Wasiirka Amniga Puntlland oo shirjaraa’id ku qabtay magaalada Boosaaso(Dhagayso)

June 4, 2012 - Written by

Boosaaso:- Wasiirka Amniga ee Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa waxaa  ka warbixiyey  socdaal uu ku tegay degmada Xaafuun ee Gobolka Karkaar waxaan  uu sheegay in dadka degaanka ay wada hadleen codsiyo badan oo wax qabad ahna ay ka codsadeen Dowllada Puntlland. Wasiirka Amniga ee Dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in madmadow soo kala dhexgalay  dadka degaanka Xaafuun iyo ciidanka Badda  xal laga gaaray ayna kulamo gaar gaar ah la qaateen odayaasha iyo waxgaradka ayana isku afgarteen in dadka degaanka ay dowlladu waxqabad dhab ah u qabato.

Wasiirka Amniga dowllada Puntlland Col. Khaliif Ciise Mudan ayaa xusay in  Ciidanka Badda oo howlgal ka sameeyey Degmada Xaafuun ay ku soo qabteen ilaa 6 dhalinyaro  dhawaana ay Maxkamada soo taagi doonaan. Wasiirka ayaa waxaa kale oo uu sheegay in amaanka degaanada Puntlland uu wanaagsan yahay marka laga reebo weerar ay ciidanka S/lland ku soo qaadeen degmada Laasqoray isagoo ku eedeeyey dagaalka dhacay in ay masuuliyadooda ay lahaayeen S/lland wuxuuna ugu baaqay in ciidankooda ay dib ula noqdaan.

Hoos ka Dhageyso Shirkii Jaraa’id ee Wasiirka Amniga ee Dowladda Puntland Col. Khaliif Ciise Mudan

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/q934rc56zy/wasirkaamnigacol_khaliifciise.mp3]

Dhinaca kale Wasiirka amniga  dowllada Puntlland  Col Khaliif Ciise Mudan ayaa  sheegay in ciidanka amniga magalaada Boosaaso oo sameeyey howl galo ay qabteen nin uu sheegay in uu ahaa masuulka ka danbeeyey qaraxyada inta badan ka dhacay Puntlland gaar ahaan Boosaaso iyo Gaalkacyo isagoo sheegay in ninkaan uu ka yimid Gobolka Sh/ dhexe uuna ahaa maskaxadii ka dan baysay qaraxyadii ka dhacay Boosaaso  si dhaqso ahna ay u soo taagi doonaan Maxkamada.

Wasiirka amniga  Puntlland  Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa waxaa kale oo uu xusay in ciidanka Booliska Gaalkacyo howl gal ay sameeyeen shalay Galbeedka Xaafada Garsoor ay  ku qabteen mid ka mid ah labadii nin ee fuliyey qaraxii ka dhacay magaalada Gaalkacyo oo ay ku dhinteen ilaa 7 qof oo iskugu jira ciidan iyo dad rayid ah ayna ku dhaawacmeen saraakiil ka tirsan ciidanka.

Wasiirka amniga  Puntlland Col.Khaliif Ciise Mudan ayaa sheegay in ninka shalay la qabtay uu la dagaalamay ciidanka oo ay dhaawaceen  ka dibna ay qabteen iyagoo hadda ku xiray Xabsiga weyn ee magaalada Gaalkacyo ee xarunta Gobolka Mudug.

Madaxda Maamulka Puntlland ayaa dhowr jeer oo hore waxa ay ku eedeeyeen qaraxyada iyo dilalka ka dhacay Boosaaso iyo Gaalkacyo in ay fuliyeen xubno ka tirsan ururka Al-shabaab oo sheegeen in ay ka yimaadeen kuna soo tababarteen Gobollda Koonfureed ee dalka Soomaaliya waloow inta badan qaraxyada dhacay aysan sheegan Masuuliyadooda Ururka Al-Shabaab.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online