Hay’adda culimada soomaaliyeed oo codsi u jeedisay Ergada ansixinta dastuurka

July 31, 2012 - Written by

Muqdisho:-Hay’adda culimada soomaaliyeed ayadoo gudanaysa xilka ka saaran ilaalinta diinta dalka iyo dadka ,una naseexaynaysa ummadda soomaaliyeed guud ahaan, si gaar ahna ergada ansixinta dastuurka,waxay soo saaraysaa :

WARBIXIN

1-Hay’adda culimada soomaaliyeed iyo in badan oo ka mid ah qaybaha bulashada oo ay u dambeeyeen oday dhaqameedka soomaaliyeed,  ayaa isku dayay in ay talo ku yeeshaan dastuurka, maadaama uu yahay arin khuseeya ummadda,laakiin laguma guulaysan.

2-qabyo qoraalka dastuurku wuxuu isku badalay agrement ama heshiis ka dhaxeeya dhowrka qof oo saxiixday,sidii midkii kampaala,,waana waxa diiday in loo furo ra’yiga qaybaha muhim ka ah ee bulshada.

3-waxaa la yaab ah in xitaa ergada ka kooban 825 aysan waxba ka badali Karin qabyo qoraalka,waxa laga rabaana ay tahay in ay gacanta u taagaan oo kaliya.

4-waxaa kaloo taas kasii daran in haddii xitaa ergado aysan ansixin,uu soconayo oo lagu dhaqmayo,sida ku cad faqrada 5aad qodobka 7aad ee barotokoolka golaha ansixinta dastuurka,oo lagu soo saxiixay Nayrobi 22/Juun/2012.

5-waxaa halkaas ku cad in dastuurkaan lala ordayo layskuna khasbayo ayadoo lagu sababaynayo si looga baxo ku-meel-gaarka,waxaase su’aal ah: dastuur ku meel gaar ah iyo barlamaan ku meel gaar ah ma kasoo bixi kartaa dowlad aan ku meel gaar ahayn.

Hay’addu waxay  u kuur galaysay daraasadna ku samaysay dhammaan nuquladii qabyo qoraalka dastuurka ee kala duwanaa dhammaantoodna waxay ka midaysan yihiin qodobada diinta iyo danta ummadda lidka ku ah ama hagar daamaynaya,haba ugu darnaadee midka nayroobi,ayadoo aan dheg jalaq loo siin talooyinkii iyo cabashadii ka soo yeeraysay shacabka soomaaliyeed gaar ahaan culumada iyo odayaasha,taas oo macnaheedu yahay in ay jiraan dad ilaashana qodobadaas lana mari la’yahay,kuwaas oo ciriir ku haya sadkii ay diinta islaamku ku lahayd soomaaliya,waxaan leenahay: ummadda soomaaliya way ogoshahay awood qaybsi dhexdeeda ah,laakiin ma ogola diin qaybsi.

TALOOYIN

Hay’addu hadda ka hor ayay ka soo saartay bayaano daldaloolada ku jira qabyo qoraalka,waxayna halkaan ku tilmaamaysaa qodobada ugu muhimsan:

1-in la saxo qodobada sida tooska ah uga hor imaanaya diinta: sida ;qabashada dumarka dhammaan jagooyinka,gudniinka gabdhaha oo aan fircowniga ahayn oo la ceebeeyay lana reebay,erayga caruur oo lagu qeexay wixii ka yar 18 sano,xoriyadda diinta oo aan xadkeedu caddayn.loona baahan yahay in lasoo cesho faqradii ahayd: Qofka Muslimka ahi kama bixi karo diintiisa.

2-in la saxo qodobada halista ku ah jiritaanka ummadeed ee soomaaliya,sida midka ka saaraya af carabiga in uu ka mid noqdo afafka rasmiga ah ee dalka soomaaliya, iyo qodobka muranka gelinaya dhulka jamhuuriyadda soomaaliya.

3-in erayga ah ( wixii aan shareecada ka horimaanayn) lagu dabro dhammaan qodobada keeni kara in la waayo midnimada diineem iyo dhaqameed ee dadkeena,sida qodobada habka furan uga hadlaya xuquuqda asaasiga ah iyo xorriyaadka ama marjica ka dhigaya xeerarka caalamiga ah.

4-si loo ilaaliyo anshaxa wanaagsan,waa in horumarinta iyo ilaalinta hiddaha,dhaqanka,fanka iyo suugaanta lagu ekeeyaa nooca suuban oo waafaqsan diinteena.

5- in shuruudaha xil qabashada dhammaantood la waafajiyaa diinta laguna daro weedhaan: waa in uu yahay qof muslim ah,gutana waajibaatka diiniga ah,lehna anshax wanaagsan,

6- si loo hirgaliyo go’aankii ku dhaqanka shareecada,loona hubiyo isla jaanqaadka qawaaniinta iyo shareecada waa in:

1- qaybaha garsoorka,gaar ahaan ,maxkamadda dastuurka, xubnahoodu noqdaan ku-xeel-dheere yaal qaanuunka iyo shareecada islaamka.
2-waa in  la sameeyo  Gole Qaran oo u xil saaran hirgelinta shareecada islaamka

7- waa in lagu daraa qodobada aan la badali karin,qodobka 2aad oo ka hadlaya dowladda iyo diinta.

BAAQ

Hay’adda culimada soomaaliyeed iyo wax garadka ummaddu in badan ayay isku dayeen in la saxo qabyo qoraalka si uu u ahaado mid ka tarjumaya himilooyinka ummadnimo ee shacabkeena , horayna loogu socdo oo marxaladdaan adag laga baxo,laakiin dhagaha ayaa laga furaystay.

Sidaas darteed,hay’adda culimadu waxay ugu baaqaysaa:

kowergada ansixinta dastuurka:

1-in ay ilaahay kaga baqaan xilka saaran, ummaddana uga run sheegaan waxa  loo idmaday,iskana ilaaliyaan shahaadatu suurka.

2-in ay hubiyaan kaalinta ay ku leeyihiin ansixinta si ay u ilaashadaan sumcaddooda waa in aad wax bedali kartaan ama aad bannaankiina martaan,oo aad diintiina iyo aakhiradiina ilaashataan.

3-in aysan ansixin dastuurkaan ilaa laga saxayo, gaar ahaan dhanka diinta,lana hubinayo.

Labo-saxiixayaasha:

1-in ay ilaahay ka baqaan oo aysan ummaddooda ka xayoobin xaqa ay u leedahay aayo ka talinteeda.

2-in aysan isi saarin culays aysan qaadi Karin xaqna u lahayn,waxaana ku haboon in ay wax garadka ummada siiyaan fursad dhab ah oo ay kula wadaagaan xilka iyo masuuliyadaha ka dhalanaya arimaha dastuurka.

Saddex:beesha caalamka:

1-waxaan xasuusinaynaa in shacabka soomaaliyeed xaq u leeyahay-sida shucuubtooda oo kale-in uu ka taliyo mustaqbalkiisa.

2-in nabadda iyo deganaanshaha aan lagu gaarayn afduub iyo amar ku taaglayn.

 

وبالله التوفيق

والسلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Guddiga Fulinta Hay’adda culimada Soomaaliyeed

Muqdisho-Soomaaliya

2 Comments so far

Leave a comment

  1. Yaab! Umada 40 dacwo iyo tawxiid la barayay baa hada diin la,aan losoo wadaa, War culumada maqla.

  2. Asalaamu Caleykum waraxmatullaahi wabarakaatu. dhamaan walaalaha waxaan idinka cosanayaa in aad taageertaan baaqa culumada iyo cabashda ummada Soomaaliyeed. waa xil saaran qofkasta oo Soomaali ah in uu ka dhiidhiyo ama ka danqado dhibka iyo dhibaatada ku soo wajahan dadka iyo dalkeenaba midnimo iyo iskuduubni ayaan wax ku qabankarnaa

Leave a reply to Fadumo

Click here to cancel reply.

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
« Jun   Aug »
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online