Khudbadii Jimacaha ee maanta Sheekh Maxamed Cabdi Umal.(Dhageyso)

July 6, 2012 - Written by

Nairobi:-Sheekh. Maxamed Cabdi Umal, oo maanta khubadiisa Jimcaha kaga hadlayey qaacidada “Maslaxada iyo Mafsada” ee ay Shareecadu ku taagan tahay, ayaa shaaca ka qaaday wax walba oo dhibkiisu uu ka badan yahay dhiiftiisa, in ayan ku banaaneyn Shareecada Islaamka. Sheekh Maxamed Cabdi Umal ayaa sheegay in quraanka iyo Sunada ay u marag-kacayaan qaacida weyn ee ” Al-Masaalix, Wal-Mafaasid”, isagoona addilo ka keenay qowlka Illaahay iyo kan Rasuulka (SCW).

 

1- Waxaa Ilaahay reebay in la caayo Sanamyada ay caabudaan gaalada, si ayan iyaguna Illaahay u caayin.

2- Munaafiqiintu, waxay dhibi jireen Rasuulka SCW. waxay isku dayeen inay dilaan. waxay isku dayeen inay Muslimiinta dab ka dhex shidaan. iyadoo ay intaasi jirtana Nabi Muxamad NNKH, wuxuu diiday in la laayo, isagoo ilaalinayey maslaxadda weyn ee ah subcadda Islaamka.

3- Nabiga iyo Saxaabadiisa, waxaa loo diiday inay Makka galaan, waxaana la faray inay heshiis la galaan Gaaladii Qoreysh ee Makka haysatay, sababta sidaas loo amray waxay aheyd in la ilaaliyo dad Muslimiin ahaa oo Gaalada ku hoos noolaa, kuwaasoo laga baqayey in aqoon la’aan ay Saxaabada u waxyeeleeyaan.

Intaas ka dib, Sh. Umal, ayaa sheegay in falal badan oo hadda dhacaya, ayan wax maslaxad ah ugu jirin dadka Muslimiinta ah, dhibna ay u soo kordhiyeen, wuxuuna Sheekhu carrabka ku adkeeyey in Jihaadka loo jideeyey inuu xaqiijiyo in lagu dhowro, diinta, dalka iyo sharafka Muslimiinta, haddii intaas laga waayana uu noqonayo Jihaad aan Sharciga Islaamka boos ku laheyn.

Sheekh Umal, ayaa ka digay qaraxyada loo geysanayo Hotelada iyo Kiniisadaha dalalka ay Gaalada uga awood badan yihiin Muslimiinta, isagoona ku adkeystay in taas beddelkeeda ay dhici karto in Gaaladu ay Masaajidda Muslimiinta soo weeraraan.

Sheekha, oo hadaladiisu u dhacayeen qaraxyada ka dhacaya gudaha Kenya, ayaa sheegay in loo soo tusaale qaadan karo dhibaatadii soo gaartay qoxootiyada ku nool xeryaha Ifo iyo Xagardheer, ka dib markii qaraxyo ay halkaas ka dhaceen, wuxuuna carrabka ku dhajiyey in dhalinyarada falalkaasi geysaneysa ayan aheyn kuwo diin wax ka garanaya, isla markaasna aan laheyn caqli ku filan, wuxuuna intaas ku daray in kuwaas uu ka sii caqli liito qofka diin ahaan ugu fatwoonaya, Sheekhna isaga dhigaya, waa sida Sh. Umal hadalka u dhigaye.

Sh. Maxamed Umal, ayaa sheegay in fikradda ka dambeysa falalka noocaas ah ay ka mid tahay, in dadka Muslimiinta ah la sal kiciyo si ay kooxaha dagaalama ugu soo biiraan, isagoona taas ku sheegay mid aan dhaceynin oo dhibka uun ugu siyaadayo Muslimiinta.

Kaniisadaha ayaa Sheekhu sheegay in xitaa waqtigii Islaamku furanayey dhulalka gaalada, in aan la waxyeeleyn jirin, wuxuuna ku nuuxnuuxsaday in Gaalo ayan wax yeeleyn dhowr qof oo Kiniisad lagu qarxiyey.

Ugu dambeyntii: Sh. Umal, ayaa sheegay in ayan raali ka aheyn, kana noqon doonin in lagu duulo dhulka Muslimiinta, wuxuuna intaas ku daray in taasna ay ka soo horjeedaan, wixii marmarsiiyo looga dhiganayo in dhulka Muslimka lagu duulana ay ka soo horjeedaan, isagoona farta ku fiiqay waxaas oo dhan in dadka u dhibaatoonaya ay Muslimiinta yihiin.

Hadalka Sheekha, ayaa imaanaya xili dhawaan qaraxyo loo geystay Kiniisado ku yaala magaalada Gaarisa, iyadoona dad kor u dhaafaya 17 qof ay ku dhinteen, in ka badan 50 qofna ay ku dhaawac meen, waxaana xusid mudan in afhayeenada xarakada Al-Shabaab ayan sheeganin Mas’uuliyadda qaraxyadaas, balse Sh. Xasan Takar oo ka mid ah culimada gacan saarka la leh uu sheegay in qaraxii ka dhacay Gaarisa ay fuliyeen Mujaahiidiin gacamahoodan lagu cadaabay Gaalada Sheekh Xassan ayaa hadalkaas uga jawaabayey hadal ka soo baxay Madaxda DFKM oo dhaleeceeyey qaraxii ka dhacay Gaarisa

Hoos ka Dhagayso Khudbadii Sh Maxamed Cabdi Umal Ee maanta uu ka jeediyey Masjidka Abubakar Sadiiq.
[audio:https://halgan.net/Mp3/khudbadii_Umal.mp3] Ama Halkan ka soo rogo Mp3

 

Somali real.com
Halgan.net

7 Comments so far

Leave a comment

  1. masha allah allaw waxaan waydiisaneya hanuun iyo danbi dhaaf insha allah cumida allah hanoo dhowro insha allah

  2. Asc,
    Masha allah Sheikha waa Caalim Yaqaana ummadda danteeda mana aha kuwa sufahada ah ee raba inay qalalaaso ka taagaan Muslimta Kenya iyo Christians marka waxaan leeyahay allow noo badi dad badan oo isaga oo kale ah.

    Wabilaahi Towfiiq

  3. ilaahay shiikha HANOO XAFIDO SHIIKHEENA MAXAMED CABDI UMAL MAASHAA ALAAH WARKA WAA NOO KALA CADEEYAY DIINTA ILAAHAY BARAYNA WAA NOO FAAIIDAYAY 10 UMAL OO KALE AH BAAN U BAAHANAHAY OO XAQA DADKA U CADEEYA OO AAN XILIGA ARINTA ADKAATO AAN BIQIN AMA AAN DHINAC RAACIN EE DIINTA ILAAHAY RUNTA KA SHEEGA ILAAHAY HAKU XAFIDO SHIIKH MAXAMED CABDI UMAL.

  4. ascw walalayaal marka hore ilahey ayaa mahadle ilaahow culimada mideey iskusafna kadhig ilaahow galada duleey

  5. asc masha alah ilahay ha xifdiyo shiikheena walahy run buu sheegay waxaa loo gashanayaa waa muslimiinta ilahaw nagu anfac kuwa waxa gaysanayana xaqa tus

  6. Sheikheyaga allaha xifdiyo miizaanka xasanaadkana ha usaaro hadii ilaahay dartiisa uyiri waayo beriyahan waxa socda hebel iska difaac bay noqotay qaarbaa wadada sawiga ah al shabab naceyb udafireye wallahu aclam wabillhi atowfiiq

  7. Asc kadib Masha allah aloow no xifdi Sheikheena kadib walalaha Halgan khayrka halka ka wada ilahey madayaco ajarka muxsiniinta Ee allaha naga dhigo dadka hadalka kiisa toosan raaca allahu mustacaan

Leave a comment

*