Ra’iisul Wasaaraha DFKM Prof. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas oo maanta dalka dib ugu soo laabtay.

June 8, 2012 - Written by

Muqdisho, Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas iyo xubnihii wefdigiisa ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib shir uu kaga qeyb galay dalka turkiga oo ay ka soo qeyb galeen in ka badan 50 dal iyo hay’ado Caalami ah kaa oo lagaga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya. Ra’iisul Wasaaraha ayaa waxaa si diiran garoonka Caalamiga ah ee magaalada Muqdisho ugu soo dhoweeyey dadweyne aad u fara badan,Qaar ka tirsan golaha Wasiirada ,Xildhibaano, Saraakiil, Haween,Barbaarta gaashaaman iyo Fanaaniin.

no images were found

Ra’iisul Wasaaraha ayaa warbaahinta uga warbixiyay safarkiisa wuxuuna sheegay in Shirkii labaad ee Istabuul ee dalka turkiga u ka qeyb galay islamarkaana tilaamay in shirkaasi looga hadlayay hormarka dalka iyo sidii wax looga qaban lahaa dhinaca mashaariicda hormarinta dalka, Isagoona sheegay in shirkaasi uu ku soo dhamaaday si guul ah.  “Waxaan maanta aad ugu faraxsanahay inaan ku soo laabto caasimadii dalka ee Muqdisho, Waxaan ka soo qeyb galay shirkii Istanbuul ee dalka turkiga kaa  oo lagaga hadlayay arrimaha dalka Soomaaliya. Shirkaas oo ku soo dhamaaday guul islamarkaana shir muhiim ah u ahaa gedi socodka  Nabada Soomaaliyeed ee dowladda Walaalaha nahay ee turkiga inoo qabtay.

Waxaan ka gudbeynaa KM Gaarnimada sidoo kale waxaan ku jirnaa dhameystirkii Dastuurka, Waxaan galeynaa jawi nabadeed marka barnaamijkaas socdo in lagu taageero xukuumadda laguna bixiyo dhaqaale Soomaaliyana mudadii 20-ka sano ee colaada ka jirtay la soo afjaro”. Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in socdaal uu ku soo maray dalka Kenya islamarkaana ay Mas’uuliyiinta dowladda Kenya ay isla afgarteen sidii kor loogu qaadi lahaa  xiriirka labada dal ee Kenya iyo Soomaaliya.

– DHAMAAD –
Deputy of Communication Director Office of Prime Minister
Abdinor Abdulkadir Mohamed (Daacad)
Tell: +252 615 244689
Mogadishu-Somalia

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online