Xaflad Xidhitaan Dowro Sharciya oo ka dhacdey Xarunta Umul-Kheyr ee Hargeysa.

June 8, 2012 - Written by

Hargeysa:-Xarunta Dacwada iyo Tarbiyada ee Umul Khery ee Magaalada Hargeysa waxaa lagu qabtey Xaflad lagu soo xidhayey Dowro Shaciya oo halkaa ka soconeysay muddo sanad iyo badha, loona qabtey Dumarka Ducaada ee Magaalada Hargeysa.

Waxaa Xaflada ka soo qeyb galey Culimo, Macalimiintii Dowrada bixisey, Ardeydii ka faa’iideystey iyo marti sharaf kale, waxaana goobta laga jeediyey hadalo kooban oo isugu jirey guubaabin iyo bogaadin ku aadan in kor loo qaado waciyiga iyo aqoonta Ducaada Magaalada iyo sidoo kale in la islaaxiyo bulshada lagu dhex nool yahey si dhibtooda loo yareeyo.

Ugu horey waxaa goobta hadal kooban ka yidhi Sh. Yuusuf Aadan, waxa uuna ka hadley walaalnimada dadka Muslimiinta ka dhaxeysa iyo sida loo baahan yahey in arintaa tix gelin loo siiyo, lana kala faa’iideysto.

Sheekhu waxaa uu carabaabey si la adkeeyo Walaalmida Muslimiinta ka dhaxeysa, gaar ahaan dadka meel ku wada nool iyo in loo baahan yahey in hoos bulshada laga soo dhiso si kheryka iyo wanaaga ay isu hayaan uu kor ugu baaho, deetana nidaam saxa uu halkaa uga soo baxo.

no images were found

Wuxuu kaloo intaa raaciyey Sheekhu in bulshada dhexdeeda, gaar ahaan meelaha la isugu yimaado; Suuqyada, Iskuulada iyo goobaha kale ee Caamka lagu faafiyo dacwada iyo ka shqeyna hagaajinta bulshada la isla nool yahey si loo gaaro yoolka la hiigasanayo ee ah dadka in Dacwada iyo Diinta la wada gaarsiiyo.

Intaa ka dib waxaa hadalka qaatey Sh Ciise Maxamuud oo Ardeydii ka faa’iideysatey Dowradan ku guubaabiyey iney fuliyeen oo ku dhaqmaan Duruustii Sharciga aheyd eey ka faa’iideen Dowrada, bulshada inteeda kalena u sii gudbiyaan, sidoo kale Dadka Dacwada iyo fidinta Diinta ka shaqeynaya ayuu bogaadiyey.

Dacwada ugu badan ee ka socota Soomaaliya ayuu Sheekhu sheegay iney tahey Dacwada Salafiga ah, sidaa daraadeed ay tahey talooyinka Culimada in laga faa’ideysto si juhdiga la isugu geeyo ka miro dhalinta Dacwada.

Ustaad, Sh Axmed C/laahi Aadan-Shacbaan oo ka mid ahaa Macalimiintii Duruusta ka bixiyey Dowrada oo kalmad la siiyey waxa uu Ardeyda kula taliyey iney halka ka wadaan oo cilmiga kordhistaan, wixii ay barteena sii gudbiyaan.

Sidoo kale mida ka mida Ardeydii Duruusta qaadatey oo halkaa ka hadashey waxey mahad celin balaadhan u jeedisey Macalimiintii iyo dhamaan intii ka qeyb qaadatey hirgelinta Dowrada, waxeyna ugu baaqdey iney gacan siiyaan si loo joogteeyo dowrooyinka noocan oo kale ah iyaguna ay balan qaadayaan iney halkooda ka wadayaan fidinta Dacwada.

Dowrada oo lagu qabtey Machadka Diraasada Islaamiga iyo Carabiga ee Hargeysa, intii ay soocotey Ardeyda Gelinka hore waxey qaateen duruus kale duwan oo aheyd; Xadiithka 4 Kitaab, Caqiidada 4 Kitaab, Usuul Fiqiga 2 Kitaab, Naxwaha Carabiga 3 Kitaab, Musdalaxa Xadiithka 3 Kitaab, halka Gelinka Danbana ay qaateen; Xadiithka 3 Kitaab, Caqiidada 4 Kitaab, Siirada Nabiga SCW 3 Kitaab, Naxwaha Carabiga 3 Kitaab.

Ugu danbeyn Macalimiinta iyo Ardeydu waxey goobta isku dhaafsadeen Shahaadooyin la gudoonsiiyey Ardeydii Dowrada dhameysatey iyo abaalmarin Ardeydu gudoonsiisey Macalimiinta Duruusta siiyey.

Xafiiska Dacwada.

Sh C/laahi Maxamuud Aadan.

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online