Ka dhowrso hilibka Culumada adiga oo jaahil ah waxna kala aqoon W/Q Maxamed yare (Abu Ibrahim)

July 11, 2012 - Written by

بسم الله الرحمن الرحيم

إن الحمد لله نحمده ونستعينه ونستغفره، ونعوذ بالله من شرور أنفسنا ومن سيئات أعمالنا، من يهده الله فلا مضل له، ومن يضلل فلا هادي له، وأشهد أن لا إله إلا الله وحده لا شريك له وأشهد أن محمداً عبده ورسوله.

السلام عليكم ورحمة الله وبركاته

Walaalayaal Waxa mahadi oo dhan usugnaatay allaah Weyne Jalla Wajaalaaluh Amaan, Nabadgelyo iyo naxariis Nabigeena suuban SWC Dushiisa Ha ahaato Maqaalkeeyga Culimada soomaaliyeed uguma hadli doono Masaaish ay isku hayaan balse waxaan doonayaa haddii alle ii ogolaado in aan Dhallinyarada Xamaasadeeysan ee aan hadalkooda u fiirsan kula hadlo inta ay gaarto Warkaan Bi’idnillaahi kariim.

Walaalayaal Su’aal Jawaab u baahan  Khaasna ku ah Dhallinyarada .

Culimadu Cilmi Iyo Ijtihaad ayaa Dhexmaro oo Mahan mid maanta bilaabaneeyso waana soo jireen waana jiri doontaa Inshaa allaah Haddii uu gaffaana ajar ayuu leeyahay Haddii uu  (Asiibo) Saxana 2bo Ajar ayuu leeyahay.

Dhallinyaro Masheegi kartaan Cilmiga aad Culimadu ku cayneeysaan oo aad ku aflagaadeyneeysaa meesha uu kaga jiro kitaabka allaah iyo sunnadda nabiga (SCW)

Ama Dadkii Wanaagsanaa meel aay ku cuni jireen Culimada Hilibkooda?

Waxaan arkaa Walaalaha Xamaasadda hayso in aan maanta Aysan ka fikirin waxa ka danbeeyo oo cawaaqib xummo ah. Ee waxeey ka hadleen oo kali ah Marxaladda aymaanta ku suganyihiin ee ah caafimadka iyo waad hadli kartaa ee hadal.

Walaalayaal Xammaasaddu haddii aan Diinta iyo sunnada lagu dabaqin waxeey qofka ka tuurtaa haadaan aan laga soo laaban waxaana dhab ah qofkii aan xisaabtamin in uu wadaa sheydhaan ah leeyahay una fududeeynaayo jid kaste oo uu kaaga dhumin karo waddada saxda ah waxaana taas Daliil u ah Kalaamka alle subxaanahu watacaalaa

إنما يأمركم بالسوء والفحشاء وأن تقولوا على الله ما لا تعلمون

يا أيها الذين آمنوا لا تتبعوا خطوات الشيطان ومن يتبع خطوات الشيطان فإنه يأمر بالفحشاء والمنكر ولولا فضل الله عليكم ورحمته ما زكى منكم من أحد أبدا ولكن الله يزكي من يشاء والله سميع عليم

Walaalayaal Sheydhaanku Waddooyinka ayuu qofka ugalaa sida uu waraabaha u ugaarsado Xoolaha ayuu noo ugaarsanayaa Sidaa darteed Walaalkeeyga ama walaasheeyda muslimka (aheey)ahoow haku (kadsoomin) Lumin waddo Khalad ah ee rabbigaaga ka cabso Culimaada Magacyo liita iyo Meel aan munaasibkooda aheyn hala aadin ee ka dhowrsoo Hilibka Culimadda.

Haddii aad ubareereeysid Hilibsumeeysan ogsonoow alle waa Hodan oo Qof jidka toosan diiday una bareeray bacdamaa loo caddeeyey waddada saxda ah Xumaan iyo Waddo qaloocan  Alle mulkigiisa kuma naaqusaayo Culimadana Darajadoodu iyo dadka ay waxbaraan waxba uma dhimeysiin addinku unbaa dhibku idinku harayaa. وَالْعَاقِبَةُ لِلْمُتَّقِينَ

Waxaad ogaan doontaa cirib danbida alle inoo sheegay marka lagaaro oo Buugaaga xisaabtaa rabbi agtiisa laga Furo.  وَاللّهُ سَرِيعُ الْحِسَابِQofka hadalkiisa oo dhan Sammaan iyo Xumaanba waa loo xisaabin oo Waxaa jiraa allaah qoraa yaal uu noo xilsaartay waliba asiga oo aan ka qarsooneeyn waxa aan ku hadleeyno bal iskaba daaye Xitaa og waxa aan qalbiga ku hayno oo aan wali carab soo marin ama aanba soo mari doonin ee quluubteena ku jiro.
مَا يَلْفِظُ مِنْ قَوْلٍ إِلَّا لَدَيْهِ رَقِيبٌ عَتِيدٌ Sidaa darteed Afkeenu aan ka ilaalsano waxa an cilmi ulaheyn iyo kala xigsashada culimada bal aan cilmiga barano si aan kula saarno saxda iyo khaladka oo aan u fahano dariiqa iyo mas’alada saxan.
Waxaan xasuustaa sanadkii 2006-2007 Raggii culimda Masjidka wax ka sheegi jiray inaay maant dhegaha uduranyihiin. Alle ayaanu ka magangalnay oo waliba maallinta iigu naxdinta badneyd alle indhaheeyga saaray mid kamid ah oo surwaalka ka dhacaayo gabadh gaale ahna dhexda haysto taasi cidi iigama sheekeeyneeyso indhaheeyga ayuu rabbi saaray waliba yarkaa waxuu ahaa ragga dacwada banaanka aad u istaagi jiray masjidkana taraawiixda mararka qaar dujinjiray.
Walaalayaal kalmadeeyda waxan kusoo gunaanadayaa Xaddiiskii suubanaheena (SCW)
Khayr ku hadal ama iska aamuus.

عن أبي هريرة رضي الله عنه : أن رسول الله صلى الله عليه وسلم قال

 ( من كان يؤمن بالله واليوم الآخر ، فليقل خيرا أو ليصمت

وآخر دعوانا أن الحمد لله والصلاة والسلام على رسول الله وعلى آله وصحبه ومن والاه .
اخ ابو ابراهيم

Maxamed25@gmail.com

2 Comments so far

Leave a comment

  1. ascw.waxxan salamaya dhamaan walaladayda muslimiinta. salaan gaar ahna waxaa leh walaalada webka khayrka noogu soogudbiya.mansha allah ayaan leeyahay walaalka waanadaan quruxda badan noo soo jediyayow wallahay aad ayaa loogu baahnaa qof dadka saan ubaraarujiya maxaa yeelay baryahaan dambe waxaa aad u arkaayay dhalinyarada commentiga webka ka bixiya inbadan in ay aad ogu dhaxmashquuleen culumada ama aad arkaysid ayaga ookala xigsi ahaan u dhaqmaayo. waxan dhihi lahaa culumada haday mas,alooyin isku qilafeen ayagaa isa sixi doona ee idinga hakudambabina ee ka dhaxbaxa ayagana allaha is fahansiiyo aamin.

  2. asc wr wb walaalka maqaalka soo qorow aad ayaa umahadsantahay waanada aad nawaanisay ajar aan la soo koobi karin alle hakaa siiyo sida asluubaysan oo aad uwaanisay dhalainta lkn waanadu waxay anfici doontaaa oo kaliya cidii illaahay iyo maalinta dambe ee xisaabta ka baqaysa xishoodna uu ku dambeeyo waxaa kaloo iyaga umahad celinayaa wallalaha webka hagan waxaana ka codsanaynaa inay ku sii biiriyaan webka qeybo dacwada dhalinta loo gudbiyo maadaama aan nahay qurbo joog
    illahay webkiina iyo adinkaba sharta iyo masiibada wareysa dhinac ha idinka mariya webkiinana allaha ka yeelo horseedaha kheyrka iyo isku soo dhaweenta culumada somaaliyeed iyo shacabkooda wcs wr wb

Leave a comment

*