Shirkada Afrika Oil Corp oo bilowday qodista Ceelkii Shabeel2 ee Dooxada Dharoor

June 5, 2012 - Written by

Shirkada Afrika Oil Corp.  ayaa waxaa ay sheegtay in ay ku faraxsan tahay  bilowga howsha qodista Ceelka Shabeel North ee Puntlland, Somalia  Shirkada Horn Petroleum Corp. waxaa ay hadda  wadaa olalaha qoditaanka  ceelkii labaad ee Soomaaliya gaar ahaan (Puntlland).

Qodista Ceelka Shabeel North waxaa howshiisa wada Horn Petroleum Corp. (“Horn”) taas Africa Oil ay ku leedahay saami dhan qiyaastii 51%. Horn waxaa ay ku leedahay saami howleeed dhan 60 % dooxooyinka Dharoor and Nugaal Valley oo ah hishiis saami wax soo saar Production Sharing Agreements(“PSA’s”) waxaa  howl wadaag ay la tahay saamiga howsha shirkadaha kale ah Range Resources (20%) and Red Emperor (20%).

Ceelka  Shabeel North waxaa uu bartilmaamsanayaa  qaybta kore  ee carada loo yaqaan (Cretaceous Jesomma) taas oo oo laga hello Oil iyo Gas sidii horay loogu arkay Shabeel 1 oo u jira 3.5 KM oo dhinac Koonfureed kaga beegan . Xeel dheerayaasha Petrophysical markii ay ku baareen godka hoose  qalabka loo yaqaan Electrical logs ee Shabeel 1, waxaa uu muujiyey  in  uu ku jiro Oil  qaybta carada loo yaqaan (Cretaceous Jesomma)  ilaa in dhan 12 ilaa 20 Meter oo celcelis ahaan dhan cufnaan ah(porosity) 18 ilaa 20 %.

Qorshuhu waxaa uu yahay  in Riiga dib loogu soo celiyey Shabeel 1 si loo xaqiijiyo awooda saliideed ee ka soo hoori karta , marka qodida Shabeel North la dhamaystiro, qorshaha qodista Shabeel North waxaa uu yahay in la qodo ilaa 2400 oo Meter  waxaa la filaayaa in ay ku dhamaystiranto  45 maalmood ilaa 60  maalmood.

Madaxweynaha  Horn iyo CEO David Grellman Waxaa uu xusay  “ in ceelka Shabeel North  in tijaabadiisu ay noqon doonto sidii  keydkii shidaal ee ku jiray ceelka u dhow ee Shabeel 1. Waxaan filaynaa in keyd la mid ah ama ka fiican  xagga cufnaata iyo qiimaha, markasta oo aan u sii socono gunta hoose ee warta Shidaalka uu fadhiyo.(basin). Natiijada ceelka Shabeel North waxaa ay naga caawin doontaa xaqiijinta baaxada isku xirnaanshaha shidaalka (Petroleum System) ee ceegaaga gunta hoose  ee dooxada. Haddii lagu guulaystana  waxaa ay noqonaysaa talaabo kale oo muujinaysa awoodda dhaqaale ee ceegagta gunta hoose ee Dooxada.”

Halkaan ka akhriso qoraalkii maanta ay soo saartay Shirkada Afrika Oil Corp  ama  Halkaan

Cabdi Casiis Maxamed
Halgan.net 

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online