Qeybo ka mid ah Muqdisho oo laga hergaliyey Nalal ku shaqeynaya Ileyska Qoraxda.

June 4, 2012 - Written by

Muqdisho:-Waxaa maanta si habsami leh uga bilaawday wadooyinka qeybo ka mid ah magaalada Muqdisho oo laga hergaliyey Nalal ku shaqeynaya Ileyska Qoraxda waxaana howshaas u qumay Maamulka gobolka Banaadir .

Nalal ku shaqeynaya Ileyska Qoraxda ayaa waxaa lagu xiray maanta wadada Maka Al-Mukarama ee magaalada Muqdisho sida uu warbaahinta u sheegay  Xoghayaha guud ee maamulka gobolka Banaadir Cabdi Kaafi Hilowle Cismaan iyada oo si tijaabo ah loo hergaliyey maanta waxaana mashruucan ku kaalmeeyey Gobalka Banaadir dowlada Norway.

Maamulka gobalka banaadir ayaa sheegay in ay wadooyinka magaalada Muqdisho oo dhan ay ku xiri doonaan Nalal ku shaqeynaya Ileyska Qoraxda xili dib u habeyn baahsan lagu wado wadooyinkii halbowlaha u ahaa magaalada Muqdisho kuwaas oo burburiyeen dagaaladii cuslaa ee dhexmaray ciidamada DFKM oo ay kaabayaan kuwa AMISOM iyo kuwa Al-Shabaab.

Dadweynaha ku dhaqan magaalada Muqdisho oo ka nastay dagaaladii iyo duqeyntii joogtada ahaa ayaa aad u soo dhaweeyey in ay soo laabato bilicdii magaalada Muqdisho oo ahaan jirtay bari samaadkii magaalooyinka ugu bilicda iyo nabada badan dalalka Afrika.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online