Dowro loo furey Dumarka Dacwada ee magaalada Hargeysa.

July 28, 2012 - Written by

Hargeysa:-Markazka Saxaba ee Magaalada Hargeysa-Xarunta Somaliland, ayaa maanta oo Taariikhdu ku began tahey 28/07/12 waxaa ka furmey Dowro loo qabanayo Dumarka Ducaada ee Hargeysa, waxeyna soconeysaa muddo toban cisho ah oo ka bilaabaneysa 10/09/1433 kuna eeg 20/09/1433.

Dowradan sida lagu wado waxaa ka faa’iideysanaya Dumarka Ducaada ee Magaalada Hargeysa oo iskugu jira:

  • Dumarka Ducaada ee 7 Markaz oo Dacawi ah.
  • Dumarka Jaamacadaha dhigta.
  • Dumarka Macaahida Sharciga ee Magaalda dhigta.

Inta Dowradani socoto  Dumarka Ducaada ee loo qabtey waxey uga faa’iideysan doonaan Duruus kale duwan oo iskugu jirta kuwa Diiniya iyo kuwo kale sida :

no images were found

–          دروس في فن الإدراة

–          البحث العلمي

–          الغلو في الدين- الاسباب-الأثار- العلاج

–          فقه الدعوة إلى الله

–          مشروعية العمل الجماعي مقوماته وضوابطه

–          فقه التعامل مع الاخطاء

–          دراسة المصطلحات

Furitaanka Dowradan waxaa laga jeediyey hadalo kale duwan, ugu horeena waxaa ka Hadley Mashrifka dowran Sh C/wahaad Maxamed Mowliid oo dul istaagey muhiida Dowrada, waxa uuna sheegay sababta ugu horeysa ee loo qabanayo Dowaradani iney tahey dar-dargelinta Dacwada iyo in Dumarka Ducaadu si toosa ugu xidhnaadaan Culimada.

Waxa uu sidoo kale sheegay muhiimada Dowradani iney tahey mideynta safka Dumarka Ducaada ee Magaalada Hargeysa, si ay qeyb weyn uga noqdaan Dacwada Magaalada. Ugu danbeyn habsocodka Dowrada iyo mahad celin uu u jeediyey Culimada iyo Ducaada qeybta ka noqoneysa Dowrada ayuu ku soo gebo-gebeeyay.

Waxaa sidoo kale kelmado ka yidhi furitaanka Dowradan Culimo ay ka mid yihiin Sheekh Cawil Faarah, Sh C/laahi Maxamuud iyo Sheekh Maxamed Cali Deeq oo dhamaantood soo hadal qaadey muhiida Dowradani u leedahey Dacwada Magaalada iyo iney tahey Dumarka loo qabtey iney ka faa’iideystaan.

Culimadu sidoo kale waxey Dumarka ka faa’iideysanaya Dowradan kula dar-daarmeen Culimadooda iney ku xidhnaadaan oo Masaa’iisha kale duwan ee Diinta ka qaataan, iskana daayaan mala’waalka. Muhiimada macnaha Towxiidka iyo Sunada Nabiga CSW u leeyihiin Dacwada iyo in Culimada laga qaato ayey sidoo kale Culimadu ka hadleen.

Ugu danbeyntii mahad celin balaadhan ayey Culimadu u jeediyeen cid kasta oo qeyb ka ah hirgelinta Dowradan ooy sheegeen iney wax weyn ku soo kordhin doonta Dacwada Magaalada iyo Dumarku wixii hadda ka danbeeya looga fadhiyo kaalintooda Dacwada ku aadan, gaar ahaan gudbinta Duruusta.

Dowradani waxey qeyb ka tahey kuwo hore loogu qabtey Dumarka Dacwada ee Magaalada Hargeysa wax weyna ku soo kordhiyey wacyigooda aqooneed ee Diinta iyo u gudbinta bulshada ay ku dhex nool yihiin.

Halgan.net
Hargeysa

 

1 Comment so far

Leave a comment

  1. با رك الله فيكم
    Waa dawro muhim u ah dumarka Soomaaliyeed, maxaa yeeley dumarku qeyb weyn kuma laheyn arrimaha dacwada sidaa darteed waxey ilatahy in Soomaalida oo idil ay ku daydaan walaalhooda reer Hargeysa.

    Sidaan lawada soconaba ka qeyb qaadashada ay dumarka ka qeyb qaadanayaan Dacwada waxey fursad weyn siineysaa in Dacwada ay gaarto dad badan.

    Munaasabada bishan Ramdaan ee barkeysan waxaan ilaahey ka baryeeynaa in Soomaalidi guud ahaan gaar ahaan dumarka diintooda uu fahamsiiyo.

Leave a comment

*