Ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM oo howlgalo ka sameeyey Degmada Balcad.

July 13, 2012 - Written by

Balcad:-Ciidamada DFKM  ayaa maanta howlgalo ka sameeyey  Degmada Balcad ee gobolka Shabeellaha dhexe, halkaas oo ay haatan gacanta ku hayaan ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM .

Howlgalada ay sameeyeen ciidamada DFKM ayaa waxaa ay sheegeen in ciidamada ay ku soo qabteen dad looga shakisan yahay in ay ka mid yihiin Al-shabaab  ,hub  iyo walxaha qarxa ;ciidamada DFKM oo kaashanaya kuwa AMISOM ayaa baaritaan ka sameeyey dhamaan xaafadaha ay ka kooban tahay Degmada Balcad.

Agaasimaha hay’adda nabad-sugidda DFKM  Axmed Macallin Fiqi oo la hadlay saxaafada  ayaa sheegay in howlgalka lagu soo qabtay shakhsiyaad ka tirsan Al-Shabaab wuxuuna sheegay in ay howgalada sii socon doonaan.

Guddoomiyaha gobolka Shabeellaha Dhexe Cabdi Jiinow ayaa waxaa uu sheegay in howlgalada ay sameeyeen ciidamada DFKM ay ku soo qabteen in ka badan 20 qof kuwaas oo lagu xiray saldhiga Degmada Balcad.

Howlgalada ay ka sameeyeen ciidamada DFKM magaalada Muqdisho,Afgooye iyo Degmada Balcad ayaa waxaa lagu soo qabtay dad aad u tiro badan kuwaas oo u badan dad rayid ah waxayna ay la kulmaan dhibaatooyin kala duwan sida in laga qaato lacag faro badan oo madax furasho ah.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online