Dowradii xagaaga oo lagu qabtay magaalada Qardho ee xarunta gobalka Karkaar

July 26, 2012 - Written by

QardhoDowradii lixaad iyo shanaad ee la qaban jiray xiliga xagaga ayaa manta loo soo gaba gabeeyay arday kor u dhaafeysa 2240 arday  oo isku jiray wiilal iyo qabdho waxaana soo qaban qaabisay Mu’asasadda Al minhaaj ee Magaalada Qardho ,waxayna Dowradani socotay Mudo bil ah . Duruus kala duwan oo sharci ah ayaa la barayay wiilasha oo ku qaadanayay galabtii Masjidka Weyn ee Cumar Bin khataab halka Gabdhuhu naha ay wax ku baranayeen Markaska Khadiija Bintu Khuweylid oo ah markas u gaar ah dumarka .

Kitaabka ay ka midka yihiin Naxwaaha afka carabiga Caqiiqada Tafsiirka Suuratul Xujuraad iyo kuwo Fiqiga ah ayay ardaydu galabtiiba laba darsi ka qaadan jireen ,waxayna ardaydu u qeybsanaayen qeybo qeybo ama kooxo kooxo si ay isku kaashadaan isuguna faa’iideeyeen, waxaa sidaa oo kale jiray tartamo u dhaxeeyay ardayda dowrada ku wada jirtay oo kooxo loo qeybiyay iyadoo kooxuhu ay si reb reb soo galeen ugu dambeyna ay labo koox isla miyaadeen gaba gabada dowrada .

no images were found

Sheekh Maxmed C/laahi  oo ka mid ah Culimadii weday dowrada ayaa sharaxaad ka bixiyay habka ay ku qabsoontay iyo soo gaba gabeyntedaba wuxuuna xusay in dowrooyinkan ay yihiin kuwo la qabto xiliga xagaaga ah oo ay ardaydu fasax ka yihiin iskuuuladii ama macaahidii kale ay dhiganayeen sidaa oo kalena ay magaalada yimaadan arday badan oo ka soo xagaa baxay kulka Magaalada Boosaaso taasina ay ku dhalisay in ardayda loo wada faa’iideeyo ayna dowrooyinkan soo bilaabeen sanadkii 2007 wiilashun ay qaaten sanadkan tii 5aad halka gabdhuhuna ay qaateen tii 6aad sidaana aya wiilashu gabadhaha uga hooseeyaan hal dowro .

Waxa uu amaanay ardaydii mudada bishada ah soo waday dowrada wuxuuna  ku amaanay in ay yihiin arday maskax fudud jecela barashada diinta Islaamka una diyaar ah in ay dadka gaadhsiiyaan Diinta Islaamka ,wuxuuna si gaar ah u amaanay gabadhaha oo uu sheegay in ay muujiyeen dadaal dheeri ah.

Sheekh Maxamed C/laahi waxa uu sidaa oo kale u mahad celiyay Mu’asasadda AL minhaaj oo kala qeyb qaadatay Sanadkan arimaha dowrada wuxuuna sheegay in Al minhaaj ay tahay mu’asasad dacwadeed aad u fiican una horseeda umadda kheyrka iyo wanaaga iyo baraarujinta bulshada .

Dowrooyinka lagu qabto magaalada Qardho xiliga xagaaga ah ayaa soo bilowday sanadkii 2006 waxana inta badan dowrooyinkan ka faa’iideysta ardayda dhigata Jaamacadaha iyo Iskuulada sare iyadoo wiilashada iyo gabdhaha midba goonidiisa loogu qabto .Dowrooyinka ceynkan oo kale ayaa lagu xasuustaa in uu bilaabay sanadii 2003 Markaska Ibnu Bas ee Dacwada iyo hanuunita Bulshada ee Magaalada Muqdisho wuxuuna Markasaasi noqday kii ugu horeeyay ee dowrooyinka ceynkan oo kale ah bilaabay xiligaa iyadoo Mu’asasaadka dacawiga ahi ay kaga daydeen markaskaas arintaa wanaagsan ee uu bilaabay .

Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online