Shir looga hadlayo Roadmap-ka oo maalintii labaad ka socoda Nairobi

June 21, 2012 - Written by

Nairobi:-Waxaa maalintii labaad ka socda Magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya shir ay iskugu yimaadeen saxiixayaashii Raodmap-ka ama wax loogu magacdaray geedi socodka xiliga kala guurka , shirka maanta ayaa waxaa diirada lagu saarayaa qodobo dhowr ah oo ku jiray hishiiyadii horay loo wada gaaray iyo wax ka fulay.

Shirka maanta ayaa waxaa sidda aan ku helnay ilo wareed lagu kal soon yahay oo ka dhow goobta shirka uu ka socda waxaa uu Halgan.net u sheegay in Madaxda Puntlland ay soo bandhigeen qodobo dhowr ah oo uu ugu horeeyo in la dhiso gudiyo farsamo oo dhowr ah oo ka kooban gudi soo dhamaystira Dastuurka Federaalka ah iyo gudi rasmi ah oo soo xula xubanah ansixin doona marka la soo dhamaystiro Dastuurka DFKM arrinkaas oo weli doodiisu ay socoto.

Xubnaha DFKM uga qayb galaya shirka ayaa iyagu ku doodaya in odayaasha dhaqanka la siiyo awooda ugu saraysa halka saxiixayaasha qaarkood gaar ahaan Puntlland ay ku doodayaan in odayaashu ay leeyihiin gudoon balse wixii siyaasad ku saabsan loo xulo gudiyo gaar ah
oo saxiixayaashu lixda ah ay ku leeyihiin xubno joogta ah.

Shirka maanta ayaa ah mid xasaasi ah oo siyaasiyiinta Soomaalidu ay ku jiraan xarig jiid iyadoo xubo badan oo ka tirsan beesha caalamku ay u kala dabqadayaan , xubana beesha caalmaka ayaa go,aansaday in gudi walba oo la dhiso Soomaalida ay xubo ku yeeshaan si arrimaha soconaya ay uga warhayaan.

Madaxa xafiiska siyaasada Qaramada Midoobey u qaabilsan Soomaaliya Dr.Augustine Mahiga oo garwadeen ka ah shirka ayaa sheegay in shirka ka socda Nairobi uu daba socodo shirarkii horay uga dhacay , Kampala, Itoobiya ,Muqdisho ;Garoowe 1, Garoowe2, iyo weliba is afgaradkii lixda saxiixayaasha ku dhexmaray magaalada Gaalkacyo.

Ilaa hadda ma cada wax ka soo bixi kara shirka looga hadlayo Roadmap-ka ee maalintii labaad ka soconaya magaalada Nairobi

M_M_Deeq
Halgan.net

 

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online