxaana sanad walbaa Nadwada lagu qabtaa Masjidka Cumar Bin Khataab oo ku yaala badhtamaha Magaalada.

Nadwada ayaa caawa gashay habeenkii 3aad oo xidhiidh ah waxaana darsiga caawa soo jeediyey Sheekh C/naasir Xaaji Axmed oo dhameystiri doono qeybo ka harsanaa darsi gii xalay baxay oo ciwaankiisuna ahaa (Qawaacid guud oo ku saabsan Fatawada Diiniga ah ).

Ugu horeyn waxaa uu Sheekhu dulmar gaaban ku sameeyay qeybihii hore ee darisii xalay baxay wuxuuna xusay in qeybaha kale ee darsiga caawa uu noqon doono المصالح و المفاسد  waxaanu sheegay Sheekhu in Diinta Islaamku ay tahay mid ku dhisan masaalixda wuxuuna halkaa u soo qaatay Aayado muujinaya waxyaabaha ka dhalanaya wanaaga oo la isku horseedo .

Dhinaca kale waxa uu xusay Sheekhu in Diinta Islaamku ay dhinaca kale u taagan tahay in ay reebto xumaanta iyo dhaqamada xun xun ee ka dhalanaya xumaanta ama sababi karaya in xumaato dadku ku dhaqaaqaan. Sidaa oo kale waxa uu Sheekhu soo hadal qaaday Culimadii salafku waxyaabihii ay ka yidhaahdeen المصالح و المفاسد  waxaanu xusay in waxa ay dadka ku booriyeeni ay tahay sidii dadka wanaaga iyo samaha loogu hogaamin lahaa loogana hor istaagi lahaa xumaanta .

Sheekh C/naasir Xaaji Axmed waxa uu sheegan in masaalixda loo qeybiyo daruuri mid xaajo ah iyo mid taxsiiniyaad ah .waxaanu  sii faah faahiyay sadexda qeybood iyo wax yaabaha mid kasta ka dhalan kara iyo sida ay u kala horeeyaan wuxuuna xusay in Culimadu ay qaarkood intaa ka badiyaan balse intooda badan ay faracyo u yeelaan qeybahaa sadexda ah .

Sheekhu waxa uu sheegay in Diintu ay diiday in la caayo dadka Alle qeyrkii caabudaya Aayada waxa laga qaadano ay tahay inaan dhibaato ama xumaato loo geystan dadka Alle qeyrkii caabudaya waxa ka dhalanayaana ay tahay in iyaguna ay dadka iyo diintaba caayaan halkaana dhibaato ama mashaqo aan lagu tala galan ka dhalato.

Sheekhu waxaa uu sheegay in laga haboon yahay in qofku ku dhaqaaqo ficil shareecadu banaysay balse loo adeegsado si aan waafaqsanayn shareecada waxaan uu shiikhu tusaale u soo qaatay Jihaadka wuxuu xusay in  jihaadka loo jideeyey Diinta lagu koryeelo xumaatadana iyo sharkan  lagu suuliyo Jihaadka aan arintaa ku dhisneyna uu noqonayo mid aan waafaqsaneyn hadiga Nabiga SCW,waxaanu Sheekhu dhinaca kale soo qaatay hadaladii ay Culimadii Salafku arintan ka yidhaahdeen wuxuuna soo daliiliyay hadalo kala duwan oo laga hayo Culimadii Salafka wuxuuna tilmaamay dhamaan maraajicda loogu noqon karayo hadalada Culimada Salafka.

Sidaa oo kale waxa uu Sheekhu mid mid u sheegay magacyada kitaabta maraajicda arimaha Jihaadka loogu labaan karo wuxuuna carabka ku arkeeyay in ay haboon tahay in kitaabtaa la akhriyo si loo ogaado wax walba oo la xidhiidha arimaha la soo sheegay.
Sheekh C/naasir Xaaji Axmed waxa uu intaa ka dib u galay waxyaabaha laga doonayo qofka muftiga noqonayo iyo xukumada uu yeelanayo iyo waxyaabaha la doonayo in uu ku sifoobo  , wuxuuna xusay in waxa laga doonayo Muftiga ay ka mid tahay مهارة الوافع  in uu xog u leeyahay waaqica markaa uu ku sugan yahay.

Sheekhu waxa uu soo qaatay hadal uu yidhi C/laahi Ibnu Cabaas Alle ha ka raali noqdee oo ahaa in nin uu u yihid kadibna uu weydiiyay masalo la xidhiidha in uu towbad leeyahay hadii uu dilo qof dambi ka galay iyo in kale wuxuuna C/laahi ugu jawaabey ninkaa inuusan towbad lahayn wuxuuna nin kale C/laahi Ibnu Cabaas weydiiyay in hadda ka hor uu u sheegay in uu towbad leeyahay ,wuxuuna C/laahi ku jawabay in ninkaa waxa uu doonayo ay tahay in uu qof muslim ah dilo waxa la sameyn karo ee lagaga hor istaagi karaan ay tahay in jawaab adag la siyo si ficilkaa uu hakad uga sameeyo.

no images were found

Sheekhu waxaa uu ka dib intaa u galay waxyaabaha laga yeelayo Mas’alooyinka aan loo heleyn Nas Quraan ah in waxa loo eegayaa ay tahay labada dhinac waxa ka dhalan karaya , Culimadii Salafkuna ay ahaayeen kuwo arimahaa aan ku deg degin wuxuna dhinaca kale soo qaatay qaacidooyin laga hayo Culimadii Salafka oo arimahas ka dajiyeen.

Darsiga Sheekha ka dib waxaa la galay Su’aalo kala duwan oo ay Culimada Nadwada ka qeyb galeysaa ay soo weydiiyeen dadka Nadwada la socda waxaana si wada jir ah uga jawaabay Culimada kala ah:-

1- Sheekh C/qaadir Nuur Faarax

2- Sheekh  C/naasir Xaaji Axmed

3- Sheekh Maxamuud Abuu Sheybba

4- Sheekh Maxamed Macalin Axmed

Duruusta ka baxeysa Nadwada ayaa si toos ah loogala socday dhamaan Xaafdaha ay ka kooban tahay Magaalada Qardho iyo nawaaxigeeda taasi oo ay tabineysay Idaacada Quraanka Kariimka ah ee Magaalada Qardho sidaa oo kale waxaa jira Idaacado kale oo ka qeyb qaadanayay tabinta Duruusta ka baxeysa Nadwada sidaa oo kale waxaa Nadwada dhanka Internketka qoraal iyo cod ahaan si wada jir ah ugu tabinayay Webs-ka kala ah Somalimirror.com iyo Halga.net, kuwaa oo inta badan tabiya Acmaasha kheyrka ah iyo dhamaan Nadwooyinka lagu qabto gudaha Soomaaliya iyo Dibadaba.

Halga.net
Qardho

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc

    Aad ayaan idiin salaamin walaalha ka soo shaqeeyey dowrada iyo cuimada dhamaan Allaah ha barkeeyo hana xifdiyo

    Masha allaah waa magaalo barkaysan isha allaah waxa loo diyaarin magaalo mustaqbalka diinta isllaamka laga quweeyo Qardho waa magaalo cimilo dadka degana ay diinta ale u gar garaan waxaa ku noo masaakiin badan saan ku soo arkay uu uga timi daafaha wadanka waxay ku hastaan nolol iyo nabad gelyo allaah ha xifdiyyo walaalha gacanta ku haya dhanka dacwada iyo degaanka intaba

Leave a comment

*