Sheekh Xasaan Xusen Aaden oo maanta laga sii daayey Xabsiga.

June 13, 2012 - Written by

Nairobi:-Warar lagu kalsoon yahay oo naga soo gaaray magaalada Nairobi ee xarunta dalka Kenya ayaa sheegaya in la sii daayey Sheekh Xasaan Xusen Aaden oo ka mid ah Culumada iyo Ducaada magaalada Nairobi kaas oo ay ciidamada nabad sugida dalka Kenya ay gurigiisa kala baxeen habeenkii jimcaha ee la soo dhaafay.Sheikh Xassaan Xuseen Aden ayaa haatan dib u helay xoriyadiisa . ;Ilaa haatan ma jiraa cid ka tirsan dowlad Kenya oo sheegtay sababaha ay u xireen Sheekh Xasaan Xusen Aden.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

15 Comments so far

Leave a comment

  1. xassaan shabaab aan ahay dhulgaal ayaan joogaa waliba kuwa somalia joogo aan ka af dheerahay lamana xiraayo marumaysateen shibilana holan ayaa lagasoo masaafuriyay asagoon shabaabna ahayn maxaa loosoo masaa furiyay isaga xassana loo lahadlayn

  2. yaa u sheekha xassaan hadaad dhahdaan umal umal yaa usheekha laftiisa umal culumadoow wax kasoo bartay waa uu ku caasiyay amaba culumo malahan laftiisu ookutubo ayuu kasoo talmuday nin kutub kaligiis wax kabartayna waxa uu halaynayo iyo waxa uu hagaajinayo waxa uu halaynayo inay badato ayey ubadan tahay walaalayaal meesha culumo kuma haysaane culumo sax ah raadiya kii dhawaaqaba ha iska raacinee

  3. qofkasto oo dhawaaqo maculumaa xasaan yaa ufasaxay inuu fatwoodo diintu fowdo maahan culumada islaamka nin aan fatwo loo fasaxin mafatwoon jirin hadana ninkaan caamado shiikha moodo wuxuu fatwoodaa masaail waaweyn dhiiga muslimka lagu baneesto balse inta culuma moodaay idinka iyo isagaba alla ayaad hortagi doontaan gaaladuna waa ay ogtahay xasaan shaqo fiican inuu uhaayo ninkii og iyo kaan ogaynba

  4. WALAALAYAAL,AADAYAAN UGU FARAXSANAHAY SOODEEYNTA SHEEKH.
    WALAALAYAAL WAXAA MUHIIM AH IN LA FAHMO IN QOF LA XIRA AANAY TUSAYN IN ISAGU UGU TOOSAN YAHAY DADKA HAWSHANI KA DHAXAYSO.
    WAXAA JIRA IS MARIN HABAABIN BADAN OO ADUUNKA WELIGEED KA SOCON JIRTEY.
    WALAL WAXAA JIRTA QISOOYIN BADAN OO ADUUNKA SOO MARAY SIDA SHEEKH SHARIIF WJUXUU AHAA NINKA TUSAY IN UU EHELU XAQ YAHAY IYO HADALADIISII AAN KU DIIRAN JIRNEY IYO SAFKII HORE IYO TUUTIHIII,AAKHIRKIINA MEESHUU KU BIYA SHUBTAY WAAN ISLA OGNAHAY.
    WAXAA KALE OO JIRA KENYA XORIYADEEDA MARKII LA QAADANAYEEY WAXAA JIRAN DAD U DAGAALAMI JIREY XORIYADA OO LA DIHI JIREY MAW MAW,KUWII AY DHABTA KA AHAYD QAARNA LAMA HAYO MEEL ILAA HADDA AY KU NOOL YIHIIN SIDA KIMATHI IYO RAG KALE,KUWANA XABSIGA AYA LAGU DHEX AASAY, LAAKIIN MADAX WEYNIHII U HOREEYEY INTA XOOGAA LA XIRAY OO LASOO DAAYEY SI MLOO TUSO IN UU XAQ U DIRIR YAHAY AYAA LASOO DAAYEY GABAR INGIRIS AHANA LAGU DARAY MADAX WEYNANA LAGA DHIGAY,.
    WALAALAYAAL CIDII XAQA KU SUGAN ILAAHAY AYAA OG,EE ILAAHAY TALADA HALOO DAAYO.CULIMADAN HA LAWADA IXTIRAAMO,WIXII AY KU SAXAN YIHIIN HA LA QAATO WIXII AY KU KHALDAMAANA HA LAGA TAGO.WAX BADAN HALAGA FIIRSADO IYO JIDBADA SAAYID KA AH.WABILAAHI ATAWFIIQ

  5. kkkkk

    Xalay dhalay indheer garad ayaad tahay. Wadaadku Report buu dhiibayaye meesha xarig ma jirin.
    Arrintaana waxaa caddeyn u ah inuusan xirneyn ee uu meel kale jiray cinwaanka ay somalimidnimo u doorteen khabarka soo noqoshada Xassaan oo ay u dhigeen sidan: “Sheekh Xasaan Xuseen oo ka soo Baxay Meeshii Lagu Hayey”

    Meesha lagu hayay waa meel kasta oo kale oo aanan xabsi aheyn Illow ha na ceebeyn.

  6. As-salamu Alaykum walaalayaal

    Alxamdulillah, Allah bay mahad oo dhan u sugnaatay, Allahii sheekha ka soo daayey gacanta gaalada.

    Dadow ha lalo socdo, khilaafka anaga soomaali ahaan na dhex yaala gaalada waxba kama galin, markaa haday xidhaan sheekh adiga kaa madba duwan, ama kaa fakar duwan ogaada gaaladu maaha waxay fiirinayso. Waxay fiirisaa kaliya “ninkee baa amnigooda ama dadka kiciya”. Marka hadaad xataa Sheekh xasaan ka fakar duwantahay, la soco in aanan loo xidhin arintaas darteeda e, loo xidhay shay aad adiga iyo Sheekh xasaanba isku waafaqsan tihiin. Taas oo ah u gargaarka diinta Allah, guumaysi diid, gaalo iska dhicin iwm. Soomaali maanta raba in ay kenya soomaaliya soo gashi ma jirto, Sheekh xasaan intaas uun buu qabaa, intaas baana loo xidhay.

    Arimaha kalee laga yaabo in aad Sheekha ku khilfaaftid waa arimo soomaalideena ina dhex yaala, maaha wax ay gaalo intay na shiriso noo dhex garnaqayso. Marka la socda in aanan hawlaha la isku dhex qasin. Dhexdeena in aynu is canaanano, isla doodno, isku fakar ahaan wayno waa shay caadi ah, laakiin maalinka mid inaga mid ah ay gaalo qabato oo ay balo ku tuhunto, waa in aynu hal jir wada ahaanaa, oo arintaas ka hadalnaa dulmiga ay tahay.

    Waay Sheekh Xasaan arimaha soomaaliya buu ka hadlaa, markaa wuxuu khayr ah oo uu dhaho iyo sharba soo maaha wax soomaalida u yaala? MAxaa keenya ka galay sheekhu markuu soomaaliya ka hadlo?

    Halkaas waxaad ka fahmaysaa dadka qaar dhaha “sheekha ha la xidho” in aysanba fahansanayn in Keenyaatiga adigaadan sheekha ka fikir duwan iyo sheekhaba isku si inay idiinla dhaqmayso maalinkaad dhahdid “kenyaatiga ha la iska dhiciyo soomaaliya jooga”.

    Allah wadankii ha hagaajiyo, diintiisana ha gargaaro, waayo runtii sharaf – dawlo – cizza – midnimo kuli waxay ku jirtaa diintii oo loo noqdo, keena ugu yar iyo keena ugu waynba, gaaladdana duligeeda la iska dulqaado.

  7. Waa wax lagu farxo soo deynta sheekh ee aloow culimada noo xifdi waxii aan dani ugu jirina aloow ka soo hadee.

  8. Mashaa Allaah,Alahyoow dulmiga ka difaac dadkaaga,daalimiintana ka qaba aduunka meel kasta oo ay joogaan iyo cid kasta oo ay yihiin.
    Alahyoow awliyadaada u gargaar meel kasta oo ay joogaan iyo cid kasta oo ay yihiin.
    qoraaga no 2 ah ilaah ha ka baqa waxaa ka muuqata in uu qaba dareen ka duwan dareenka ay qabaan dad badan oo ah in ay ku faraxsan yihiin soo deynta walaalka la sheegay in la soo daayay.

  9. Masha Allah ilahay Haba rakeeyo sheikha Hana hifdiyo… Wa saax hadal ku yiri Ahmed Ali shardi ma ahan imtixaanka in uu qoofka saaxsan yahay mise in uu khaldanyhay xaqa aya markasto saaxsan. Qoofka qaga wato waa la imtixaani wuu barwaaqesan Kara marka imtixaan kuma xirna xaqa.

  10. Salaamu Alaykum.

    Walaal horta Culimada dhibaato ma ay wado, waxa wax wadaa waa Ardayda culimada u kala qaada wararka iyo war xuma tashiilka badan ee madaxa isu geliya umadda iyagoo adeegsanaya Aalada Internetka ama si kalaba, Qofku waxaa fiican in uu dhex-dhexaad ka ahaado Ahlul khayrka oo ay u wada Siman yihiin, balse in Sheekhna Daaqada lagala baxo midna lala safto, waaa arrin qaloocan ama culimada laftigeedu ay culimo la saftaan kuwana laga soo hor jeesto, waxaa fiican in lagu dadaalo Islaaxu bayna Naas, waliba ducaada Laysu keeno, wax badana loo tanaasulo, hadii aysan ducaada isu tanaasulin yaa kale oo isu tanaasuli, sidee bayse ku hagaagi gaarsiinta khayrka dadka marba hadii Ahlul khayrkii dab laga dhax shidayo,hadalkaas waxaa iga keenay waxaan horay u arkay websites- caadaystay arrinkaas iyo dad sidan oo kale Comments- qoraya, walaal sida aad sheegtay wax badan halaga dhowrsado ilaahayna halaga baqo, Culimadana Dar ilaahay baan u wada jecelnahay

  11. Ascw in´kasto aan sheekha Taageersanayn Laakiin walahi waa war lagu Farxo in sh xasaan lasoo daayo, hadaan si Cad u hadlo, sheekha Runta iyo raganimada iyo Kalsooninimada uu u hadlayo ayaan ku jeclaaday si´si, si´sinah Hadalkiisa uu i qubaa, oo waan dhibsadaa, laakiin Calal´cumuum wadaada kale ayaan Taageeraa…….wabilahiTawfiiq

  12. salama calaykum
    salaan kadib waan ku faraxsanahay in sheekha loo soo daayey waa ilaah mahadii
    waxaan baryahan dambe soo baxaya aragti odhanaysa wadaadadaa maxay gaaladu udhibi wayday haday saxyihiin,walal waa sax in xaqa la imtixaanyo laakiin shardi miyaa in aad indhaha saarto imtixaanka wadaadaa aad sheegayaso,
    walaalayaal waa khalad in culumada sida xikmada iyo cilmigu ku jiro wax u wada in layidhaa waa qaldanyihiin, kuwa ay wax ka waxaysan yihiin ee aan inta badan eegin ma aalaadka iyo cawaaqibta dambena la yidhaa gaalada ayaa neceb oo iyaga ayaa sax ah
    dhalinyarow ha laga dhawrsado wax ka sheega culimada

  13. Soo horay Uma Sheegin In la Soo daynayo

    kkk

  14. Asalamu alaykum…

    Waa Alle mahadiis marba hadii sheekha la sii daayay, ilaahayna imtaxaankaas sheekha ha ooga dhigo dambi dhaaf, Waa Daaci ilaahay waana Sunno in Ducaada la dhibo, gaar ahaan kuwa xaqqa ku adkaysta, kuwa is dabciya ee diinta ilaahay u tanaasulo iyagu waxay ku noolaanayaan qaab xoriyad u eg balse aan ahayn xoriyad dhab ah maadaama Muslim kasta aan la rabin oo gaaladu jeclayn, gaal in uu Ku Jeclaado oo kugu sifeeyo Wadaadada sokeeya ee aan Mayalka adkayn waa wax laga wanaagsan yahay, waxa aad jeclaanaysid ama ku jeclaanayo waa inay ahaadaan dadka ilaahay rumeeyay SW… Walaal waa farxad warkan aad noo soo gudbiseen waana jecelnahay sheekheena Xassan xuseen alla dartiis cilmigiisana waan ka faa’iideysanay, allaha nagu anfaco cilmigiisa iyo dhamaan culimada Islaamka gaar ahaan culimadeena soomaaliyeed, Allahana haka xifdiyo gacanta Cadowga islaamka.. aamiin … Thank you Reer Halgan.net

Leave a comment

*