Madaxweynaha Puntland iyo Augustine Mahiga oo ku kulmay magaalada Garoowe

July 13, 2012 - Written by

Garoowe:-Madaxweynaha Puntland  Cabdiraxman Maxamed  Faroole ayaa maanta waxaa uu xafiiskiisa ku qaabilay ergayga u qaabilsan Qaramada Midoobey arimaha Soomaaliya Augustine Mahiga iyo wafdi ka tiran QM oo galabta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta Puntland .

Kulanka dhexmaray Madaxweynaha Puntland iyo ergayga u qaabilsan Qaramada Midoobey arimaha Somalia Augustine Mahiga ayaa waxaa uu ahaa mid albaabada u xiran yahay waxaana kulanka goobjoog ka ahaa Wasiiro,Xildhibaano ,Isimo iyo qaar ka mid ah Bulshada rayidka waxaana kulanka looga dooday dib u dhaca ku yimid ansaxinta Dastuurka ay ku heshiiyeen saxiixayaasha Road-Mapka .

Markii uu kulanka soo dhamaaday ayaa waxaa saxaafada la hadlay madaxweynaha Puntland Cabdiraxman Maxamed Faroole wuxuuna sheegey in ujeedka socdaalka Ambassador Mahiga uu ahaa mid lagu gorfeynayey dib u dhaca ku yimid dhameystirka RoadMapka ;Madaxweyne Faroole ayaa sheegay in ay Mahiga ay meel isla dhigeen sidii looga bixi lahaa ku meelgaarka.

Ergayga u qaabilsan QM Augustine Mahiga ayaa isna saxaafada la hadlay ayaa sheegay in kulankii uu la qaatay madaxada Puntland iyo odayaasha Dhaqanka ee Puntland uu guul ku dhamaaday  Mr.Mahiga ayaa sheegay in ay 20 bisha 8aad laga bixi doono ku meelgaarka .

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online