Puntland oo ka digtey dhinac marka qorshaha nabada Somalia ee (Road Map)

June 10, 2012 - Written by

Garoowe:-Dowladda Puntland ayaa ka digtey in la dhinac maro heshiiskii dhowaan Addid Ababa ku gaareen saxiixayaasha geedi socodka nabada Somalia (Road Map) kadib markii ay soo baxeen warar sheegeya in la wado qorshe lagu habaabinayo majaraha dastuurka DF Somalia.

Kulan ayay ku yeesheen magaalada Garowe maanta 10 June,2012 xubnaha guddiga dhowaan madaxweynaha Puntland u magacaabey dib u eegida dastuurka oo isugu jirey wasiiro iyo xildhibaano ka tirsan dowladda waxana ay kadib qabteen shir saxaafadeed xarunta madaxtoyada oo kaga hadlayaan dastuurka iyo Puntland mowqifkeeda kaga aadan qorshaha nabada Somalia.

‘’Dowladda Puntland masuul kama noqoneyso wax kasta oo is hortaag iyo caqabad ku noqon kara dhamaystirka xiliga kala guurka ,dhamaystirka qabyo qoraalka dastuurka DF Somalia’’ ayuu yiri Faarax.

no images were found

Wararka sheegeya in guddiga madaxa banaan ee qabyo qoraalka dastuurka ay wax ka badalayaan dibna ugu noqoyaan ayuu ku tilmaamey Faarax Cali Shire mid dibu dhac iyo wakhti lumis ku ah geedi socodka nabada Somalia,waxana uu ugu yeerey daneeyaasha Somalia inay taageeraan dhamaystirka hawlaha ka dhiman qorshaha Nabada Somalia.

‘’Puntland waxay aqoonsantahay in wixii dastuurka isbedel lagu sameynayo ay u idmanyihiin guddiga farsamada ee Addis Ababa la isku raacey uuna gudoomiye u yahay mar welibana goob joog uu ka yahay wasiirka dastuurka DF Somalia’’ ayuu ku adkeeyey hadalkiisa Faarax Cali Shire.
Puntland ayuu Wasiirku ka dhawaajiyey inay u heelantahay dib u dhiska dowladd Soomaliyeed oo ku dhisan nidaamka federaalka ,isagoona ku celiyey taageerida Puntland qorshaha looga baxay KMGnimada iyo shirarkii saxiixayaashu isugu tageen Muqdisho ,Garowe ,Galkacayo iyo Addis Ababa.

Ugu danbeyntii ayaa wasiirka Maaliyada Puntland waxa uu ka dhawaajiyey in Puntland diyaar u yihiin xubnihii u ansixin lahaa dastuurka DF Somalia iyo weliba xildhibaanadii qaybta ka noqon lahaa barlamanka DF Somalia oo soo socda.

Hoos ka Akhriso warmurtiyeedka ay soo sareen gudiga dastuurka ay u xilsaartay Puntland
PR_10June2012_En

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online