Qarax geystay khasaare oo xalay ka dhacay magaalada Mombasa

June 25, 2012 - Written by

Mombasa :-Qarax geystay khasaare dhimasho iyo dhaawacba leh ayaa waxa uu  xalay ka dhacay magaalada Mombasa caasimadda labaad ee dalka Kenya.Qaraxa ayaa waxa uu ka dhashay bambo la dhigay goob lagu caweeyo oo ku taala magaalada Mombasa, faahfaahin intaas dheerna lagama bixinin qaabka qaraxu ahaa.

Ilaa 3 qof ayaa ku dhintay qaraxa, dhaawacyo soo gaaray tiro dad ahna waa jiraan, iyadoona ciidanka ammaanku ay wadaan howlgal ay ku baarayaan nooca qaraxa iyo cidda ka dambeysa.

Magaalada Mombasa ayaa waxaa ku taala dekedde ugu weyn bariga afrika, waxaana ay u adeegtaa dhammaan dalalka ku yaala bariga iyo bartamaha afrika, waxaana sidoo kale Mombasa ay caan ku tahay Dalxiiska.

Dalka Kenya ayaa intii ciidankiisa ay gudaha u galeen waddanka Soomaaliya, waxaa ku soo badanayey qaraxyada iyo falalka ammaanka lidka ku ah, waxaaana dowladda Kenya amuurahaasi ku eedeysaa dagaalyahannada xarakada Al-Shabaab.

Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. ACW,

    Hadii ay cadaato ama ay qirato Al-Shabab ineey ka danbeeysey weerarka noocaan ah waxey ila tahay in Al-Shabab istiraatiijiyadeeda ay kula dagaalameyso cadowga ku soo duuley ay wax ka bedesho. Maxaa yeeley, codowga maanta ka dhex dagaalamaya dhulka hooyo wuxuu wataa gaashaan buur xoog badan oo la safan oo raadinaaya marmarsiinyo ay ku dilaan oo ay ku dhameeyaan Soomaalida.

    sidaas darteed, waxay ila tahay in Al-Shabab ay ka fiirsato dilka ay u geeysaneeysa dadka rayidka ah maxaa yeeley codowga waxaa ku dhaxnool dad badan oo muslim ah oo dhibaatooyin badan ay ka soo gaarayaan falalka noocaan ah.

    Ciidamada Kenya iyo kuwa kale ee wadanka heeysta waa inaan wax naxriis ah loo sameynin oo lala Jihaado dadka maatada ee deegaanka ku noolna in meelaha dagaalka uu ka dhacaayo laga saaro…

    Ilaahey Soomaaliya wixii kheyrkeeda ku jiro ha waa fajiyo….

Leave a comment

*