Wasaaradda Amniga Puntland oo faah faahin ka bixisay hawlgalada La dagaalanka Burcadbadeedda [Warsaxaafadeed]

June 8, 2012 - Written by

Ciidamada booliska badda Puntland “PMPF” oo howlgalo ka wadey dhul xebeedka ku teedsan gobolada Bari Iyo Karkaar 6 May-8 June 2012 ayaa guulo  muhiim ah gaarey, halkaasoo ay ku soo qabqabteen  burcad badeed iyo Qalabkoodii. Degmooyinka Baargaal ,Xaafuun  iyo deegaan kaluuumeysiga Hul-Caanood ayaa hawlgaladii laga sameeyey  waxaa u suuragashey ciidamada badda Puntland “PMPF” inay ka eryaan labo markab oo afduub loogu  haystey meel ku dhow degaanka Raasi Binah  kadib markii saheydii uga imaaneysa dhinaca barriga burcad badeedka ciidamadu ka jareen.

Labadaan Markab oo u baxsadey dhinaca badweynta ayaa waxaa saran  burcad badeed uu hogaaminayo Ciise Yulux oo ah afduubihii qoyska u dhashey wadanka Denmark islamarkaana degaanka Hulcaanood horey dagaal gaadmo ah ugu diley shan  askari oo ka tirsanaa ciidanka Booliska Puntland. Degaanka Hulcaanood oo hadda ay ku sugan yihiin ciidamada Badda Puntland ayaa  hogaamiye burcad badeedkaanu oo magaciisa la yiraahdo Ciise Yulux ku dhuumaaleysan jirey in muddo ah.

Dhinaca kale Dowlada Puntland iyo hogaanka ciidamada Booliska Badda ayaa mahad balaaran u jeedinaya shacabka ku nool degaanadaas kuwaasoo gacan wayn ka gaystey la dagaalanka Burcad badeedka ku dhuumaaleysaneysay dhulkaas. Howlgaladaan ay qaadeen ciidamada Booliska Badda Puntland “PMF”ayaa ka dambeeyey go’aamadii golaha amaanka ee Qaramada Midoobey kuwaasoo tilmaamayey in burcad badeedka Somalida lagala dagaalamo Badda Barriga iyo in maamulada ka jira Somalia xoojiyaan hay’dahooda aminga.

Dowlada Puntland ayaa ugu baaqeysa beesha caalamka iney qayb buuxda ka qaadato xalinta dhibaatooyinka kalifa in bulshada degaanadaas ku biiraan falalka burcad badeed-nimada taasoo lagu baajin karo in laga dhabeeyo balanqaadyada loogu  abuurayo fursado shaqo iyo kuwa kuwa horumarineed dadka ku nool halkaas.

Halkaan ka Akhri Puntland Maritime Police Forces Deploy in Strategic Coastal

———–

Dhamaad

Wasaarada Aminaga Puntland

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online