Been abuur laga sameeyey Sheekh Dr.C/raxmaan Sh Cabdullahi Cumar W/Q Sh Xudeyfe Raage

July 17, 2012 - Written by

Nairobi :-Waxaa saaka war been abuur ah lagu soo daabacay shabakadaha caadeystay beenta iyo xadgudubka waxaana qoraalkaas lagu been abuurtay Sheekh C/raxmaan Sheekh C/laahi Cumar qoraalka been abuurka ah ayaa waxaa lagu soo daabacay Shabakadaha kala ah (Amiirnuur iyo Somalimemo)waxaana cinwaan looga dhigay (Waa Kuma C/Raxmaan Sheikh C/llaahi Cumar maxayse tahay Shaqadiisu?. (WARBIXIN XASAASI AH) inta aan idiin soo gudbin Linksyada Somalimemo iyo AmiirNuur waxaan ka hormarin qoraal yar oo jawaab u ah been abuurkaas.

الحمد لله رب العالمين ، والصلاة والسلام على خاتم الأنبياء والمرسلين ، المبعوث رحمة للعالمين، محمد وعلى آله وصحبه أجمعين

Waxaan saakay mar ay saacadu ahayd 11.30 am ka aqriyay webka la magac baxay Somalimemo qoraal ay wax uga sheegayaan  Fadiilatu Dr Sh C/raxmaan Sh Cabdullahi Cumar Xafidahullah , waxayna ugu magac dareen qoraalkaas (Waa Kuma C/Raxmaan Sheikh C/llaahi Cumar maxayse tahay Shaqadiisu?. (WARBIXIN XASAASI AH) ).

Sidaa darteed waxaan jeclaystey  inaan qoraalkan qoro oo aan ku cadeeyo  waxa ay sheegayaan somalimemo  iyo Amiir Nuur ma runbaa mise waa been iyo been abuurkii lagu yaqaanay? sababka keeney inaan qoraalkan qoro waxa weeye

1-in aan difaaco Sharafka qofka Muslimka waana waajib saran qof kasta oo muslim ah in uu difaaco sharafka walaalkiisa muslimka ah, waxaana kusoo aroorey adilo tilmaamaya arinkaas, waxaana kamid ah  :

من ذب عن عرض أخيه بالغيب كان حقا على الله أن يعتقه من النار) صحيح    قال رسول الله صلي الله عليه وسلم 

1-Waxa ay sheekha ku sheegeen in uu isaga lamagac baxay magaca Dr

2- Waxa ay sheekha ku sheegen in uu  degan yahay Magaalada Godey.

3- Waxa ay sheekha ku sheegen in uu u shaqeeyo dowlada Ethoipia.

4- Waxa ay sheekha ku sheegen in uu yahay Jaajuus.

5- Waxa ay sheekha ku sheegeen in uu had iyo goor wato bistoolad

6- Waxa ay sheekha ku sheegeen inay ONLF hada ka hor ay dhaawaceen isagoo shir kula jira jabhadii Somali Galbeed raadka dhaawaciisana uu ka muuqdo gacanta.

7-waxa ay sheekha ku sheegeen in imaatinkiisa Magaalada Nairobi uu ku soo beegey xili la filayo inuu  Muxaadaraad qabto Sh Xassan Xussein(هداه الله وايانا)Arimahaas iyo kuwa kaleba oo ay somalimemo ku sheegtey sheekha talow  maxaa ka jira ?

Waxaan leeyahay shabakadaas iyo kuwa kaleba waxaa caada u ah in ay duraan oo ay  been abuur badan ka faafiyaan Culimada iyo  Ducaada saxwadan barakeysan , mana ahan markii ugu horeysey ay sidaas ugu been abuurtaan Culimada iyo Ducaada soomaliyeed, dadka ay mar walba wax ka sheegaan waxaa ka mid ah  Fadiilatu Sh C/qadir Nur Farax , Sh Maxmed Cabdi Umal , Sh Maxamuud Shible  iyo Aclaamtii Umadan soomaaliyeed, mana ahan wax lalayaabo ereyada ay soo qorayaan  waxaas oo dhan waxaa isku fuuqsaday markii ay culimada ku xukmiyeen in ay yihiin Murtadiin diinta Islaamka ka baxadey.

Hadii aan dib ugu soo laabto jawaabta been abuurkaas, waxaan leeyahay

Dr sh C/raxmaan  Sh C/llaahi Cumar laga soo bilaabo 1994  ilaa maanta lajoogo  waxa uu degenyahay dalka Sacuudi carabiya halkaas buuna ku dhameeyey waxbarashadiisa jaamacadeed ilaa heer uu ka gaaro darajada  Diktooraah waxa uuna macalim ka yahay kana shaqeeyaa jaamacada lagu magacaabo (جامعة طيبة) faraceeda Magaalada Yambuc (جامعة طيبة فرع ينبع) .

Dr Sh C/raxmaan Sh C/llaahi Cumar isaga isugama yeero magaca Dr, taasina waxaa tusinaya Buxuuthta Cilmiga uu qorey oo ay kamid tahay Risaaladiisa Maajisteerka (جهود سماحة الشيخ بن باز في توضيح العقيدة) waxaana uu ku qoray magaciisa  C/raxmaan Sh C/laahi Cumar , waxaa kale oo kamid ah risaaladiisa uu ku qaatay shahaadada Dr oo ah (مسائل العقديه المتعلقة بالسب) .

Dr sh C/raxmaan Sh C/llaahi Cumar ma aysan dhaawicin weligiisa ONLF , wax dhaawacna kuma yaalo gacantiisa , waxaana bishaaro ah in caawa uu shiikhu ku leeyahay muxaadaro masjidka Abubakar ee magalada Nairobi xaafada soomalidu degto ee islii qofkii rabana sheekha ha soo arko hana ka raadiyo wax raad dhaawaceed oo sheekha ku yaala, waa been abuur cad oo ay soo dhoob dhoobeen beenaalayaasha

Su,aasha is waydiinta leh waxay tahay halkee somalimemo kusoo aragtay dr sh c/raxmaan oo jooga Goday ama Ethoipia bistooladna labisan ugaadhsanaya ducaada mise  sheekadu  waa tii taxanaha ahayd oo aad ku been abuuranjirteen Culimada iyo Ducaada somaaliyeed.

Maxaa keeney xiligan in qoraalkan ay ka qoraan Dr sh c/raxmaan xafidahullaah iyaga oo ku muujinaya in ay Sh Xassan Xuseen (هداه الله وايانا)  ugu gargaarayaan,  waxaan isleeyahay waxaa gubay quluubtooda Su,aalihii qiimaha badnaa ee Dr C/raxmaan uu soo waydiiyay Sh Xassan .

Waxyaabaha layaabka leh waxaa kamid ah  in laga saaray shabakada somalimemo Qoraalkii lagu caynayay Dr sh c/raxmaan , Talow maxaa kalifay?? Waa su,aal ubaahan in ay kajawaaban qolyaha iska leh shabakada. Halkan ka eeg links Somalimemo ay ka sareen

Halkan ka akhriso qoraalkii lagu faafiyey Amiir Nuur     Hadey ka saaraan ka eeg halkan  Qoraalkii oo PDF ah  beentii lagu faafiyey Somalimemo iyo Amiir Nuur

Ujeedada ugu wayn ee laga leeyahay cayda Culimada iyo Ducaada waxay tahay in laga hortago kheyrka ay umada ugu yeerayaan , maxaa yeeley Culimada oo la caayo waxay ka dhigan tahay Xaqqa ay wadaan in la inkiro oo ladiido, Allaah waxa uu leeyahay Sw (قد نعلم إنه ليحزنك الذي يقولون فإنهم لا يكذبونك ولكن الظالمين بآيات الله يجحدون

Waxaan hadalkeyga ku soo khatimayaa war Allaah intaad ka cabsataan beenta iyo been abuurka iska daaya ilaahayna u towbad keena waxaad ku jirtaana ka baxa ka cafis dalbadaan Dr Sh C/raxmaan Sh Cabdullahi Cumar sida ay horey uga cafis dalbadeen Sheekh C/qaadir Nuur faarax markii aad ku been abuurateen.
اخوكم في الله :حذيفة راجي علي

E-mail Address: Xudeyfa@msn.com

29 Comments so far

Leave a comment

  1. waaqormo aad uwanaag san laakiin ilaah haku anfaco walaalaha talada loo soo jeediyay hana kafaa iidays teen in taysan dhiman haka cafis dalbadaan dr ka iyo cidakale eebadan oo ay kuxadkudbaan

  2. ASWWB
    waxaa ca jiib ah inculamadii soomaaliya IYO web sideyadii laga sugaagey iney umada ka saaraan mugdiga ay iyagii dhaxdood is heystaan(sheeq hebal baa been laga sheegay ama sheeq hebal ayaa la caayey) oo ay iloobaa waajibkii ka saarnaa umadaan muslinka ah oo xaalkeeda meelxun maraayo. iyagoo ka tageynin waaqica jira. hadii aad sidaan u sii socotiin waxaa dhici dooto iinaad weysaan xitaa dad idin dhageyta oo wanaagii u sheegtaan hadii aadan dhexdiina is ixtaraamin.
    Walaalayaaloow sidaan ha leysku dhaamo ee umada ha la badbaadiyo.
    Igama xushmo la,aan aan culumada u haayo ee waa iga nasteexo

  3. aaaaaaaaaaaaaaaaaaaaaamiiin aaaaaaaaaamin aaaaaaaaaaamiin

  4. asc waxaan ku habalyaaynaya shabakada halgan sida wanaagsanee ay udifaa cayso culimada allana ha idinka abaal mariyo waxaan leeyahay kuwa kunool been abuuradka culimada tolo miyaanay dhimanayn oo aanay kabaqayn malinta akhiro eedabe miyan ahayn kuwo kudheldhelay diintii mar hadanay kala saaray xaqa iyo baadilkii alle ha soohadeeyo hadanay hadaayad lahayn alle umada hakaqabto waramadaanee amiinta ubadiya

  5. Asc websityada benta inlaboqdo wa dambi san u arkay (“halafarisanin kuwa dhaliminta ah markad ogadatokadib”) wa aayad quran ah micnehed waxay kaqeyb qatan warerka somalia katagan webstyadas

  6. Assalaamu cww bacda salaam
    Allow ceeb astur walaahi baan ku dhaartee, innaan wax badan la isdhaamin
    ee raggow ha la fiirsado………….

  7. Jazakallah khayral jazaa walal kuwa allah iyo aadana midna ka xishonaya mahan kuwa e illahay haso hanuniyo hadu hanun ladonay hadi kale o usan hanun ladonina umad allaha kaqabta

  8. scw waxaan aqoon dheer uleeyahay dr,c,raxmaan sh,c,aahi cumar

    waxaan aqaanay ilaa dugsigiisii sare iyo intii laqaxayba waxaan ogaa markuu aadayay jaamacada
    aqoontaa aan uleeyahay anoo isticmaalaya xudayfa marag waxaan ilaahay hortii uga ahay inuu run inoo soo tabiyay
    waxaan xoojinayaa walaalkii qoray yaan la booqan baraha beenaalayaasha banaystay dhiiga culimadii umada diinta ulaqinaysay waa cadawga kowaad ee dacwada nimankaasi ilahaw naga qabo kuwaas
    sh.xasaan waad taqaana dr,c.raaxmaanee hadad daacad katahay fatwooyinkan qariibka ah oo ay diinkaa tahay ee rag iska celi kaa ahayn maad beenisid waxa ay saaxiibadaa qoreen
    mise agtaada gaalbuu kayahayoo iska in la aflagaadeeyee inladilaadba qabtaa
    ilaahbaan sharkaaga kamagan galnay

    c,xakiin

  9. Mashallah jzklh qeeran jizah sh xudeyfe rage sida wanagasan oo aad dr sh cabdirahman sh cabdulahi sida wacan oo aad been abuuradkii loo geysaday umada uga jahliga bixisay mashallah dr sh iyo culimada kaleba allow culimada inoo xifdi cadowgoodana jabi allahuma amiin

  10. to dhamaan walaalaha comments. ka qoray iyo qoraaga maqaalkaba.

    warkaanu xagee buu ku qoran yahay sheekha lagu been abuurtay maalintee

    ayuuse soo baxay waayo waan ka waayey meelaha uu walaalku ishaaray ?

    i tilmaama baaraka LLAAHU fiikum ?

    • Salaamu Calaykum

      Asma walaal wey ka saareen markii beentoodii la qabtay waase ceeboobeen kuwaas (Somalimemo iyo Amiir Nuur) balse waa dhaqankooda in ay ku beenabuurtaan culumada marka la qabtana ay ka saaraan .Halgan baa ilaahay ku saladay kuwaas oo ku halgameysa si wanaagsan oo aan xadgudub ahayn.

      sw

  11. asc wrwb

    maashaa allaah ustaad xudeeyfa xayaakilaahu wanawaralaahu qalbaka wa mala a allaahu xubu mustafaa waxubu mantabicahu.intaas kadib qolooyinkaan wax qorayah halkuu ka maray qoowlkii rabigeena swt “maa yalfidu min qoowlin illa ladeyhi raqiibun catiid.”walaalayaal suubanaha waxaa kasugnaaday hadal micnihiisu ahaa haddaadan xishooneeyn sameey waxaad rabtoh. walaalayaaloow waxaan iyo waxyaalo badan weey dhacayaan si loo dhaho horeyna aan u dhahnay sadaqa mustafaa.ahlu halgan.netoow waad salaamantihiin ogaada qabriga keligiin baad galeysaan cid kale idiinma galeeysoh sidaas u daafaca culimada illeen suubanah ayaa inagu dhahay alculamaau warithatul anbiyaa. shacbiga soomaaliyeedna alxamdulilaah waa soo jestay inuu diintiisa ku farag adeego culimadiisana adeeco uu difaacdo iqwaanii dadkii suubanaa culimadooda weey dhunkanjireen iqwaanii culimadu waxey wadaan shumacii koownkaan beey ummada u sidaan innaguna aan iyaga sidanoh wsc wrwb

  12. acw walaal sheekh xudayfe ilahay ha ku xifdiyo walaal aad waxaan ujeclaystay qaabka qoraalka aad udiyaarisay, walaal Dr c/raxmaan isgana xafiduhulaahu ayaan leenahay walaal, walahi waxaan udhaartay eebihiii abuuray makhluuqaadka iyo samooyinka iyo dhulba iyo waxa ku nool aduunka iyo Akhiraba, walaal waxaan kuu sheegayaa inay nimankaas diinta islaamka ka fogyihiin aniga aqoon badan ayaan uleeyahay wiilsha yar yar ee soo qoraya qoraaladan waxay yihiin iyi mustawo ahaanba lakn waxaan layaabanay wiil yar oo salaada shuudaheeda sixi karin in uu culimadii soomaaliyeed wax walba ku sheegaya. kawan ayaa ayaan idiin sheegayaa islaamna mahan gaalagana ma,ahan munaafaqiina mahan xataa kahwaajirta la shegayo mahan waayo? sifaad kaste ayay leeyihiin markii laga reebo (NMNKH) iyo saxaabadiisa ku sugnaayeen. oo ahaa kitaabka ALLAAH IYO SUNNADA.
    aniga waa iga talo umada in had iyo jeer looga digo nimankaas oo waliba in lala dagaalamo ayaan qabaa.
    walaalayaalow wax inoo haray malahan, waxaan sugayaa fatwo culimada islaamka gaar ahan kuwa soomaliyeed in ay noo fadwoodaan in la dilo karo kuwan waxan soo qoraya, ilahay ayaan shartooda ka magan galnay Amiin Amiin Amiin

  13. ilaahay ha ka qabto ummada kuwa cunaya hlilbka culimada

  14. Thanks
    walalka qoraalka qorey Wey iska cadahay warkaas waa fatwo lagu xalaalaysanayo Dhiiga walaalka ah oo la leeyahay wa jaajuus hala dilo
    LKN waxa an u sheegayaa QOf walba malinkiisa ma dhaafayo shiiqana Allah magantiisa uu ku jiraa Allah wuu qabandoonaa qolada daalimiinta ahويمكرون ويمكر الله

  15. Asc walaalaha waan idin wada salaamay Khaas ahaan walaal Xudayfa Allaha kaa abaal mariyo Sida aad ugarab istaagtay Culimada Run ahaantii waxa aad difaacayso shaqsi ma aha Ee waa diin iyo dadkii xanbaarsanaa Arintaas jihaad kawayn majiro Run ahaantii Dadka waxaan caadada kadhigtay waxaad ogaataan in ay tahay calaamadihii kuwii Cali bin abii dhaalib Janada kuraadsaday ay kamuuqato Mar Ikhwaanii Waxaad iswaydiisaan Ragii Damcay in Umunaa Caaisha la afduubto markii Cali iyo Mucaawiye isku dheceen ee Cali kugaalaysiiyay Maxaad uqafaalan wayday dadkii mucaawiye lasocday Taas waxaa kasii Dara Cali bin Abii dhaalib oo asagoo nool janada loogu bishaareeyay ninka Dilkiisa Jano kuraadsaday maxaad ula yaabaysaan in Culimo Soomaaliyeed caydooda Jano ama dilkooda jano kuraadsadaaan Walaalayaal isku daya sida walaalken Xudayfa Inaad Difaacdaan Diinta iyo dadka ushaqaynaya maxaa yeelay Culimada lacaynayo waa culimadii Umada soomaaliyeed Iftiinka dhinaca diinta Iyo saxwada UU Allaah ugu kaalmeeyay inay Faafiyaan Difaacoodana waa waajib Allaha din barakeeyo Asc

  16. jzk kheyr wa axzanu jazaa sh xudeyfa raage alle haka ajaziyo sida u difacdey shiiqa sharaftiisa iyo dhamana culimada kuwa ka been aburanaya culimada alle ha soo hanuuniyo oo haka dhigo kuwo ka tobad keena Dhamaan Culimada Somaliyeed Allah ha Xafido Meel Walbo ee Dunida Ka Jogaan Anagana Alle Hanaga Dhigo Kuwii Ka Danbeya Culimadoda Amiin

  17. Asc. ragaas fidnada aay islaamka ka dhex wadaan allaha ka qabto. Ma garanaayo zamankaan wax ka shar baddan. Waayo gudaha ayee naga burburinayaan. Cirdigii iyo sharafkii culumada ayee banneysteen. Hadda ka hor ayaa waxaan. Arkay sheakh maxamuud shible ayakoo waxa qof lagu tilmaamo waxa ugu xun ku nabaayo kuna ceenayo. Saaid ayee ii dhibtay. Waxaan bilaabay inaa duruustiisa ihtimaam gaar ah inaa siiyo. Dhuuxo. Waxaa iisoo baxday fiqiih caalim ah inuu yahay iyo fahanka ku jirro iyo siduu ugu turid iyo naxariis baddan yahay muslimiinta. Allah xifdiyo. Ragaaas webkooda. Aniga ahaan hadaa galo waxaan amiinsanahay. Dambi iga soo racaayo. Waayo waxeey xallashadeen cayda iyo ku been abuurashada akhyaartii iyo culimadii umadaan. Ma dhaceeso inaa galo una camiro majliskooda. sharta ah. Xataa maleh qof muslim akhlaakhdiis

  18. Ilaahow hana cebayn….. war dadku miyaanay ahyn dad wax uun xishoodda ku danbeeyo …. maxay tahay beenta intaa le`eg ee ay qorayaan, ee haddana magac diidmeed lahuwanyahay…. Subxaanalaah..

    Ustaad Allah hakaa abaal mariyo sida aad dadka ugu bandhigtay qoladdan qaloocan beenta ay caadeeysteen in ay maalin walba qoraan…

    ma`arag dad beentu sidaas ugu sahalantahay, inta aan media- ah akhrinayey… wax jira wax layiraahdo “Suxuf Safraa” , waxaa garan kara dadka bartay cilmiga saxaafqadda, suxuf-taasu waxy kashaqeysaa soo qufidda qashin-ka inta badana wax ay qoraan waxyaabo laga fiicanyahay.

  19. mahadsanid walaalka soo qoray maqaalka lakiin in la difaaco dadka culimada ah iyo muslimiinta gud ahaanba waa waajib lakiin yaryarka caadaystay aflagaadada iyo wax ka sheega ehlu diinka ma mudna in loo jawaabo maadaama aysan dawoobayn ani waxaan qabaa uun dadka ha loo sheego in ay beenaalayaal yihiin diinna aysan waxba ka ogayn lakin in markasta loo jawaabo qiimahaas ma mudna iyagana ilaah ha soo hanuuniyo anana xaqqa hana tuso waxaase u baahan in la ogaado nimanka wax u qoro kooxdaas dhalinyarta ah maxay isaga qaban waayeen oo ay xataa dad waxba yaysaan diin lahaan eh caqli leh wax ogu dhiiban waayen cajiiib wax yaalaha aan la yaabo bay ka mid tahay ilaa hadda
    waxaan dhamaan ten ilaah inoo waydiinayaa in uu xaqqa ina tuso ina raaciyona

  20. walaal Xudeyfa jazaakallahu khayran. Kuwan ku fitnaysay culimada Soomaaliyeed waa loo baahanyahay in sidaas buqnaha loo gooyo. Ilaahay kuwaan been abuurka wada hadii uu hanuun la damcay hasoo hanuuniyo, hadii uusan hanuun la damcina shartooda uma ha uga raaxeeyo.

  21. ASCWW
    walaalkeen xudeffa jizaahullaahu khayran wuxuu maray wadadii lagu yaqaannay ahlu sunaha oo ahayd in la difaaco cirdiga iyo sharafka culimada iyo muslimiintaba, dadka ahlul baadilka ahna baadilkooda dadka loo cadeeyo, shukran walaal xudeyfa, sidoo kale walaalaha maamulka halgan waxaan ku sifayn karaa inay ka run sheegeen magaca ay qaateen oo waxaan oran karaa waa halgamayaal xaqa u halgamaya ilaahay waxaan weydiisanayaa inuu walaaleheen camalkooda barakeeyo abaalkooda u laalaabo aduun iyo aakhiroba, ikhlaaskana waafajiyo.

    Intaas ka dib walaalayaal ruuxa muslimka ah waxaa saaran inuu xaqa raaco cid kasta oo wadana uu ka qaato, baadilkana uu diido cid walba ha wadee,dadkana uu ku soo kala dhaweysto sida ay xaqa ugu kala dhawyihiin, wadaadka shekh xasaan ah dadka wali difaacaya maxay ku difaacayaan? waxaan jeclahay dadka sheekhaas difaacaya inay su’aal kaliya ka jawaabaan. su;aashu waxaa weeye CULIMADII UMADDA SOOMAALIYEED AYUU GAALAYSIIYEY DILKOODANA FATWOODAY QAAR KA MID AHNA FATWADIISA LAGU DILAY, UMADDA SOOMAALIYEED EE MAATADA AH DHIIGOODA QUBANAYA HAR IYO HABEEN WUU BANEEYEY KITAABKA ALLAAH IYO SUNADA RASUULKA AYUU U SAAREY INTAAS OO AAFO IYO DHIBAATA AH OO U QABO, HADABA QOLADA DIFAACAYSA AMA WALI RAJADA KA QABTAAY MA WAXAAS AYAAD LA QABTAAN? MISE WAAD LA HADASHEENOO TAWBAD AYAAD KA HAYSAAN? hadaysan labadaas midna jirin in jaraa’imtaas looga bari noqdo soo waajib diini ah ma ahan?

  22. Asc Sheikh Dr Abdirahman Allaha Dhowree Caawa Muxaadaro Qayim ah ayuu inoo soo jeediyay Ku saabsan (Macrikatul Akhlaaq) Aadna Wuxu uga hadlay Ceyda Umada musliminta Gaar ahaan Culimada asagoo adilooyin Cadcad soo Warinayay walina wuu sii wadi doona insha allah’

  23. asc wr wb walal waxaan arkaa inay khaldan yihiin allah hasoo hanuuniyo sh cabdirixmana xafida hullah waxay meel ku soo qoraan waxba kama tarayso.

    adiga laftir kaagu markaad sh xasaan xuseen xafida hullah maga;ciisa sheegtid waxaad raacinaysaa hadaanallahu wa iyaah marka hadaa khayr ula jeedid allah baa ku og hadaad kawadid waa dhunsa yahayna allah utoobadkeen

    ALLAH ha xifdiyo dhamaan culumadeena hana ku hanuuniyo waxa uu jecel yahay raaligana ka yahay.
    niman ka webab ka samaystay na waxaan leeyahay tartiibsada webka aad sheegtay iyo hagan laftigeedaba.

  24. Asc

    Walaalka qoraalka soo qoray jzk iyo dhamaan walaalha ku dareenka ah ah aad ayaan u fahmay qoraalkiisa balse anigu markaan maqlay been abuurka sheekha waxaa igu soo dhacaday ninkii doqonka ahaa ee dhumay markuu la helayna ku jawaabay maxaa la iga soo helin beraan dhumine taas waxaan ula jedaa dadka caadyetay cayda culimada iyo been abuurka maxaa looga nasteexayn waa wax dhiigooda ku talaalan ayaan qabaa markaan dhegeesto qisadii suuratul nuux iyo waxii kala qabsaday qoomkiisi ayaan u naxa kuna dhiiradaa in anan ka daalin naxiisadooda sidaa darteed allaah ha soo hadeeyo ayaan leeyahay galbta waqti madan ma rabo in aan ku dhumiyo walaalha had iyo goor difaaca culimada waxay difaacin diinta Ale iyo ehelkeeda waxaana leeyahay jisadiina waa jano ee sii labo laaba inshallaah ugu danbeyntii walaalha webkaan leh waxaad mudan tihiin duco joogto ah ee Allaah ha idin barkeeyo.

  25. asc wr wb walaaal sh xudeyfa illaahay ajar hakaaa siiyo sida aad udifaacday
    sheekha illahay illahay ajr haka siiyo walaalaha webka halgan
    kuwa beenta ku abuuranayo culumada waxay doonayaan oo kaliya inay iska horkeenaan
    culumada iyo ardayda wax kabarati sidaasna looga waayo arday maajida wax ka dhageesato meeshana ay isugu soo haran juhalo aan waxba gareeen oo ay siday rabaan ka yeeshaan waxaaan leeyahay kuwa ben abuurka soo qora illahay kabaqa

  26. KOOXDA CEEB KAMA XISHOODAYAASHA AH EE WAX KU QORTA BARAHA SOMALIMIDNIMO, MEMO IYO KAN KALE EE AMIIR HEBEL LA BAXAY WAA DAD ISKU DARSADAY CILMI LA`AAN, DIIN YARI IYO XUMAATO KU INDHA ADKAAN.

    ANIGU LAMA YAABBANI DADKA TILMAAMAHOODU SIDAA YIHIIN INAY QORAAN BEEN IYO WAX KASTA OO ILAAHAY LOOGA FOGAANAYO AADANUHUNA KUGU NACAYAAN, WAXAANSE LA YAABBANAHAY DADKA KALE EE WANWAAGSAN EE BARAHAAS GUULDARRADU HEYSO U DOONANAYA AKHBAARTA AMA SIDA WAQTI LUMISKA U EG USOO BOOQDA.
    WALAALAHA WAXAAN UGU NASIIXEYNAYAA IN QALBIGUUNNA IYO WAQTIGIINNUBA KA QAALISAN YAHAY IN LAGU BOOQDO BARAHAAS QASHIN QUBKA AH EE DADKA DIINTA IYO XISHOODKA KA MACALUULSAN AY WAX KU QORAAN EE CAMMIRAAD YAANAN LOO NOQON DAD SIDAA U HOOSEEYA.

    DADKA WAX KU QORA BARAHAAS QAARKOODA AAN GARANAYO WAXAAN KU AQAAN
    1) INAY BEENTOODU KA BADAN TAHAY RUNTOODA
    2) IN QAARKOOD YIHIIN QABALIYIIN WAXA GUBAYA UU YAHAY CUQDAD AY U HAYAAN DADKA QAARKII SIDAA DARTEEDNA AY TAA DARTEED QABYAALAD DARTEED ILAAHAY UGA FURANAYAAN, MAGAC DIINEEDNA AY HUWINAYAAN
    3) IN QAARKOOD KANIISADO IYO SIRDOON DOWLADO SHISHEEYE KU XIRAN YIHIIN, MARKII AY WADAADDADA DHXDOODA KA WAAYEEN SIDII AY RABEENNA AY SOO DHEX GALEEN QOLADAN WAXBA AANAN MAYA LAHEYN
    4) QAARKOOD WAXAA IGU MAQAALA AH IN AY LEEYIHIIN DHAQANNO & CAADOOYIN AAD U XUNXUN OO AANAN HALKAN KU XUSI KARIN, XIRFADDA AY U BADIYAANNA TAHAY AFLAGAADDADA IYO XUMAATO KU SHEEGGA CID KASTA OO SHARAF LEH SI ADDUUNKUBA U WADA NOQDO WAX WADA CEEBEYSAN.
    5) IN AY YIHIIN DAD JUHALO AH OO AANAN CILMIGA SHARCIGA AH WAX LA SHEEGO KA AQOON.

    DADKA INTAA OO SHAR AH KULANSADAY MEELAHA AY KU BAAHIYAAN AFKAARAHOODA LIITA IYO AFLAGAADDADOODA MA HABBOONA IN UU QOF WANAAGSAN USOO DOONTO AKHBAAR IYO SKEEKO MIDNA, NUSUUS BADAN OO ARRIMAHAA KA HADLEYSANA WAA JIRTAA EE ARAGGA, MAQALKA IYO QALBIGABA HA LOOGA TURO BAADILKA.

  27. khAYR ALLA HA KU SIIYO

    NIMANKANI MAKALA JECLA RuNTA IYO BEENTA
    KALIYA WAXAY RABAAN INAY KU QALDAAN DADKA MAANGAABKA AH EE AAN WAXBA HUBSANIN WAANA DADKA INTA BADAN AY KU SHAQAYSTAAN
    CEEBTOODANA MAAHEE WAA CAADADOOD BEEN ABUURKA IYO CAYDA CULIMADU AGTOODA

  28. Salaamu Calaykum

    ilaahay ha ku xifdiyo Sheekh xudeyfe raage adiga iyo walaalaha Halgan kuwaan diintooda iyo dhaqankooda baa been ah marka waad ku daaleysaa in aan ka jawaabto beeno badan diina kuwaan shaqo kuma lahan

Leave a comment

*