Puntlland oo eedeyn u soo jeedisay Idaacadda VOA-Laanteeda Afka-Soomaaliga[Warsaxaafadeed]

June 12, 2012 - Written by

Garoowe:-Markii ay taariikhdu ahayd 9 June 2012, Idaacadda afka Soomaaliga ee VOA , codka Maraykanka , waxay 5 daqiiqo oo waraysi ah la yeelatay nin isku magacaabay Oday Dhaqameed , sheegtayna inuu ku nool yahay Puntland. Waraysiga oo uu qaaday wariye lagu magacaabo Abdullahi Nuur Maxamed “ Colombo” , wuxuu la yeeshay nin uu si khaldan ugu sheegay oday dhaqameed bulsho oo kusugan deegaanka Balli Dhidin ee gobolka Bari.Dawldda Puntland wax macluumaad ah kama hayso jiritaanka ninkaasi odayga ee lagu magacaabay Shire Faarax Maxamuud.

Ninkaasi la faafrikeeyay ee VOA-du ay waqtigeeda qayb badan kasiisay wuxuu u tafoxaydtay wax ka sheegidda maamulka Puntland gaar ahaan mashruuca ballaaran ee dawladda Puntland ay kula dagaallamayso burcad badeedda iyo waliba ciidamada aadka loo diyaariyay ee ilaalinta xeebaha Puntland.

Ninka lagu magacaabay Shire Faarax wuxu ku andocooday arin aan sal iyo raad toonna lahayn oo ah in Puntland ay duqaysay deegaanno, ay laysay xoolo nool, iyo shacab kusugan Balli Dhidin, waxana sidoo kale uu sheegtay in dadkii deeganku ay barakeceen , 30 kamid ahna aan lahayn meesha ay jiraan. Waxa uu caddaynayaa waraysigan la faafrikeeyay ama la been abuuray in laanta afka Soomaaliga ee VOA ay si cad kula dagaallamayso horumarka ka jira deegaannada Puntland.

Saxafiga waraysiga qaaday wuxuu si eex ku jirto u hor boodayay waraysiga , asagoo caadifad u muujinaya burcad badeedda iyo qawlaysatada. Laanta Afka Soomaaliga ee VOA-da waxaa ku jira masuliyiinteeda sare sare dad ay dilootay cadaawad ku summadaysan tii dalka ka dhacday 1990-kii .

Madaxda Laanta Afka Soomaaliga waxa si aan ahayn sidii loo igmaday ugu tagri faleen laanta VOA-da, oo shaqadii laga rabay inay qabato ahayd inay shacabka Soomaaliyeed warkeeda deeqsiiso , si sinnaan ahna ugu adeegto. Madaxda sare ee Laantu waxay ku caan bexeen oo astaan iyo summadba u noqotay sheegidda war eex ah , qaybaalad iyo kala fogaaynta umadda Soomaaliyeed. Waxay sidoo kale madaxda laantu caadaysten ereyo iyo hadallo si cad uga soo horjeeda jiritanka dawldda Puntland, waxayna si cad ugu xagliyeen qaar kamid ah dadka siyaadda Soomaalida ku lug leh.

Dawladda Puntland waxay ka codsanaysaa dawladda Maraykanka ee Laanta Afka Soomaaliga ugu talo galay in Shacabka Soomaaliga ku hadla oo dhan warka gaarsiiso inay aad dib ugu eegaan qaabka eexda kusalaysan ee madaxda laanta afka Soomaaliga ee VOA-du ku dhaqamayeen tan iyo 2009-kii.

Dawladda Puntland waxay kaloo ka codsanaysaa VOA-da laanta Afka Soomaaliga inay daabacdo oo Record-garayso dhammaan fariimaha ay baahiso , si dawladda Maraykanka iyo Shacabka lacagta adag ee canshuurta ah ku bixiyay mushaarkooda iyo hawsha idaacaddu aysan uga khasaarin hindisohoodii ahaa dib usoo celinta nabadda dalka Soomaaliya.

DHAMMAAD

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online