Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya oo kulan uga socdo Roma

July 3, 2012 - Written by

Roma:-Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya ayaa maanta labaad waxaa uu shir uga socdaa xarunta wasaaradda arrimaha dibadda ee Talyaaniga ee magaalada Rome waxaana kulankaas ka qeyb galaya xubno ka tirsan DFKM ,Galmudug. Ahlusuna iyo Puntland

Kulankan ayaa socon doona dhowr waxaana shirka furay wasiirka arrimaha dibadda Talyaaniga Giulio Terzi, wuxuuna ugu baaqay in ay soo ka hadlaan sidii loo dedejin lahaa dhammeystirka xilliga kala guurka ah ee Soomaaliya, iyo sidii loo meel mariyo lahaa wixii ka soo baxay shirarkii Istanbul iyo London.

Kooxda Xiriirka Caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya ayaa sheegay in Shirka  looga hadli doonaa arrimaha amniga iyo caddaalladda  iyo sidii loo taageeri lahaa ciidamada DFKM iyo kuwa AMISOM .

no images were found

Kooxda xiriirka caalamiga ah ee arrimaha Soomaaliya ayaa ka kooban dowlado aan wax dan ah ka lahayn arimaha Soomaaliya oo kuligood faragalin ku haya arimaha Soomaaliya.

A/Cawale
Halgan.net

1 Comment so far

Leave a comment

  1. asc,
    walaalka warkan soo gudbiyay, kala reeb “dowlado aan wax dan ah ka lahayn arimaha Soomaaliya” iyo ” kuligood faragalin ku haya arimaha Soomaaliya”. Maxay faragelinta ba’an ee dhan walba taabaneysa ugu hayaan hadaaney dan laheyn? Is yeel-yeelka inta layska dhaafo dhabta ha laga hadlo amma farta inta la taagto ha la yidhaahdo ma fahmeyno waxa socdee halanoo sheego waa hadii aqoon yari jirto…

Leave a comment

*