Wafdi ka socda DFKM oo gaaray magaalada B/weyne ee xarunta gobalka Hiiraan

June 14, 2012 - Written by

Hiiraan:-Wafdi uu hogaaminayo wasiirka arimaha gudaha ee DFKM C/samad Macalin Maxamuud ayaa maanta gaaray magaalada Baladweyne ee xarunta gobalka Hiiraan waxaana ku soo dhaweeye garoonka diyaaradaha Ugaas Khaliif maamulka gobalka iyo ka Degmada gobalka Hiiraan

Wasiirrka iyo wafdigiisa ayaa waxay kulamo kala duwan la qaateen odayaasha dhaqanka iyo waxgaradka gobollka waxaana uu kulanka ka dhacay Hotelka Madiina ee magaalada Beledweyne.

Wasiirka arimaha gudaha ee DFKM C/samad Macalin Maxamuud ayaa waxaa uu sheegay in DFKM ay ku faraxsan tahay in ciidamada DFKM iyo kuwa Itoobiya ay ka saaraan magaalada B/weyne Ururka Al-Shabaab waxaana uu ka cudurdaartay booqashada madaxada DFKM oo soo daahaday.

Wasiirka arimaha gudaha ee DFKM ayaa waxaa socdaalkiisa ku weheliyey  saraakiil ka kala socta Midowgga Africa, QM  IGAD, iyo DFKM waxaana uu sheegay in ujeedada socdaalkooda uu yahay sidii loo xaqiijin lahaa amaanka magaalada B/weyne.

Wasiirka arimaha gudaha DFKM C/samad Macalin Maxamuud  ayaa isla caawa dib ugu soo laabtay magaalada Muqdisho waxaana uu socdaal ku tagi doonaa gobalada Bay iyo Gedo.

C/Casiis Maxamed
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online