Ciidamo British ah oo lagu arkay gobolka Sh/hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya.

July 26, 2012 - Written by

Afgooye:-Ciidamo British ah ayaa waxaa lagu arkay gobolka Sh/hoose ee koonfurta dalka Soomaaliya Wargeyska ka soo baxa dalka Britain ee The Times, ayaa shaaca ka qaaday in ciidamo ka tirsan Britain, lagu arkay degmada Afgooye iyo Ceelasha Biyaha, waxaana wargeysku soo sawiray askar British ah oo la sheekeysanaya caruur Soomaali ah.

The Times, ayaan sheegin tirada ciidanka Britain ee halkaas ku sugan, mana jiraan mas’uuliyiin dowladda Soomaaliya ka tirsan oo uu wargeysku soo xigtay.

Wasaaradda gaashaandhiga dalka Britain, ayaa xaqiijiyey in saraakiil ay kaga sugan yihiin Soomaaliya, balse waxa ay intaas ku dartay in saraakiishu ay caawinayaan ciidanka AMISOM.

Afhayeen u hadlay wasaaradda gaashaandhigga ee Britain, ayaa sheegay inay Soomaaliya u direen saraakiil ciidan, kuwaasoo sida uu warka u dhigay ciidanka AMISOM ka caawinaya isgaarsiinta iyo caafimaadka.

Arrintan, ayaa waxa ay imaaneysaa xili ciidamada huwanta ah ee Soomaaliya ku sugan ay isu diyaarinayaan dulaano ay ku qaadaan magaalooyinka muhiimka ah oo ay ururka Al-Shabaab ka taliyaan.

Somalireal /Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online