Xaflad ardey ka qalin jabisey jaamacadda University of Bosaaso.(Daawomasawirada)

June 10, 2012 - Written by

Xaflad aad loo agaasimey ayaa waxaa lagu qabtey jaamacadda University of Bosaaso.xafladaas oo ay ka soo qayb galeen mas’uuliyiin farabadan. Ayaa ugu horeyntii ka Hadley madasha Maamulaha jamacaddaUniversity of Bosaaso Dr. MAXAMED CALI FARAX isagoo u mahad celiyey ardayda dhamaysatay jamacadda soona jeedi yey khudbad dhinacyo badana taabatey una sharaxay bulshada qaabka jaamacadda u shaqayso Gudoomiyaha jaamacadda ayaa sheegay in yoolka jamacadu uu yahay in bulshada soomaliyeed la gaarsiiyo horumarin dhinaca waxbarashada ah.

Gudoomiyaha ayaa sheegay in ardaydaan hadda jaamacadda dhameysay ay yihiin 29 ardey oo ah kuwii ugu horeeyey ee ka qalin jabiya jaamacadda teer iyo intii la furay. Waxaa sidoo kale goobta ka hadlay mas’uuliyiin farabadan oo ayagana sheegay in ay ku faraxsanyihiin in ay ka soo qayb galaan xaflada qalin jabinta ardeyda dhameystay kuliyda horumarinta bulshada.

no images were found

Dadkii madasha ka hadlay ayaa ka mid ahaa mudane cabdirixmaan Xaaji oo ah maamulaha dugsiga Al-Imaam Al- Nawaawi oo sheegay in ardeyda kuliyada culuumta bulshada ka baxday ay yihiin ardey uu wadanku u baahanyahay maadama ay bulshadu bur burtay. Ugu danbeynyii xaflada ayaa aradaydu macaalimiinta wax u dhigi jirtay iyo shaqaalaha jaamacadda gudoonsiiyey hadiyado ay ku sheegeen in ay tahay xusid ay ugu talagaleen munaasabada xaflada qalin jabinta ardeyda jaamacadda Bosaaso.

Mubaarak Salaad Cali
Halgan.net ,BOSSASO

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online