Qarax ay 3 qof ku dhaawacmeen oo maanta ka dhacay xerada qoxootiga ee Ifo.

June 15, 2012 - Written by

Nairobi:-Qarax ay ku dhaawacmeen ilaa 3 qof ayaa maanya waxa uu ka dhacay xerada qoxootiga ee  Ifo ee ku taala Dhadhaab.Qaraxan ayaa waxa uu ka dhacay Suuqa xerada Ifo oo kamid ah xerooyinka qaxootiga ee Dhadhaab halkaasi oo ay ku dhaawacmeen ilaa iyo 3 qof oo ay ku jirtay Haweenayda Gudoomiyaha ka ah Xeradaas, laguna magacaabo Isniino Cali Raage.

Wararka  qaar ayaa sheegaya in qaraxa uu ka dhashay bambo loo dhigay gaari ay la socotay gudoomiyaha Xerada Ifo,  iyo shaqaale ka tirsan Hay’ada Care, halka kuwa kalana ay tilmaamayaan in qaraxa uu ahaa midka gacanta laga tuuro.

Ciidamada Amaanka ayaa goobta gaaray waxa ayna ka sameeyeen baaritaano lagu ogaanayo sida ay wax u dhaceen waxuuna qaraxaasi markale cabsi ku beerayaa shacabka deegaanadaasi.

Xeryaha qoxootiga ee Dhadhaab ayaa dhowr jeer oo hore waxaa ka dhacay qaraxyo, iyadoona arimahaasi ay aad u bateen tan iyo markii ay ciidamada Kenya gudaha u galeen dalka Soomaaliya.

Halgan.net
Nairobi

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online