Howlgalo dad lagu qabtay oo ka socda magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka Mudug

July 24, 2012 - Written by

Gaalkacyo:-Magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobolka Mudug ayaa waxaa soo gaaray ciidamo badan oo ka yimid magaalada Garoowe kuwaas oo ka tirsan ciidanka daraawiishta ee Puntland waxaana ay howlgalo saaka ka bilaabeen dhamaan xaafadaha magaalada Gaalkacyo ee xarunta gobalka waxaana howlgalada lagu soo qabtay kooxo looga shakisan yahay Burcad Badeed iyo kuwa lid ku ah amaanka Gaalkacyo.

Ciidamada ka yimid magaalada Garoowe ayaa baro kontorool ka sameysatay gudaha magaalada Gaalkacyo waxayna baarayaan gawaarida iyaga oo bacaha Madow ka fujinaya gawaarida sida gaarka ah loo leeyahay .

Gudoomiayaha gobalka Mudug Maxamed Yusuf Jamac Tigey iyo Duqa Degmada Gaalkacyo Siciid Cabdi Faarax ayaa sheegay in ay dowlada Puntland ka codsadeen in ciidamo dheeraad ah loo soo diro magaalada Gaalkacyo oo ay ku soo bateen kooxaha burcad badeedka iyo kooxo lid ku ahaa amaanka magaalada Gaalkacyo.

Howlgalada ay wadaan ciidamada daraawiishta iyo kuwa Booliska ee gobalka Mudug ayaa la sheegay in ay sii socon doonaan ilaa inta laga xaqiijinayo amaanka magaalada Gaalkacyo.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online