Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali oo maanta u dhoofay dalka Kenya.

June 19, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa maanta ka dhoofay garoon ka diyaaradaha ee Aadan cadde ee Magaalada Muqdisho, Isagoona ku wajahan magaalada Nairobi ee dalka Kenya, halkaasi oo maalinta bari ah shir looga hadlayo Arrimaha Roadmap-ka ka furmi doono. Ra’iisul Wasaaraha DFKM ayaa waxaa socdaalkiisa ku wehlinayay qaar ka tirsan golahiisa Wasiiradda.

Ra’iisul Wasaarah DFKM Dr.C/weli Maxamed Cali ayaa warbixin ka bixiyay socdaalkii ku aadan Magaalada Nairobi, Wuxuuna sheegay in socdaalkiisu uu yahay shir maalinta bari ah kaga qeyb galayo saxiixayaashii Roadmap-ka ka furmi doono Magaalada Nairobi kaa oo lagaga hadlaya arrimaha gedi socodka nabada ee Roadmapka, iyo Dhameystirka iyo soo afjarida  xilliga ku meel gaarka ah.

Wuxuuna intaa ku daray in Roadmap-ka uu meel wanaagasan marayo hormar badana laga sameeyay islamarkaana xusay in waxyaabaha kale oo ka dhiman la dhameystiri doono, taana waa mida hadda uu socdaalkeyga ku wajahan yahay sidii loo dhameystiri lahaa waxyaabaha ka dhiman Roadmap-ka. Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa ku tilmaamay shirka inuu socon doono mudo labo maalimood ah, wuxuuna xusay inuu rajeynayo iney ka soo baxaan wax Umadda Soomaaliyeed aayaheeda dan u ah, si wanaagsan oo guul ahna uu ku dhamaan doono.

– DHAMAAD –

Abdinor Abdikadir Mohamed(Daacad)
Deputy of Communication Director,
office of the PM
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online