Madaxweynaha DFKM oo ka qeyb galaya Shir madaxeedka Midowga Afrika

July 15, 2012 - Written by

Addis Ababa :-Madaxweynaha DFKM Shariif Sheekh Ahmed iyo wafdi uu horkacyo ayaa gaaray  magaalada Addis Ababa ee xarunta  dalka Itoobiya waxaana uu ka qeyb galayaa Shir madaxeedka Midowga Afrika oo 6 bilood mar lagu qabto dalka Itoobiya, waxaana shirkan lagu lafo guri doonaa xaalada wadamada Mali ,Soomaaliya iyo Sudan.

Shirkan ka furmay maanta  magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya ayaa waxaa ka horeeyey kulan ay yeesheen Golaha Ammaanka iyo Nabadgelyada Midowga Afrika  waxaana kulankaas ka sooo baxay in ciidamo gaaraya 3000 loo diro wadanka Mali  .

Shirka madaxeedka Midowga Afrika ayaa waxaa kale oo lagu dooran doonaa Gudoomiyaha Midowga Afrika waxaana sanadkan ku tartamaya gudoomiyaha haatan xilka haya  Jean Ping iyo xaaska Madaxweynihii hore ee Koofur Afrika Jacob Zuma Dlamini-Zuma .

Madaxweynayaasha soo gaaray ilaa haatan magaalada Addis Ababa ee xarunta  dalka Itoobiya  waxaa ka mid ah Madaxweynaha DFKM Shariif Sh Ahmed ,Madaxweynaha dalka Masar Dr. Mohammed Morsi ,Madaxweynaha Rwanda  Paul Kagame,Madaxweynayaasha labada Sudan ,Madaxweynaha Seychelles James Alix Michel ,iyo Madaxweynaha Central Africa RepublicFrançois Bozizé ,Madaxweynaha dalka Jabuuti Ismail Cumar Geele.

A/Cawale
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online