Xaflada magacaabista maareeyaha cusub ee shirkadda Golis oo ka dhacday Boosaaso.(Daawomasawirada)

June 12, 2012 - Written by

Xaflad si heer sare loo mamusey ayaa ka dhacday xarunta shirkadda Golis ee magaalada Bosaaso. xafladaas ayaa ahayd xil-wareejinta maareeyaha shirkadda Golis.waxaana maareeye cusub loo magacabey Mudane/ Cali Xaaji Warsame. Xafladaas ayaa waxaa ka soo qayb galay madaxda ugu sareeysa ee shirkadda Golis ee uu hogaaminayey mudane/Cabdi Casiis Guureeye Kaarshe gudoomiyaha guddiga sare ee shirkada iyo maamulayaasha shirkadda Golis u jooga gobolada Puntland.

Ugu horayntii ayaa xaflada waxaa ka hadlay Maareeyihii hore ee shirkadda Golis Mudane/ Aadam sheekhdoon Cali oo ka hadlay hanaqaadkii shirkadda intii uu xilka hayey. Sheekhdoon ayaa muujiyey in shirkadda mudadii uu hayey lagu tilmaami karo waqtigii aasaska shirkadda iyo baahinta adeegyada shirkadda Golis. Maareeyihii hore ayaa muujiyey in shirkadda Golis ay soo martay heerar fara badan oo dhammantood laga qaatey casharo waayo-aragnimo u kordhiyey maamulka shirkadda.

no images were found


Hadalka maareeyihii hore ka dib,waxaa kalmad wacdi ah ka soo jeediyey madasha Sheekh Daahir Aw Cabdi oo tilmaamey culayska ay xanbaarsantahay mas’uuliyada iyo sida diinta islaamka ay fiiro gaar ah u siisey,iyadoo uu tilmaamayey sheekhu in ilaah looga baqo mas’uuliyada loo hayo umaadda. Gunaanadkii xaflada ayaa waxaa soo xiray Cabdi Casiis Guureeye Kaarshe gudoomiyaha guddiga sare ee shirkadda,isagoo tilmaamey in shirkadda Golis ay dhab ka tahay wax-u-qabadka bulshada Soomaaliyeed ee isticmaala adeegyada shirkadda Golis Telecom Somalia.

Guureeye ayaa sidoo kale wuxuu sheegay in ay rajeynayaan in maareeyaha cusub ee shirkadda uu qaban doono shaqooyin gali doona taarikhda “sida maareeyihii hore Aadam Sheekhdoon uu uga tagey raad aan la ilaawin Karin shirkadda”. Wuxuu Guureeye ku dheeraadey in uu amaan u soo jeediyo maareeyihii hore ee shirkadda isagoo ku tilmaamey in uu ahaa nin Aamin,maamul-wanaag,dhabar-adeyg, iyo kartinimo lahaa.

Waxaa uu sidoo kale u rajeeyey maareeyaha cusub in ilaahey waafajiyo mas’uuliyada uu ku tilmaamey in labaduba aysan dooran ee ay ahayd mid loo gartay ka dib markii lagu qancay hawl kar nimada ay u leeyihiin maamulka shirkadda Golis.

Xigasho: Xafiiska xiriirka Dadweynaha

Leave a comment

*

Archives
June 2012
M T W T F S S
 123
45678910
11121314151617
18192021222324
252627282930  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online