Sh.Maxmed Dirir Iyo Shiikh C\raxman Caddaani Oo Muxaadarooyin ka Jeediyey Wadanka Austria (Vienna)

June 11, 2012 - Written by

Waxaa maalmihii ugu danbeeyey wadanka Austria(Vienna) ee qaaradda yurub ku sugnaa Shiikh Maxmed Dirir iyo Shiikh C\raxmaan Caddaani oo iyagu bilihii aynu ka soo gudubnay safar dhinaca dacwada ah ku joogay qaaradda yurub , waxayna mu‘tamaro kaga qayb galeen wadamada Sweden, Norwey iyo Denmark .

Jaaliyadda Soomaaliyeed ee ku dhaqan wadanka Austria ayaa si diiran u soo dhaweysay labada Shiikh iyaga oo sadexdii maalmood ee aynu ka soo gudubnay muxaadarooyin dhinacyo badan taabanaya soo bandhigay, muxaadarooyinkaas oo isugu jiray Tarbiyada caruurta, faa,iidada ay midnimadu leedahay, Dadka oo wanaag lagu dhex galo, iyo xuquuqda ay isku leeyihiin lamaanaha isqaba.

no images were found

Soomaalida ku dhaqan wadanka Austria ayaa aad u soo dhaweysay safarka ay ku yimaadeen labada shiikh wadankan  iyada oo aanay markii hore qorshaha ugu jirin Austria Safarkii ay ku marayeen qaarada Yurub     hase yeeshee labada shiikh markii  ay arkeen baaxadda ay leedahay jaaliyadda Soomaaliyeed ee  ku dhaqan dalkan ay u sheegeen in ay qorshaha mustaqbalka ay qaaradda Yurub ku imaanayaan ku darsan doonaan Jaaliyadda Austria.

Dhanka kale Jaaliyadda Soomaaliyeed ee Austria ayaa ka codsatay in labada shiikh iyo Culimada kale ee Soomaaliyeed ee iyagu markaasi dacwada u soo baxa in ay qorshahooda ku darsadaan wadanka Austria oo ay ku nool yihiin Jaaliyada lagu qiyaasay 2500-3000.

Guddoomiyaha Jaaliyadda Soomaalida C\Shakuur Mahamed C\laahi ayaa  isaga oo ku hadlaya magac Soomaalida ku dhaqan wadanka Austria waxa uu u mahad celiyey  Shiikh  Maxmed Dirir iyo Shiikh C\raxmaan Caddaani , waxa kale oo iyaguna culimada u mahad celiyey Gudiga jaaliyaddu u xilsaartay soo dhaweynta Culimada oo uu ugu horeeyo Shiikh Xuseen Macalin Makaraan, Cali Calasow , iyo Sheekh. Maxmed Abu Axmed .

Waa markii ugu horaysay oo culimo Soomaalida dhexdeeda caanka ah ay safar ku yimaadeen wadanka Austria oo isagu ku yaala badhtama Qaaradda yurub , culimada ayaa waxa ay sheegeen in aysan filayn in ay wadankan ku noolyihiin jaaliyada Soomaaliyeed oo intan leeg, waxayna sheegeen in wadamo badan oo qaaradda yurub ku yaala oo ay booqashooyin ku tageen aanay muxaadarooyinka iyo mutamaraad ka lagu qabto aanay soo xaadirin dad tiradan gaaraya, waxayna u dardaarmeen Soomaalida ku dhaqan wadanka Austria in ay ka faa,iidey staan isku duubnida hadda ka muuqata oo ay yeeshaan masaajido , iyo dugsiyo iyaga u gaar ah oo ay caruurtooda ku ilaashadaan.

Jaaliyadda Soomaalida ee Vienna  ayaa waxay dhankooda muujiyeen sida ay ugu farxsanyihiin culimada booqashada ugu timi waxayna sheegeen in ay ka faa,iideen mudadii koobnayd ee ay la joogeen ayna ilaahay uga baryayaan in uu ka abaal mariyo. Kulankan ayaa lagu qiyaasay in ay ka soo qayb galeen Soomaali gaadhaysa 400 oo qof.

Jaaliyadda Austria
jaaliyaddaaustria@gmail.com

 

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online