Sh.Xasaan Xuseen Jaamacat Ictisaam Bilkitaab wasuna waa Jamaaca Murtada oo gaaloowday(Dhageyso)

June 21, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaan maqaalkaygii hore uga soo hadlay si kooban in caalim iyo Sheekh walba uu leeyahay ijtihaad kale duwan oo iska hori maanaya taasna ay sabab u tahay mar walba wadciga uu ku jiro iyo cilmiga oo marba marka ka danbeeya u sii kordhi kara  ama ka qar soonaan kara.

Waxaan Tusaale ahaan u soo qaatay ama ku halqabsaday labada sheekh ee kala ah Sheekh Xasaan Xuseen Aden iyo Sh. Maxamuud Shible oo ka mid ah culumada dacwada ka wada geeska afrika gaar ahaan magaalada Nairobi danta ama ujeedada aan ka lahaa waxay ahayd in aan tuso kuwa lagu ibtileeyey caayda iyo gaaleysiinta culumada Soomaaliyeed in Sheekh walba haddii la daba galo la soo heli karo hadalo iska horimaanaya iyo hadalo khilaafsan mowqif uu horay u qabay oo ka duwan kan maanta uu ka qabo hal mas’alo oo isku mid ah.

Runtii waxaan rabay in aan wado maqaalo aan ku dul istaagayo aqwaal u gaar ah culimo ama ducaad uu ku jiro Sheekh Xasaan Xusen ee kala duwan aniga oo jeclaa in aan maqaal walba keeno culumada lagu caayo baraha internetka iyada oo la soo kala goynayo hadalada culumada iyo Sheekh Xasaan oo leh ijtihaadaat kala duwan oo iska horimanaya sidda culimada kaleba ay u leeyihiin , arrinkaas ayaa u soo bandhigayaa akhristayaasha aniga oo ilaalinaya xurmada iyo cirdiga culumada iskana ilaalinaya in aan ku xad gudbo ama dani xun aan u maleeyo Sheekh Xasaan Xusen sida ay caadaysteen kuwa caaya culimada kale ee soomaaliyeed. Halkaan ka akhriso Maqaalkii hore nin walba sido la qabto buu leeyahay

Waxaan dhageystay  duruusta Sheekh Xasaan Xuseen anigoo intooda badan wada haya duruusta Sheekh Xasaan waxaana igu kalifay markaan arkay dhalinyarada qora baraha internetka qaarkood oo mar walba adeegsanaya Sheekh Xasaan aqwaal uu leeyahay kuna duqey naya culumo cilmi iyo cimri waxbadan ka weyn Sheekh Xasaan Xusen saxwada iyo baraaruga islaamka ee ka jira Soomaaliyana qeyb weyn ku lahaa.

Haddaan dib wax yar u milicsato maqaalkii kan ka horeeyey waxaan u soo gudbiyey qowlkii hore iyo qowlki danbe ee uu Sh.Xasaan Xuseen ka yiri galida baarlamaanka iyo in xil laga qabto dowlad gaalo ah oo muslinku ku tabar daran yahay sida Kenya si umada ay u aragto labada Ijtihaad oo aragtida danbe ee Sheekh Xasaan Xusen uu ku gaaleysiiyey cida gasha Baarlamaan ama xil ka qabta dowlad gaalo ah (Sidda Kenya) Cajalka laftiisa ayaa waxaa ku jira tanaaqud cajiib ah oo ka horimanaya aragtida Sheekh Xasaan ee danbe kaas oo ahaa in uu gaal yahay cid kasta oo gasha baarlamaan wuxuuna leeyahay mar uu naqdinayey wadaad Ictisaam.

Halkan ka Dhageyso Sheekh Xasaan oo leh wadaad  Ictisaam idinku gaaleysiin maayo hadaad tiraahdaan galida Baarlamaanka baa banaan.[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/9p90bv11a8/barlaman.mp3]

Muuquulada ka soo baxday wadaada waxaan leenahay hadaysa Kufri amrin wey qurxiyeen oo ay sharciyeeyeen… Ama waxaad tiraahdaa waa banaantahay Baarlamaan in la galo baa banaan Dastuur in la galaa banaan aniga kugu takfiirin maayo laakiin waxaan kugu takafiirin dastuur aad ogtahay in uu shirki ku jiro oo aad adiga soo xukumatay markaad tiraahdo maslaxo baa loo gali karaa Macal wuquuci shirki bilkufri  markaa adigaa gaaloobaya inta uusan gaaloobin kaad u fatwootay caamiga oon gaaloobin baa muftiga gaaloobayaa.Hadaba waayo wadaada Shirkiga iyo Kufriga Yiri Maslaxo baa loo gali karaa.? Haday galida Baarlamaanka Shirki iyo Kufri tahay muxuu Sheekh Xasaan u leeyahay wadaada ku gaaleysiin maayo baarlamaan ay galaan !

Waxaa kale oo uu Sheekh Xasaan gaalnimo ku xukmiyey shucuubta gasha doorashooyinka ee u codeysa kooxaha ku hardamaya xukunka waxaana uu qiyaas u soo qaatay atbaacda Musaylama kadaab isaga oo dadkii fadhiyey masjidka weydiiyey xukunka atbaacada Musaylama wuxuuna qiyaas uga qaatay shacabka codka bixiya ee Muslinka ah  haddaba culimada qabta in la galo baarlamaanaadka dunida Muslinka ma gaalaa. ?? Haddiise Sheekh Xasan qabay qowlkaas markii hore muxuu noqonayaa xukunkiisa. ?

Duruusta Sh Xasaan Xuseen ee ugu danbeeyey ayaan waxaa ka dhageystay fatwo qariib ah oo aan aad uga naxay xili uu Sheekh Xasaan naqdinayey Ururka Al-Ictisaam manhajkeeda isaga oo cinwaan uga dhigay Tilmaamida Khaladaadka Manhajka jamaacat Ictisaam ka  waxaan horey ula yaabanaa duruus kale oo shalay soo maray ayaan waxan la kulmay qowl runtii aan aad iiga yaabiyey qowlkaas oo runtii aniga aan ka filayn  Sheekh Xasaan Xuseen waxaan uu yiri mar uu ka hadlayey (Ururka Al-Ictisaam Bilkitaab wasuna ) oo ah Urur Islaam ah oo dowr weyn ku lahaa saxwada iyo Baraaruga Islaamka  ayaa waxaa uu Sheekh Xasaan Xuseen si sahlan u yiri ” Waxaa Ictibaarineynaa Jaamactul Ictisaam  Jamaaca Murtada ).

Hoos ka Dhageyso Sheekh Xasaan oo fatwoonaya in Jaamacat Ictisaam (Ex Itixaad Islaami)Jamaaca Murada oo diinta ka baxday.

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/002288c21l/ict.mp3]

Sheekh Xasaan Xusen ayaa waxaa uu yiri hadalkan(Jamaacat Ictisaam waxaan Ictibaarineynaa Jamaaca Murtada ) mar uu naqdinayey Manhajka Jamaacat Ictisaan Bilkitaab walsuna  waxaana uu ku yiri darsiga 10aad ama cajlaka 10aad daqiiqadaha.lama yaabani Mowqifka uu qaatay Sheekh Xasaan Xusen  balse waxaan aad ula yaabay sida uu isaga ilzaamiyey mowfika xarakada Ictisaam oo wuxuu leeyahay waxay gaalo u arkeen bay baneeyeen sidaas darteed waa gaalo! Sheekh Xasaan ayaa ku celiyey mar kale in si aan leex leexad ahayn Jamaacada Ictisaam in ay tahay Jamaaca Kufriya oo gaalo ah.

Hoos Ka Dhageyso Sheekh Xasaan Xusen oo Leh Jamaacat Ictisaam waa Jamaaca Khufriya
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/4qu7oc7jmm/ictisaam2.mp3]

Shaki kuma jiro in uu Sheekh Xasan Xusen leeyahay aqwaal iyo mawaaqif yaab leh oo ka mid tahay  in goobaha ay ka taliyaan Ururka Al-Shabaab kaliya uu yahay daarul Islaam dhulka kale aysan ka talin ay tahay dhul gaalo waxaana uu Sheekh Xasaan ku yiri  Bayaan uu ku ayiday Culumo bayaan ka soo saartay magaalada Baydhabo  (19 Muxaram 1433 H) wuxuu yiri :”Maslaxadu waxay ku jirtaa in la gaalaysiiyo dhamman shacabka iyo culimada ku dhaqan nidaamyada jira oo dhan ee riddada ah, ha rumaysnaadeen gaalnimada ama yeysan rumays naane, qofkii ducaadda ka mid ah oo sida khilaafana waa in la gooyaa, la cambaareeyaa ama la yiraahdaa waa faasiq” (Ta’yiid wa Munaasarah, Bogga 43)

Sheekh Xasaan waxaa kale oo uu qabaa ,in culumada loo dili karo fasaadkooda kan wax dila  uu yahay mujaahid kan la dilana uu yahay Shahiid  iyo aqwaal kale oo tiro badan taas oo aan ku soo bandhigi doono maqaalada aan ugu talo galay (Aqwaasha u gaarka ah Sheekh Xasaan) hadii alle idmo.

Waxaa kale oo aad ula yaabay dhiiranaata Sheekh Xasaan markii uu ku xukumayey Ururka Al-Ictisaam in ay gaalo yihiin waxaa uu yiri laba ijmaac baan heystaa oo qofkii shirki akbar ah umada ugu yeera ama u qurxiya waa Takfiirsanayaa Su,aashu waxay tahay culumada Ictisaam ee ugu waaweyn ma waxay umada u qurxiyeen shirki akbar ,ma waxay umada ugu yeereen gaalnimo jawaabtaas waxaan u deynayaa dhalin yarada iyo culumada saxwada Islaamka iyaga ayaa ah markhaati!

Waxaa kale oo cajab iyo yaab ah sida Sheekh Xasaan ugu heysto culumada Ictisaam in ay jaahiliin ka yihiin masaa,il kufri waliimaan iyo sida uu arrinkaas isaga xarfaan ugu yahay xili la wada yaqaan culumada Lajna cilmiya ee xarakada Ictisaam in ay yihiin ragii towxiidka iyo dacwada maanta jirta sababata u ahaa  fadliga alle ka dib ,balse aan u soo gudbiyo magacayada culumada diyaarisay manhajka Ictisaam oo uu gaaleysiiyey Sheekh Xasaan Xusen taas oo aysan aqoon dhalinta yaryar ee saxwada .

Magacayada Culumada Lajnada Cilmiga ee Ururka Al-Ictisaam Bilkitaab wasuna

1-Sheekh Cali Warsame
2-Sheekh C/qaadir Nuur Faarax
3-Sheekh Bashiir Ahmed Salaad
4-Sheekh Dr.Ahmed Xaji C/raxmaan (oo lagu dilay Boosaso allaha u naxariisto)
5-Sheekh Yuusuf Aaden
6-Sheekh Maxamuud Ciise
7-Sheekh Cabdinaasir Xaji Ahmed
8-Sheekh C/raxmaan Sheekh Cumar
9-Sheekh Maxamed Idirs Ahmed
10-Sheekh Cabdulaahi Sheekh Nuur

Sheekh Xasaan Xusen ayaa mar uu naqdinayey Sheekh Xasan Xabeeb Allaha u naxariistee oo ka mid ahaa culimada Soomaaliyeed oo bidco ku xukmiyey Culumo ogol in la sameysto Urur oo ay ka mid yihiin Sheekh Mustafe Haaruun iyo Sheekh Umal ayaa waxaa uu Sheekh Xasaan sheegay in qofna aan lagu xukmin karin Bidco iyo Fisqi ilaa laga eego Shuruuda iyo mawaanicda Ahlusunuh ay dejiyeen Sheekh Xasaan Xusen ayaa Yiri “Usuusha Ahlu Suna Waljamaaca waxaa ka mid ah in Masaa,ilka Ijtihaadiga ah ama camaliyaadka ah iyo wixii la mid ah ,Ama ninka kugu khilaafsan Ra,yi aadan Tabdiicin kari ama tafsiiqin karin. Wuxuuna Sheekh Xasaan sheegay in Usuusha Firqada Khawaarijta iyo Jahmiyada ay ka mid tahay in aad tafsiiqiso ama tabdiiciso ninka kugu khilaafsan rayigaaga .

Hoos ka Dhageyso Hadalka Sheekh Xasaan  oo Naqdinaya Sheekh Xasan Xabeeb raximahulaah [audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/a7gv1r2h1i/xabeeb.mp3]

Sheekh Xasaan Xusen ayaa hadalka sii waday isaga oo wili radinaya Sheekh Xasan Xabeeb Raximahulaah  ayaa waxaa uu hoosta ka xariiqay in marka la radinayo koox ama jamaaco laguna xukminayo bidco iyo kufri in ay ka laazimeyso in kooxda aad gaalnimada ama bidcada aad ku xukuntay ay Aakhiro galayaan Naar !marka Sheekh Xasaan hadii Rido iyo Kufri ku xukumay Ururka Al-Ictisaam muxuu ka leeyahay xukunkooda Aakhiro waa jawaab laga sugayo.

Hoos ka Dhageyso Sheekh Xasaan oo ka hadlaya marka la xukumayo kooxaha..

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/8onjahk51o/xabeeb2.mp3]

Sheekh Xasaan Xusen muxaadaradii uu ku radiyey Sheekh Xasan Xabeeb oo aan ka keenay hadalada kor ku xusan oo kaamil ah hoos ka dhageyso Al-Muqaaraca Cajalka 24aad
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/4246kfbxyg/muqaaraca.mp3]

Halkan ka Dhageyso muxaadaradii uu ku gaaleysiiyey Sheekh Xasaan Xusen Ururka Al-Ictisaam Bilkitaab wasuna oo dhameystiran.waxaana uu sheekha u bixiyey Tilmaamida Khaladaadka Manhajka Ictisaamka waana numbarka 10aad ee si fiican u dhuuxa .

[audio:https://www.halgan.net/Mp3/tilmaam1.mp3]

Soomaalidu waxay ku maahmaahdaa af jooga looma adeego Ururka Ictisaam waxaa uu leeyahay culumo iyo ducaad aad u tiro badan waxaana hadalka Xasaan jawaab ugu filan Manhajka xarakada Baabkiisa koowaad kaas oo Ururka uu si faahfaahsan qeybaha towxiidka bal ila eega

iyo Sheekh Bashiir ahmed Salaad oo Sharxaya xukunka aan ahayn midka alle waxa uu Ururkiisa ka aaminsan yahay

Bal hoos ka Dhageysta oo idinka xukmiya Muslinow cida daniga xun ,dulmiga iyo gaaleysiinta maaro looga waayey Sheekh Bashiir oo ka hadlaya xukumka alle in uu yahay waajib

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/z03r6sbyd0/shbashir.mp3]

Maqaalkeykii kan ka horeeyey waxaan u soo gudbinayey labada Ijtihaad ee kala duwan ee uu leeyahay Sh. Xasaan in qofwalba oo caalim ah uu mas,alo qabi karo kana laaban karo markii ay u cadaato ama uu cilmi alle ugu deeqo .sidoo kale ujeedkeyga maaha in aan Sheekh Xasaan taargad gareysto ama colaad gaar ah aan u qabo wuxuu iila siman yahay culumada Soomaaliyeed oo leh sax iyo khalad balse waxaan haboonayna in culimadii dalka Soomaaliya oo inta badan ka tirsan urur ka Ictisaam ama kuwa aan ka tirsanaynba sida Dr.Sh Axmed Iimaan si sahlan loogu gaalnimo xukumo.

Hadaba maxaa la gudboon qofkasta oo muslin ah oo dhaghiisa ku dhageysta Fatwada uu gaalnimada ku xukumay Sheekh Xasaan Xusen Jamaaca Ictsiaam bilkitaabi wasuna (Ex Itixaad Al-Islaami) taas oo lagu diyaarinayo jawi lagu laayo culumada iyo ducaada Ictisaam sidii awalba loo dilay Sheekh Dr Ahmed Xaaji C/raxmaan iyo Sheekh Maxamed Tahliil  ma in laga aamuso fatwooyinka noocaan oo kale ah mise in laga hadlo oo laga bari noqdo jawaabtaas waxaan u deynayaa Culumada dalka Soomaaliyeed waxay ka oran lahaayeen.

Si kastaba ha ahaato waxaan ku soo gunaanadayaa maqaalkeyga qof walba waxaa ka horeeya waxaa uu hormarsado khayr iyo sharba fatwooyinka noocan oo kale ah waxaa laga soo miinguuriyey iyada oo xarfiyan ah rag qulaad ah oo xitaa qulaatnimadooda ay gaarsiisay in ay gaalnimo ku xukumaan culumada ugu waaweyn ee caalamul Islaam sida Sheekh ibnu baaz ,Sheekh Maxamed Saalax cuthaymiin iyo culumo kale waxaa sidoo kale la gaaleysiiyey Ururo Islaami ah sida Ikhwaan Muslimiin,Jaamacat Xamaas,iyo Ururka Dhaalibaan waxaana runtii arinkaas si wanaagsan uga hadlay Sheekh C/raxmaan Abyad ilaahay ha ka ajar siiyo ee qofkii raba dib ha dhageysto.

Waxaan alle ka baryayaa in xaqa na waafajiyo wixii gaf ahna naga dhaafo dhamaanteen waa inoo maqaalka 3aaad hadii alle idmo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

57 Comments so far

Leave a comment

  1. Subxaanalaah xasaanow hilo walba ka cabtay waa hiladii yaxaasku kaaqaadi lahaa midaad maanta cagta saartay ilaahay kheyrka hakuu ifiyo shacabka soomaliyeed kaa yeeli maaayo culimada soomaaliyeed waa gaalo is daba qabo intay goori goor tahay viva ictisaam ilaahay haydin barakeeye umada waxad u tihiin dayax 15aad ah dhag ha u dhigina sheikh xasaan warkiisa
    wajazakumulaahu kheyr. Wcww

  2. ninwaliba sido laqabte leh.
    waa hadal micno sameeynaya, loogana gol leeyahay hadii hadalkasta oo qofku ku hadlay laraac raaco waxaa loo helayaa ceeb.
    intaa kadib maxaa walaalahasalaf u nisba sheegta kuligood ku ibtileeyay xakunka dhaqsa loo ridayo?.
    tala aahaan waxaan dhihilahaa halaga daayo dhalinyarada lagu tarbiyeeynayao tashadudka, iyo hebal ayaa sidaan ah.hadiikale caaqibad xumadan ayaa imaanaysa.

  3. Asc wr wb ikhwaanii fakarkayga waxa weeye beenta iyo borobagaanka halaga daayo sheekha wax qalad ah uu ku hadlay haday jirto waa bini aadam qaladna bini aadam lagama waayo ALLAAH ka cabsada ee dhaafa culimada caamooy ayagay u taal wixi ay isdhahaan haku dhax dhuminina caamada aniga ila midka ah waa iga talo barri inuu shiikh aa jeceshihiin noqo doono ALLAAH aa ogee WBT

  4. Nimankii durey iyo dureey diinta laga gaarey
    Kutubtii ay duubeen ragii dunida ay deeqday
    Nimankii kadoorbiday aduun diinta fidinteeda
    Dar ilaahey nimankaa socdee dunida meeraaya
    Wiilyohow dulminayaa magaran dawga aad marine

    Hadba dalandalkaygii horaan dib uxasuustaaye
    Diinli ida meeshaanku koray waa damqanayaaye
    Tawxiidka anigoo kadedan oo digriga qaada
    Oo dirica dumarkii xirteen dulicu uumuuqdo
    Nimankii daboolee gabdhaha diinta ugu yeeray
    Wiilyohow duminayaa magaran dowga aad marine

    Culumada ladaandaansadee duubka laga xooro
    Doqonyohow kajoog duul horaa loogu dowgalaye
    Daqdaq dada badanbaa ibliis kuu durbaan tumaye
    Dagaalkii ilaahey waryaan lagugu daaduumin

    Dadka kale hajoogeen inaad daba istaagtaaye
    Culimada waxaa kugu diree aad u degiweydey
    Waa daqay wareen kugu dhacoon daawo looheline
    Jahli nimuu kudaahoo hadana duudka kaciroobey
    Degdeg kama xishoodiyo inuu dacar walaaqdaaye

    Dadku waydagaalaan hadana dib uheshiiyaane
    Dow iyo xad baajira ninyohow aan ladaakhiline
    Dariiqyada marbaa laga durkaa meesha aa degine
    Dabka shidan hadii aadan damin waa ku dagantaaye
    Culimada ladoondoonto waa lagu duloobaaye

    Dabuubtaada iyo hadalka waa la isla doontaaye
    Durba lama yiraahdoo hadhow diiqalyaad geline
    Malaa igo ladoortaajiroon daalin weligoode
    Buugii lagaa daabacaa duudka kaasurane

    Danbaskiyo habaaskaad fadhido duul horaa maraye
    Dowdow cidlaa lama ordoo waad ku dagantaaye
    Daabaca war beenihi dhaqsuu kula dekaamaaye
    Adoon darajo dheer gaarin baad daal lasoo dhicine

    Waxaa taa kadaran deynta aan lagugu deyneyne
    Dadkaad caydayoo idil dacway soodalbanayaane
    Camalkaad ku daashaa markaas loodaldalayaaye
    Deeqinamayoo waa wax aan lagugu deyneyne

    Adigoo fiqiirnimo darted dalagsanoo liita
    Daalaadhacaagana indhaha daamur lagu saaray
    Jahanama dugaalkeedi bay derini kuutaale
    Waa meel ninkii daano galay lagu danbaysiine

    Duli iyo cadaab heedhe waa laga ducaystaaye
    Laguna deyn mayo malagu waa soo degdegayaaye
    Duufaan halaagiyo intaan dooni lagu saarin
    Naxashkii daboolaa intaan lagugu duuduubin
    Dib unoqo ilaah toobad buu kaa dalbanayaaye

  5. war wadado ma ahane naga wad wa dad inkaar ku dhacday waba yaab bal u firso ninkaan wadadka sheganayo ee fakarkisa dadka ku xukumaya hadba siduu doono

  6. Asalaamu Caleekum Waraxmatulaah
    Salaan Kakib Waayaab War maxaa ku dhacay ninkaan banaaka ayuu isusoo dhigay bilaah caleek dhageysata sidu uu isku qilaafsan yahay hadalkiisa
    markuu baneenayay uuna baraarujinayay in laga qeyb qaato doorashada kenya
    hadana dadka uu ku gaaleysiinayo waa takfiir aabahood
    waxaana la yaabsa nahay dhalinyarada hor fadhadido oo wax ka dhgeesanoy
    ninkaa waalaan,

  7. asc walaala yaal waxaan web-kaan dadka qoro kula talin la’haa ineeysan hadii eeyba jirto xumaanta walaalkood ineeysan raacraacin qof walba waa uuw yaqaanaa wixii sax ah iyo wixii qaldan sheekadana yaa lagadhigin wain cudtum cudnaaa wabilaahi toowfiiq

  8. MARKA HORE WAXAA MAHAD ISKA LEH ALLAHA NA ABUURTAY OO KOONKA ISKA LEH WAX WALABAN OG. MRAKA XIGA asc dhaman waxaan halkan ka salamaya umada muslinka ah oo dhan meel walba ey joogona waxaa kale aan salamaya walalken noo soo gudbiyay fadwooyinka muhiimka u ah umada mida kale waxaan isweydiiyaa inta badan sh,xasan umuda gaalo ayuu ugu yeeraa isaga haddii uu muslinyahay uuna aminsanyahay marwalaba waxaa wata niman gala ah oo asakar ah wana lasoo daayaa sacada kadib muxuu uga tagi la,yahay uu u adi la,yahay dhulka islaamka uu joogo?

  9. as w w akhyaarta dhamaan wan salaamay kadib allaha na hanuuniyo dhamaanteen kadib sh xassan waxu wax u wada si cilmi ah waxa uu sheegayo ayado iyo axadiith iyo aqwalu salaf melaha ay wax mariyeen culimada al ictisaam bilkitaab wa suna wa in ay si cilmiyeeysan uga jawabaan insha allahu tacalla xalko waba dhibyaryahaye.

  10. Asc

    Waxaa xaqiiq ah qofwalbaa waxii uu galabsado in uu kula kulmaa adduunka inta aan aakhira lagaarin, Hadda Culimadda uu Daba dhigtay Xassaan, ee Xeradda islaamka uu ka saaray sida Alshabaab oo kale, waxeey horay Dacaayad iyo Bidca ku Tilmaameen Culamadii soomaliyeed ee gayiga joogay, Kitaabadana akhrin jiray. Marka waxaa haysta, “KAMAA TU’DIINU TU DAAN” Ama Tilmka Bi Tilka, Xanuunka ay leedahay maanta wayeey hayaan, balse ogaada waxa daaqada kala baxay waa Aradoodii.

    Waxaan Allaah Kabaryaa in Culumadii Rasmiga aheeyd noo barakeeyo, Kuwaan Maanta Kalmadda ay sheegaan Bari Kanoqonaana allaha kuduwa in Diinta ay ka saaraan danta gaarka ah ay ku dhax waddaan.

  11. Illaahaw na badbaadi, koleey waan aragnaa waxa socda, marka ha la is ilaaliyo.
    .
    Culimada ayagaa is yaqaana, ayaga ha is radiyaan, anagu ma gali karno badooda.
    .
    Sheikh Shibile iyo Sheikh Xasaan waa laba caalim.
    Hadii midkood khaldamo, caamo uma jawaabi karto, culima umbaa u jawaabi karta.
    .
    Culimadu wax badan ayeey ka digeen, in caamadu culimada xagxagtaan, ileen cilmi ma lahee, waxayna dheheen culimadu, sheikhu haduu asiibo 2 ajir buu leeyahay, haduu khaldamana hal ajir! Maxaa loo wadwadi, iska ilaaliya arinkaas.
    .

  12. Shiiq Xassaan saaxada dacwada soomaalida cilmi kuma soo kordhine wuxuu soo biiriyey cay iyo aflagaaddo aan caado u aheyn culimada.

    Caydii markuu arkay ineysan waxba tayeyna wuxuu u dallacay inuu yiraahdo jamaaco jamaaco iyo qabiilo qabiilo ayaad gaalo u tihiin, ilaahay kusoo qabay diin la’aan weynaa.

    Raggii ay carra Ogaadeen waagii uu xerowga ahaa ay isku xerta ahaayeen waxay sheegeen in xiisad kasta oo kacda uu dhex boodi jiray, markaasaa waxay sameeyeen halqabsi ay ku leeyihiin “KULLU FITNA CNDA XASSAAN”
    Kii saas ahaa oo aan is bedelin oo deedna qolo indho xiran ay tiri sheekh baad tahay maxaad ka maleysaneysaa?

    NINKII XAQ DOON AHOW XASSAAN CAQIIDADII SALAFKA WAA KA BAXAYE YUUSAN IDIIN DHUUMAN.

  13. ikhwani marka ay timado galaysiin waxaan kulatalinlaha camada ee an anigu ka mid ahay in aynaan danbabinee oo aan iyaga uga baxno dodaha ku saabsan galaysiinta iyo waxa lamida ilayn hadi adiga aad isku daydo in aad ka qaybqadato waxaad ka mid noqonaysa culumadii dodaysay marka suasha mesha talla waxaytahay, ma culumada ayaan ka midtahay mise camada? wa jazakumullahu khayra ws c wr wbr

  14. XASSAAN WAXA KA DHACAY KHALAD MA AHEE WAA INXIRAAF CAQADI AH. KHALAD WAXAA LA YIRAAH MARKII QOFKU KU SIMBIRIRIXDO MAS’ALO FARCI AMA ASLI AH LAAKIIN AYSAN WAX INTAA DHAAFSAN KA RATIBMEYN. XUKUNKA GAALEYSIINTUSE INTAA WAA WEYN YAHAY, WAXAYNA KA DHIGAN TAHAY SIDII ADIGOO DILAY CIDDA AAD GAALEYSIISAY. YAAN SAHAL LOO QAADAN NIN KU XUKUMAY SHACABKA SOOMAALIYEED EE MUSLIMKA AH IN DHIIGGOODU UU XALAAL YAHAY, XOOLAHOODANA LA BILILIQEYSAN KARO, AAKHIRANA AY AHLU-NAAR NOQONAYAAN.

    HORTIISBA RAG LOO HANQEYNAA BAA BARQO CAD ISLA SOO TAAGAY WAXAAN ANNAGA AHEYN WAA GAALO, DIINTII IYO DACWADIINA UMA JOOGSAN EE IYAGAA GEED ISKU XIRAY, XASSAANNA HA OGAADO IN HANGARAARAC UUSAN LUG U DHUTIYIN EE UU RAGGII KA HORREEYAY EE MANHAJKAN MA DHALAYSKA AH LASOO MURAY HALKII AY MAREEN UU MARI DOONO HADDUUSAN ILAAHAY KASOO GAARIN OO UUSAN TOWBAD KEENIN.

  15. Walaalha muslimiinta ah waxaan u sheegin in aan la cayin sheekha afla gaado wax lagu xalin hala xurmeeyo sheikh hana loo baryo allaah si cilmiyeeysana haloo radiyo ee shaydaanka yaan loo eryin sheikh xasan waa walaal wax tar ah kamana maarano ee yaan lagu degdegin ee haloo duceeyo saan soo qorayna arinta shekh aan u deyno culimada iyo cedii cilmi ku saxaysa yaana faraha laga laaban hana la illlaasho ciedigiisa iyo sharftiisa intaba waaba inta walaalha muslimiinta ah xaqa isugu leyihiin hadii hanuun u dhiman yahay allaah hasoo hadeeyo hadii kalena allah ayaan u bandhignay.

  16. Ala Somaalidu dulqaad badnaa.

    Hadii cidii qaldanba mar hore faraha laga saari lahaa herkaa lama gareen waxaan ka codsan walaalha ehelu cilmiga ah culimo iyo ducaad in aan faraha laga laaban cidii xadgudub ku wada diintaan shacabkana dhaawac ku wada walaalka maqaalka qoray allaah haku ciseeyo hana ku barkeeyo.

  17. waa cajiib lkn arintaan waaba ilaweynaatay aniga cajiib allow nahanuuni

  18. waxaa wanaagsan in xaqa lacadeeyo walaahay waa cajiib wax walba waa cadaadeen

  19. War niman yahow Sh Xassan aniga wuxuuba igu Diray Sh Islam Ibn Taymiyah. Bal ila fiirsada Qowlkasta oo uu soo daliil sanayo Ayad iyo Xadiith midna mahan ee waxuu ku leeyahay, Sh Islam Ibn Taymihay wuxuu yiri Sidaas iyo sidaas. Ilaahay khayr badan hasiiyee Sh Islam Ibn Taymiyah Madiintii Islamka oo dhan buu noqday?

  20. Qaatalahullah maanta ka hore waxaan u hayay ixtiraam haba khaldanaadee laakiin maanta khawaarijnimadii ayuu muujistay. Qawaacid sheydaani ah iyo usuul xaruuri ah ayuu asalaystay, wuuna been abuurtay wuuna fogaaday Allah haka abaal mariyo wuxuu mudanyahaye. Ma moodaynin jahliga iyo hawa raacnimadu inay heerkaas la gaarayso laakiin meel unbuu ka fitnoobay meelay tahayba. Allahayow hanna fitnaynin.

  21. Wadaadka ma wuxuu is mooday in aan la fahmi Karin caamada xataa ka dhigoo, ma wuxuu is leeyahay dadka in yarna waxba ma garan karaan, waxa uu ictisaam ku gaalaysiiyay inuu ku jiro isaga qudhigiisa, inta kadib wadaadka islaam na um gargaarin cadawna ma jabin in uu qof ka fog gaalaysiiyo mooyaane, dee waxaa ceeb kuugu filan inaad diinta ayaan ruux ka saari tiraahdo adigana aad caro gaalo dhexdeed aad ku noolaato miyaysan ceeb kugu ahayn.

  22. Sheekh xasaan isaga ayaa is takfiiriyay ee cid kale ma takfiirin waxaana daliil u ah, wixii ku jiray maqaalkii kan ka horeeyay inta uu soo xukuntay baarlamaanka iyo waxa ka socda inay gaalnimo yihiin ayuu hadana wuxuu baneeyay in la gali karo, wayna cadahay arintaas wadaadka waxaa dhib ugu filan inuu isaga is gaalaysiiyo ee waxaa haboon hada wixii kadanbeeya in loo sheego in uu san dadka u fadwoon ama aan fatwo la waydiin hadii uu ka joogi waayana laga celiyo, wadaadka waxaan kula yaabay dad ayaa xishooda isagu wuxuuba la soo taagan yahay wiil yar ayaan ahay, oo khalad hadii aan galo la ilama yaabayo, wiil yar ma tihid sheekh shibli iyo umal waxba kaama wayna laakin way uun kaa caqli badan yihiin, waxaanan is iri wadaadka waxbaa u dhiman ama waa la maray oo jin iyo waxbuu tumi jiraye sida la ii sheegay amaa jinka fidnadan wataa, hada ka horna waxaa looga sii daayay dawlada kenya inuu yahay qof waalan saas ayaan maqlay marka wadaadka bal dhakhtar haloola cararo hana la baaro xaalkiisa iyo sida uu yahay, waxan uu wado waa labo mid uun inuu yahay nin ay hawo qaaday ama nin waalan wax ka dhexeeya maleh labadubana waa khatar.

  23. بسم الله الرحمن الرحيم إن الحمد لله، نحمده ونستعينه ونستغفره، ونعوذ بالله تعالى من شرور أنفسنا وسيئات أعمالنا، من يهده الله فلا مضل له، ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له، وأشهد أن محمداً عبده ورسوله

    Ilaahayoow xaqa na tus, nagana yeel kuwii raaca. Baadhilkana na tus oo naga yeel kuwii ka fogaada.
    Walaalayaal, arintan ku saabsan is gaaleeynta waa arin aad u weyn oo ay muslimiinta ineey ka taxadiraan mudan, maxaa yeeley marka qof la gaaleeyo waa in la fuliyo xukunka ilaahey ee ku aadan qofka diinta Islaamka ka baxay oo waxaa banaan dhiigiisa.
    Sida aan wada ognahay umada Soomaaliyeed in fara kutiris ah maahine waa muslimiin, iskaba daa culimadeena.
    Waxaana Islaam nimadooda marqaati u noqonaaya Hadiithka nabi Muxammad صلي الله علبه وسلم oo uu ku caddeeyey qofka islaamka inuu yahay qokii salaada tukada, qiblada islaamkana u jiheeysta inuu muslim yahay uuna kaga siman yahay waajibaadka iyo xuquuqda qofka muslimka ah iska leh :

    (من صلى صلاتنا، واستقبل قبلتنا، وأكل ذبيحتنا، فهو المسلم، له ما لنا وعليه ما علينا )
    Waxaan uga digaayaa walaalehyga muslimiinta ah ineey ka digtoonaadaan ineey dhiiga qof muslim ah ay baneystaan maxaa yeeley ilaahey quraankiisa wuxuu ku yiri: (Ruuxii u Dila Mu’min si Kas ah, Abaalkiisu waa Jahannamo oos ku Waari dhexdeeda, wuuna u Cadhoon Eebe)wuuna Laenadi wuxuu u darbi Cadaab wayn.

    Ilaahayoow naga dhig kuwii ku dhaqma dhiinta Islaamka kuligeed oo aan qeyb kaliya ka dooran…Aamiin

  24. Sheekh xassaan hafidhahullah wu toosanyahay ee shanta kadiga

  25. asc, waxaan la yaabanahay culimada zemankaan jirto qaarkood, waa yaabee intey iyaga isku mashquuli lahaayeen mey umada u soo gudbiyaan cilmiga sharciga ah oo ay umadu u baahantahay,
    dhanka kale mas’alada sheekhaan ka hadley waxey u muuqataa mas’alo aan lagu qotaminin fahamka shareecadeena suuban,
    wallahu aclam,

  26. Ascwwb ikhwah sheekha Maxaa ku Haysataan, Culimada aad dhihi jirteen yaasan la caayin! ayaa hada bilaawdeen in aad sh Xasaan Xag Xagataan miyaaa???
    war ilaahay ka baqa oo ruuxii Cilmi leh sheekha ha Radiyo sheekha, qofkii Caay iyo Aflagaado wado ilaahay ha kacabsadaan..

  27. asalaamu calaykum waraxmatulaahi wabarakaatuhu
    waxaaan aaad ugu mahad celinayaaa walaaalaha halgan.net
    sida wanaagsan oo ay markasta udifaacaan culumada saxwada somaliya
    iyo sida ay u ixtiraameeen sh xasaan xuseen intaas kadib
    waxaan kadhihi lahaa arinta sh xasaan kahadlay waa arin mucjiso ku ah dhamaan wadaada iyo shacabka muslimka ah ee somaliyeed oo dhulkoodi lagu tilmaamay daarul kufri halka kenya ay latahay daarul islaam arinkaasi wuxuu umuuqdaa mid aan laga fakarin cawaaqibta kadhalan karto aduun iyo aakhiraba waxaan ka warsugaynaa sida ay uga jawaabaan culumada somaliyeed ee kenya la jooga sh xasaan xuseen waa arin aan aad uga argagaxay markaan dhagestay jaamaaco dhan oo lagaaleysiinayo xataa aan shaqsi aheyn marlabaad waxaa umahad celinayaa walaalka diyaariye maqaaalka waxaanse idin weydiiye sh xasaan markuu xabsiga kasoo baxay kadib muu kahadalay arinkaan?

  28. asc dhamaan walaalaha muslimiinta, salaan ka dib waxaan leehay walaalah xaq doonka ah eene jiidaniin casabiyada ku dhisan qabyaalada,gobolaysiga,ururnimada iyo wixii la mid ah inay si degan ay xaqa ku raadiyaan iyagoo qofna aan ugu ee xanaynin ama uga hibaysanaynin, walaal waxaa fiican ninkastoo gar kugu haysta inaad ka garbaxdid adigoo si toos ah u abaarahaya wuxuu kugu haysto, lakiin waxaa mushkila ah inaad tiraahdo markii wax lagugu soo eedeeyo inaad dhahdo see ani eed la iisaari karaa anoo hebel ah. gabagabadii waxaan leeyahay wadaada ictisaam waxa lagu galay ha iska bari yeelaan haday xaq ku taagan yihiin haddii kale wadaadadii ayaa la gaalaysiiyay ha taagnaadaan
    .

    • ahmed,
      waa runtaa,dawlada shirkiga kusugan ee laga qeyb qaadanayo waa dawlad muslim sheeganaysee, taas yaanay moogaan dadka sheekh xasaan heysta.maahan dawlad europe ama galbeedka kutaal.

  29. Walaalka maqaalka qoray khayr Allaha siiyo, sifiican buu hadalka udhigay,. Wuu awoodi karay inuu kadhigo sida dad qaarkii ciwaan ah “SH. Xasaan Shalay iyo Maanta” balse wuu kagaabsaday,. sidoo kale wuu cadayn karay inuu dhaho sh. xasaan saasuu culumada kugalisiinayaa dadow arka.

  30. Sh Xasaan waa cadeeyey inuu hore uga qarsooneyd kufrinimada ka qeybgalka doorashoyinka iyo baarlamaanada. Hadana mowqifkiisu waa cadyahay. Balse Shible iyo Umal mowqifkoodii Jihaadka inay ku khaldanaayeen ha cadeeyaan oo ummadii faraha badneyd ee cajaladahooda dhageysatay markay ina Yusuf yey galeysinayeen ha ka shaafiyaan. Mida kale, ha cadeeyaan inay hore u aaminsanaayeen inaan democracy laga qeybgali karin hadana mowqifkoodu is bedelay.

  31. sw

    waxaan salaamayaa dhamaan walaaha waxaan la yaabay sida uu Sheekh xasaan ugu degdegayo Gaaleysiinta umada islaamka ah iyo culumadeeda ;Shxasaanow alle ka baq oo mukhaalifka kaa horjeeda ha gaaleysiin xerta kaa falaxalaneysa ma wuxuu ka wadaa amniyaad Al-shabaab ee dilay Dr Ahmed Xaji ……Yaaaaaaaab

  32. dhiig mise dhayal….

    Muxuu ka wadaa markuu leeyahay ballan weeye inay xertu kaa faraxalato,
    hayaaaaaaaaaaaay ,waaa caddaaaaaan….. waa cadddaaaaaan….

  33. Asc aniga waxan kutalin lahaa in ay culumada ay dib iskugu noqdaa o ay isa saxan sida imuqata sh.xasaan hadaladisa wa kuwo cilmiyeysan o ey dalilo lasocdan. Sidokale manhajka ictisamna wa manhaj cilmiyeysan o dalil lasocda e culumada haisaso hor faristan o waxyala ishkalka kujiro haisku cadeeyan.

  34. Asc
    Sheekha hadal kiisa iskama hor imanayo ee adiga ayu fahamka kugu yar yahay.
    Sheekha labo arin oo kala duwan ayu kahadlaya ee yanan wax la isku qasin.
    1)Mid waa dadka aaminsan in galida baarlamaanka eey gaalnimo tahay lakinse maslaxo darteed loo gali karo. Wa mida wadaadada Ictisaamka lagu haysto.
    2) Mida kalane wa qof aaminsan galida barlamanka ineeysan gaalnimo ahayn. Waxaana ku tisanayayo ineey arintu saastahay marka uu oranayo, “Waxaad tirahdaa, Barlamaan in la galo baa banaan. Dastuur in la galaa banaan. Aniga kugu takfiirin maayo.”

  35. Shiikh Xasaan Xuseen ilaaahay ha u danbi dhaafo isaga iyo annagaba. Kolley waa khalad kadhacay, culimaduna khalad waa dhacaayoo dee banii aadam. Sidii uu nabigu sheegay “Kulubni Adam Khaddaa, wa khayrul Khaddaauun Attawaabuun.”

    Shiikha yaan lasii fogeyn oo shaydaankiisa loogu kaalmayn. Ducaada iyo culimada Nairobi joogta ha unaseexeeyeen, walaalaha kale ee aan lajoogina ay si kasta oo munaasib ah naseexo u gaarsiiyaan.

    Shiikh Xasaan na waxaan leeyahay walaalow ilaahay ku abuurtay barina aad hortagaysid ka baq. Fatwadadaada dhalinyaro AK47 iyo hub kale ku qalabaysan ayay gaartaa oo waxna ku saleeya. Walaalow culimada walaalahaa ah ee aad shalay difaacaysay maantana aad runtii aad oga fogeyn haku talax tagin maanta oo xoogaa aad ka fikir duwanaatay. Adduunku hal maalin mahan. Maalmaha iyo habeenada aad bay isku badelaan. Ilaaahay waxaan kabareyayaa inuu xaqa kutuso, dariiqa toosanna kugu hanuuniyo.

  36. Cajiib…. waxaan maqli jirey hebel afkiisa iyo addinkiisu iskama warqabaan oo inta wax sameeyo ayuu oranayaa anigu wax ma sameyn ee sideed wax idinka yihiin, waxaan taas ula jeedaa sheekh xasaan isaga ayuunbaa isduqeynaya oo shalayna hadal lahaa maantana hadal kale leh..marka ma waxaan niraahnaa sheekhu mas,aladii hore ayuu ka noqday oo tan waa qowlkiisii dambe ,mise sheekhu wuxuu uu shalay yiri ayuusanba xasuusan amaba u mabda,saneyn..?
    Macnaha sheekh xasaan hadii aqwaashiisa iyo fatwooyinkiisa dib loo raaco waxaad arki inbadan oo isburinaysa oo aan qawaacid ku qyyidneyn, tusaale ahaan ma aanan illoobin sidii uu fantay ee u eryadey nimanka slafiya jadiidiyah la yiraahdo siiba markuu ka difaacayey sheekh shariif c/nuur (xafadahullaah) waxyaabihii ugu badnaa ee uu aqwaashiisa ku dhisayey kuna adkeynayey waxaa ay ahaayeen qaacidada ah inaan qof mujtahid ah oo fikirkaaga kugu khuilaafay ama jamaacoba ha ahaatee aan la tafsiiqin karin, lana tabdiicin karin takfiirin iskaba dhaafe,…isagoo markaas difaacayey in jamaacooyinka dacwada iyo qaabka jamaaco ee ay u sameysan yihiinba aan laysku tabdiicin karin.
    sidoo kale waxaan dhegeystay suaal la weydiiyey oo inta isaga marka hore aad loo ammaanay suaashii la daba dhigayna ay ahayd “nooga waran dadka ama culimada ka soo horjeedda jihaadka maanta caalamka ka socda” ka dibna jawaabtiisii uu bixiyey ay noqotay in nimankii suaasha weydiiyey uu tasxiix ku sameeyey oo uu leeyahay weli ma aanaan arag wax culimo ah oo maanta jihaad diidan, ka dibna uu soo qaatey culimada muslimiinta inbadan oo ka mid ah soona qaatey sida aan looga haynin wax jihaad ah oo ay ka soo horjeedaan sida sheekh albaani iyo qawlkiisii ahaa in dadka muslimiintu dhammaan aathimiin yihiin inta baytul-maqdis yuhuudu haysato iyo sidoo kale sheekh muqbil-alwaadici illaa ugu dambeystii uu soo gaarey culimada soomaaliyeed siiba ictisaam oo iyaga laftooda uu ishaarey amaba inaanay jihaad diidaneyn ee ay jiraan masaail gooni ah oo ay leeyihiin si gooni ah ha loo fiiryo, iyo aqwaal kale oo fara badan .

    sidoo kale markuu isaga iyo sheekh shibli sanadkii 2010 munaadarada yar ee qoraalka ah dheex martey qoraalkiisii waxa ugu badan ee uu daliishanayey ayaa waxa ka mid ahaa in isagu uu ijtahaadkiisa ku hadlay oo masaail uu si u arki karo, mar haday saas tahayna aan masaailka ijtihaadka ah laysku tabdiicin ama tafsiiqin ama takfiirin karin(ninkii doonana ha ku laabto qoraaladii waagaas) si cad ayuu u arki, waliba hadal mash-huur ah ayuu soo qaadanayaa oo aan filayo in uu kasoo qaatey sheekh kale kaasoo aan filayo inuu ahaa” LAA YAKFURU WA-MACII-MUKHLAAIF” hadii aanan anigu is moodsiin….mar haday saas tahay oo sheekhu intaas oo hadal ah kusoo hadlay oo kala duwan waa wax la yaab leh in maanta uu gaaleeyo oo xerada ka saaro culimadaii ummaddaan alle sababta uga dhigay inay dacwadaan saafiga ah soo gaarsiiyaan, hadii shalay salafiyo jadiidah uu ku haystey inay sheekh shariif c/nuur ay xeradii islaamka saxiixa ah ka saareen(ahlu-sunnaha) sidee ayaa ayay saaiq ku oqonaysaa in jamaaco dhan oo culamadeedii iyo ducaadeediiba leh uu ku gaaleeyo wax ay isaga ku khilaafeen…?

    iskaba daa iyagee culimadii muslimiinta ee tagtay sida ibnu baz, cutheymiin, Albaani, iyo kuwo badan oo maanta joogta waxaa ay banneeyeen in baarlamaanaatka lil-maslaxo loo gali karo, culimadaasi miyey marka gaaloobeen ? intaasoo dhan ka sokow sheekh xasaan maadaama uu hadda ka hor banneeyey gelidda baarlamaatka isaga laftiisu muxuu xukunkiisu noqonayaa…?
    si kastaba ha ahaatee waxaan dhihi karaa wadaadku maalin maalmaha ka mid ah waxaa dhinac uu uga dhaqaaqo uu waayi doonaa oo qoorta ugu duubmi doona xarkaha faraha badan ee uu daadinayo , ilaahayse waxaan ka baryayaa in uu naga badbaadiyo fitanta sabankan aadka u dhibka badan ee ciriirga badan….

  37. Wiilkii culimada makarofanka u hagajinjiray waxad meel xun ku hoyataba mawaxaad latimid culimada iyo ducaada soomaalido dhan waa gaalo shekh kuma dhihi karee xasanow aakhiro ayaa danbaysa culimo laayow dhiig xaal ah baneyow adoo gaalo madow qaaqaawan dhexjooga culimada islamka gaalaysiyow dhigooda haladaadiyo baneeyow xasaamkii dr.sheekh axmed dilow allah waxan kaga baryay inuu ku hanuniyo hadusan kuu qorina si foolxun o gadaashaa lagu cibriqaato kuu galo dadkana fidnadada allah dhafiyo

  38. scw

    waxaan aad uga xumahay in wadaadadii hadda ay iyagii isku mashquuleen oo ilaa hadda la la’yahay cid ka shaqaysa in ay isku soo dhaweyso ilaa maanta ay marayso in la is gaalaysiiyo war dhalinyarow waxaan ka baxa oo midooba culimadiina isku keena , culimo la,aan waa dhibaato xooggan dhalinyaradana waa loo baahanyahay¨¨

    ws

  39. zalaamucalaykum

    waxaan salaamayaa umada Islaamka Halgan.net waxay hada u soo jeesatay cadaawana u qabtaa Sh Xasaan Xusen marka waa mu,aamaro ay wadaan gaalada iyo kuwa jabay oo wadaada sheegta dalka gaalo ayaa joogta may ka hadlaan ;aniga fikir ahaan kuma raacsani Sh Xasan in Ictisaam gaalo yihiin laakin umadii ay culmada u ahaayeen garabkoodii bay ka baxeen

    ws

  40. waan garanayay in aan wax kale ka soo jeedin wuxuu isu qaatay kaligii muftiga markaasuu dhan walba u riday ku cibro qaado barina qaar kalaa la maqli

  41. runtii waa dhakafaar laakiin waxaan layaabanahay culumada ictisaam maxay si cilmiyaysan oo toos ay uga digayaan fikirkaan hadaamkaa ee uu sh.xasaan xanbaarsanyahay uga muxaadarayn waayeen haday lagudboontahay culumadu inay fadhiga kakacaan wadaadka xasaan laftigiisu waa nin cilmi badan oo baxar ah oo wali aftahanimo kudarsadee yaan umda lagusiidayn

  42. umada islaamka waxaan idiku salaamay salaanta Islaamka

    Salaanka dib walee waan yaab iyo amakaag ma halkaas buu marayaa Xasaan in culumadii dacwada uu ku xukmiyo gaalo waxaan kale oo aan la yaabay Shirku akbar bay culumada baneeyeen sidaas bay u gaaloobeen Cajiib waa aakhiru zamaan iyo zaman Fitno

    ilaahow diinta ha naga fitneyn Aaaaaaaaaaaamiin

  43. Sw
    Waxaan u mahad naqayaa walaalka maqaalka qorey walaahi waan ka naxay manhajka uu cagta saaray wadaadka Xasaan Xusen hadii manhajkan uusan Takfiir iyo khawaarij ahayn ma aqaan waxa uu yahay ;Xasaanow waxaad is waasho oo lagaa sii jeedo oo aad sidii nin mad hab leh aad tiraaho Numino ,Nactaqidu ,Waxaa uga jawaabeynaa Min wajhay,Anaga sidaas aaminsan Waa gaal ,Murtad Jahli iyo Ta,wiil ma jiro,walee ninbaa kugu soo baxay C/casiis ilaahay ha ku cizeeyo laakiim Emailkaaga noogu soo qor meesha si aan kuu saxno ama ra,yi aan kuugu darsano

    Ws

  44. Asc, walalka qoray aad ku mahad santahay waxa ka muuqda Asluub iyo Aqoon Allaha kuu Siyadiyo, Sheekha Xasaan xuseen Halkaasay lamaraysaa hada! Walahay waa manhajkii takfoirka ku bilowdeen, wadadka Ilahay aan u barino in Alle SWT soo hanuuniyo asagaa Awood u lehe, war Xasaanow sidan ka daa oo Alle ka baq.

  45. Assalaamu calaykum
    aadbaan ugu macad celinayaa walaalka maqaaalkan qorey jasaakalaah
    sh. Xasaanow walaalow allaah kaacabso allaa lagu hortaagayaa allaaha haduu alle yahay orod umada iska isagatag

  46. Salaamu Calaykum yaa jamaca

    Laaxowla walaa quwata Ilaa Bilaah

    Ma saan baa u danbeysay Sheekh Xasaan inn uu umadaii Muslinka iyo culumadeedii uu gaaleysiiyo oo rag iska dhicis uu u baalxooftamo waxaan leeyahay Xasaanow alle ka baq dacwada salafka ma ah Takfiir iyo gaaleysiin ;Culumada Ictisaam waa culumadii lagu yaqaanay dacwada iyo tawxiidka hadii ay kugu khilaafeen arimo gaar ah oo aydaan asalka isku khilaafin ma gaaleysiineysaa Subxaanalaaaaaaaah

  47. walaalayaal awalan maxaa cajaladda loojarjarey?tanlabaat maxaa culimadii iskudirey? anigu waxaan ka aamin sanahay sh xasaan xusein caalim muhiim u ah shacbiga soomaaliyeed.

  48. WALAALAYAAL MARKA HORE WAAD SALAAMANTIHIIN MARKA LABAAD WAA MAXAY SIDANI SHEEKHI MAXAA KU DHACAY WAXAAN FILAYAA SHEEKHA WAXAA QAADAY CADHO IYO CAADIFAD WAXAAN LEEYAHAY WAAR CULIMOOY UMADA HA WAALIN EE DIINTA KA RUN SHEEGA KA WAX RADINAAYA IYO KALA RADINAYOOWBA

  49. inaalilaahi wainaa ilaahi raajucuum Sh Xasaan Xusen ma halkaas buu marayaa Shacabka waa gaalo Culumada waa Gaalo anigaa takfiirsanaya !Anaga gaaleyneynta Ictisaam ee wax ha naga qaadaan Subxaana laah

    Taas waxaaba ka sii daran qolo rabtay in Sh Xasaan ay difaacdo baa soo galiyey iisaga oo leh waa Ijmaac in jamaacada ictsaam la takfiiriyo !been iyo buhtaar iyo quruur cidna kaama celiso Xasaaanow alla ka baq oo dulmiga jooji iyo gaaleysiinta

  50. Salaamu calaykum waraxmatulahi wabarkaatu

    Runtii aad baan ugu mahad celinayaa walaalka maqaalka leh Ee Ccasiis sida wanaagsan ee uu u soo bandhigay maqaalkan iyo kii ka horeeyey waxaana ku leeyahay sii wada maqaalada iskana ilaali in aad u gafto qof muslin ah gaar ahaan culumada.

    Intaas ka dib waxaan leeyahay madhabka Sheekh Xasaan Xusen waa cadaadey Ee maxay culumada Soomaaliyeed ka oran doonaan gaar ahaan kuwa jooga magaalada Nairobi sida Sh umal Sh Shible Sh Xasan Ashkir Sh Ahmed Sudani Sh Aden iinshaar Sheekh Maxamed Shaafici iyo culumo kale oo tiro badan

  51. Salaamu Calaykum Yaa muslimiin

    hadalkaan si aan rasmi ahayn ayey igu soo gaartay balse hadii uu cadaaday waxaa la rabaa culumada Soomaaliyeed ee Nairobi joogta in ay mowqif mideysan ka qaataan wadaadkan umadii iyo culumadeeda gaaleysiinaya

    wasaalucalaykum

  52. Salaamu Calaykum waraxmatulaah

    Aad baan ugu qoslay tanaaqudka Sheekh Xasaan Xusen waxaase waxaas isku fuuqsaday gaaleysiinta umada islaamka iyo culumadeedii cajiib walaahi waa yaab Kenya oo dhul gaalo ah baa la fadhiyaa umadiina waa la takfiirsan !

  53. Salaamu Calaykum

    Walaalaha Halgan waxaan kula talin lahaa in ay noqon sida website kale oo ay ahmiyada saaraan soo gudbinta nadwooyinka iyo cilmiga aysana ku mashquulin Xasaan Xusen Xasaan waa la yaqaan waa wadaad takfiiri ah wuuse la ban baxay hada ilaah baa mahad leh

  54. Salaamu Calaykum

    Waa mahadsan yahay walaalka maqaalka qoray waa tanbiih wanaagsan somalida waxay ku maahmaahdaa ninkii soo joog laga waayo soo jiifso baa laga helaa Xasaanoow ha kaa saarto fatwadaadii baa lagu dilay Dr Ahmed Xaji Raximahulaah

  55. Salaamu Calaykum

    Walaahi waa Cajiib qofka yiraahada baarlamaan waa la gali karaa ama waa loo codeyn karaa ma gaal baa !Waxaanse aad ula yaabay Sh Xasaan wixiisa maaha cilmi iyo naqdi balse waa wadaad careysan oo rag kale gaaleysiinaya

    Culumada Ictisaam haday gaalo yihiin yaa muslin ah xageyse ku baneeyeen in shirki akbar ah loo gali karo lilimaslaxa cajiib walaahi waa Takfiirkii Somaliya aan ku naqaanay oo ilbax ah kkkkkk

  56. Salaamu Calaykum

    Aad baan ugu mahad celinayaa walaalka C/casiis ee maqaalkan iyo kii ka horeeyey qoray waxaana leeyahay ilaahay ha kaa ajarsiiyo danbigaaga ha dhaafo Sh Xasaan khadka uu ku socdo waa khad Takfiir laakiin waa mahad alle hadii uu la soo banbaxay

Leave a comment

*