Mutamarkii Islaamiga ee 12aad oo 31 August ka bilaaban doona Minneapolis convention center

July 31, 2012 - Written by

Mahad oo dhan waxaa iska leh ALLAAH, naxariis iyo nabad gelyana nabigeenii suubana dushiisa ha ahaato ehelkiisa, asxaabtisa iyo dhammaan intii wadadiisa raacdayba.Waxaan bulshada muslimka ah ee ku dhaqan gobalka Minnesota iyo waliba USA,  ugu bishaaray naynaa inuu kulan diimeedkii 12aad ee uu qaban jiray Masjidka abuubakar As-sadique Islamic senter iyo Majliska imaamyada soomaaliyeed ee waqooyi  ameerika  uu dhici doono maalmaha kala ah August 31, September 1,2 ee sannadkan 2012. Waxuuna ka dhacayaa goobtii uu horay uga dhicijiray ee ahayd Minneapolis convention center .

Waxaa sannadkan mu’tamarka hadhayn doona siminaaro horsoda oo maalmaha ka horeeya dhici doona iyo waliba kuwo ka danbaya, iyagoo u dhici doona hab classya ah. Siminaaradan , ayaa dabooli doona baahida bulshada ee kala duwan. Waxayna siminaaradani qaadaa dhigi doonaan qodobadan hoos ku qoran.

  • Fiqiga ganacsiga.
  • Daawaynta khilaafaadka qowska.
  • Xawo Iyo Adam,  oo lagu qaadaa dhigi doona habka guri loo dhiso laguna dhaqo.
  • Manhajka dacwada salafiga ah.
  • Iyo kuwo kale

Dowraadkani waxay noqon doonaan kuwo ay xadidan yihiin tirad ardayda ka qayb galaysa ee inta aysan ka buuxsamin la soo xidhiidh masjidka waaxda qaabilsan mu’tamarka.

 Nagala soo xidhiidh telka masjika 612-423-9395 ext-3

By. M. Hambaase

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online