Afhayeenka ciidanka AMISOM Col.Cali Aadan Xaamud oo shirjaraa,id ku qabtay Muqdisho

July 12, 2012 - Written by

Muqdisho:-Afhayeenka ciidanka AMISOM, Cali Aadan Xaamud ayaa sheegay inay qorsheynayaan sidii ay guud ahaan gobolka Sh/hoose ula wareegi lahaayeen, wuxuuna carrabka ku adkeeyey in howlgalladooda Militeri ay sii socon doonaan. Afhayeenka cusub ee ciidanka AMISOM, Cali Aadan Xaamud, ayaa ku faanay in ciidankooda ay degmada Afgooye ay ka shisheeyaan masaafo 60 KM ah, wuxuuna ku adkeystay inay horey u sii socon doonaan.

Dhanka kale, saraakiisha dowladda  DFKM ah, ayaa sheegaya inay ku sii jiidaan magaalada xarunta u ah gobolka Sh/hoose, ee Marka, iyadoona ciidanka xulufada ah ay shalay deegaano horleh kala wareegeen dagaalyahannada xarakada Al-Shabaab.

Dhawaan ayey aheyd markii ciidanka AMISOM, loo magacaabay afhayeen Cali Aadan, oo ah nin Jabuutiyaan ah, iyadoona taasi ay AMISOM u sahleyso inay fariintooda ku gudbiyaan luuqadda Soomaaliga.

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online