Madaxweynaha Puntlland oo tababar u soo xiray Ciidamo ka tirsan Daraawiishta

July 12, 2012 - Written by

Madaxweynaha Puntland Dr.C/raxman  Faroole ayaa maanta  waxaa uu tababar u soo xiray cutubyo ka tirsan ciidanka Daraawiishta Puntlland oo in ka badan ilaa 4 bilood uu tababar uga socday  xerada 54aad ee k u taal duleedka magaalada Garoowe. Xafladaan soo xiritaanka Tababarkaan ciidanka daraawiishta ayaa waxaa kale oo ka soo qayb galay Madaxweyne ku xigeenka Puntlland Gen.Cabdisamad Cali Shire, Wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdullaahi Axmed Jaamac Ilka-jiir, Wasiirka amniga Puntlland Gen Khaliif Ciise Mudan,Taliyaha ciidanka Daraawiishta Gen.Siciid Maxamed Xirsi  Siciid Dheere iyo Saraakiil kale oo ka tirsan laamaha kale duwan ee ciidanka Puntlland.

Ciidanka Daraawiishta Puntlland ee tababarku ugu soo xirmay duleedka magaalada Garoowe ayaa waxaa ay sameeyeen  dhoolatus ku saabsan qaabka ay ciidamadu u howl galaan ,gaado ka ciyaar ciidan iyo dabrid kale duwan, macalimiinta tababarka siiyey ciidankaan ayaa iyagu ku sugnaa goobta .

Madaxweynaha dowllada Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Maxamed Maxamuud Faroole ayaa markii ay soo gabagabowday dhoolatuskii ay samaynayeen ciidanka ayaa waxaa  uu khubada u jeediyey ciidanka isagoo  kula dardaarmay in ay ciidanku sugaan amaanka Puntlland isagoo ku nuuxnuuxsaday in Puntlland ay leedahay cadow fara badan loogana fadhiyo ciidanku in ay u diyaar garoobaan difaac degaanada Puntlland iyo midnimada dallka Soomaaliya.

Madaxweynaha Puntlland Dr.Cabdiraxmaan Faroole ayaa sidoo kale sheegay in ciidanka looga baahan yahay in ay noqdaan kuwo walaalo ah ayna ka fogaadaan qabyaalada ayna ilaaliyaan sharafta darayska tuutaha ah ee ay xiran yihiin. Ugu danbayntii ayaa Madaxweynaha Puntlland waxaa uu shahaadooyin iyo agab kale uu gudoonsiiyey qaar ka mid ah ciidanka daraawiishta ee tababarku u soo dhamaaday maanta.

M_M_Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online