Sh Maxmed Idirs oo ka tacsiyeeyey geerida Sheekh Xassan Xabeeb iyo Ismail Xaaji Cabdi

June 3, 2012 - Written by

 Mahad oo dhan Ilaahay ayey u sugnaatay Nabadgelyo iyo Naxariisina Nebigeenna korkiisa ha ahaato, Waxaa saaka i soo gaarey geerida laba nin oo dac wada Islaamka iyo Ummadda Soomaaliyeedba wax tar u ahaa, waa Sh. Xassan Xabeeb iyo Ismaaciil Xaaji Cabdi, oo midna Muqdisho ku geeriyoodey midna shil tuulada huddiso ka dhacay.

Innaa Lilaahi wa Inaa ileyhi Raajicuun, labadaba Ilaahay waxaan uga baryayaa ilaahay inuu u naxariisto janadiisana geliyo dembigoodana dhaafo, qabriga u waasiciyo, wixii wanaag ay sameeyeenna kan ugu fiican ugu abaal gudo, wixii dembiyana ka dhaqo. dhamaan eheladii ay ka tageenna ilaahay samir iyo iimaan ka siiyo.

Waa geeri naxdin leh,laakiin sunnada ilaahay ayey ku noqotay ineynu dhamaanteen wadadaas geerida hayno, qof walbaana maalin ayuu adduunyada ka tegi doonaa, ilaahay waxaan weydiisaneynaa inuu khaatumada noo hagaajiyo.

Sh Maxamed Idirs
Halgan.net

 

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. Innaa lillaahi wa innaa ilayhi raajicuun ishu way ilmaynaysaa qalbiguna wuu murugoonayaa ma oranayno illaa wax ilaahay raalli geliyo mooyee, labadaas walaal ee ajashoodii ku timid waxaan ilaahay ugabaryayaa inuu naxariistiisa waasica ah ku daboolo dambigoodana dhaafo qubuurtoodana uga yeelo beer beeraha janaad ka mid ah, eheladii iyo asxaabtii ay ka tageenna ilaahay bedel wanaagsan ka siiyo.

    walaalkay ismaaciil xaaji cabdi waxaan is baranay mudo laga joogo toban sano ku dhawaad waxaan ku bartay khayr jacayl naxariis iyo akhlaaq wanaagsan, wuxuu ahaa nin hammigiisu uu yahay dacwda iyo kor yeelida diinta ilaahay jecel dadka ahlu diinka ah wuxuu ashaa nin cibaado badan intaan is baranay ma arag isaga oo ka baaqda gudashada xajka sanadkii ugu dambeeyey waan wada xajinnay.

    sheikh xasan xabeeb isma aanan arag laakiin waxaan ku maqlay khayr iyo inuu ka mid ayahay culimada dacwada salafiyada ilaahay jalla wacalaa walaalahaas ha u naxariisto anagana gadaashood fitnada ha naga ilaaliyo, inagana khaatumada hanoo wanaajiyo. aamiin

Leave a comment

*