Ra’iisul Wasaare DFKM Dr. Cabdiweli oo maanta booqday Odayaasha dhaqanka.

June 18, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali, ayaa maanta booqday goobta uu shirka ugu soconayo Odoyaasha dhaqanka Soomaaliyeed ee Magaalada Muqdisho. “Waxaan aad ugu faraxsanaha inaan mar kale idin hor imaado, inagoo ka tashaneyno aayaha dalka, Maadaama aan mudo kala maqneyn, waxaana maanta idin kugu imaaday inaan idin”.

Ra’iisul Wasaare Cabdiweli, ayaa Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed u sheegay in howl muhiim ah laga sugayo waqtigana uu yahay mid gabaabsi ah maadaama labo bil ka hartay islamarkaana Odoyaasha laga sugayo soo xulistii Ergooyinkii Ansixin laheyd Dastuurka dalka iyo Soo xuliska Baarlamaanka dalka doorashadiina lagu sameeyo.

no images were found

Wuxuuna Odayaasha u sheegay in haddii uu xilliga sidaani noogu dhamaado ay Soomaaliya geli doonto dhibaatooyin hor leh, Haddii iyadoo sidaani la isugu raran yahay August, 2012, lagaaro oo aysan dowladda jirin, Xukuumad jirin, Barlamaan jirin, Dastuur jirin, hadde waad garan gartaan cidlaa lagu soo dhacayaa, Wuxuuna Ra’iisul Wasaaraha Odayaasha ugu baaqay iney tixgeliyaan waqtiga,h loona baahan yahay in shaqooyinka la soo dedejiyo.

Wuxuuna intaa ku daray in khilaafaadka la isku heysto oo ah Odayaasha sax ma ahan iyo waaye ee la xalin doono balse waxaan aamin sanahay in Odayaasha ay yihiin kuwii saxda ahaa balse la sixi doono wixii yar yar oo qaladaad ah oo jira.

Sidoo kale Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed ayaa su’aalo weydiiyay Ra’iisul Wasaaraha kuwaa oo ku saabsan xilliga Dastuurka la horkeenayo, Xareynta Ergada iyo Dhameystirka xilliga KMG ah, Isagoona Ra’iisul Wasaaraha uu dhamaan Su’aalihii la weydiiayay ugu jawaabay si Saraxaad leh.

Waxeyna Odayaasha intaasi ku dareen iney diyaariyeen xubnii xalinta khilaafaadka kuwaa oo ka kooban 25 xubnood oo ka socda shanta beelood.Waxeyna sidoo kale xuseyn in intabadan ay diyaariyeen xubnihii ansixin lahaa Dastuurka iyagoo ku soo xulayo aqoon iyo karti.

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaaraha ayaa sheegay in Dastuurka dalka la horkeeni doono Odayaasha Dhaqanka Soomaaliyeed maalmaha soo socdo, Wuxuuna meesha ka saaray tuhunada sheegayo in dalka uu leeyahay labo dastuur.

 

– DHAMAAD –

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online