Muxaadaradkii laga jeediyey Nadwada ka socta magaalada Qardho (Dhageyso)

July 1, 2012 - Written by

Qardho:-Waxaa si habsami leh uga socda Masjidka Cumar binu khadaab ee magaalada Qardho Nadwo cilmiyeed kii 9aad oo Ciwaankeedu yahay ومن احسن قولاممن دعاالى اللهوعمل صالحاوقال إنني من المسلمين Nadwadan ayaa waxaa lagu qabtaa Masjidka Cumar Ibnu Khadaab Xagaa walba xiligaas oo ay magaaladu soo buux dhaafiyaan Bulsho badan oo ka soo xagaa baxdey magaalada Boosaaso oo u soo xagaa baxa Magaalada Qardho oo ah meel ka cimilo duwan magaalada Boosaaso xiliga xagaaga.

Nadwadan ayaa waxaa soo abaabuley Mu’asasada Minhaaj oo kaashaneysa Maamulka Dacwada Qardho waxaana uu yahay ujeedka iyo Muhiimada Nadwada in lagu baraarujiyo umada muslimka ah laguna xasuusiyo Acmaasha kheerka ah loogana digo Fitanta iyo Sharta.

 

Hoos ka Dhagayso furitaankii Nadwad xalay ka bilaabatay Masjidka Cumar Ibnu Khadhaab
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/7uet5fmzs8/furitaanka.mp3] Halkaan ka rogo Mp3

Hoos ka Dhagayso Kalmadii furitaanka uu ka jeediyey Sh Maxamed Macalin

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/8j0u5pqv37/kalimadiisheekhmaxamedmacalin.mp3] Halkaan ka rogo Mp3

Dhinac kale Sheekh Maxaemd Macalin ayaa asna hadalo kooban ka yiri Muxaadaraadka ka bixi doona Nadwada oo uu midmid u dul istaagey Qiimaha ay leedahay muxaadaro walba bulshadana ay ka faa’iideystaan oo aaney ku mashquulin wax aan faa’iido laheyn intaas ka dib waxaa ayaa waxaa Microroofanka la wareegey xiriiriyaha Nadwada Sh Cali Maxamed Cali {Cali Hurre) wuxuuna kusoo dhaweeyey Baahiyaha Codka Sh Xasan Maxamed Muuse (Sh Xasan Bookh) oo guda galey Muxaadaradii koowaad oo ciwaankeedu ahaa العلم الشرعي سبيل النجاةودواءكل داء وحل كل مشكلةmarkuu dhameeyey Sh xasan Muxaadarada ayaa waxaa tacliiq gudarey sh Maxamed Abuu Sheyba.

Hoos ka Dhagayso Muxaadardii koowaad ee Nadwada oo ay si wada jir ah u jeediyeen Sh Xassan Bookh iyo Sh Maxamuud Abuu Sheyba

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/2a4hvt1d1o/muxaadaradii1aad.mp3] Halkaan ka rogo Mp3

Habeenkii labaad ayaa waxaa muxaadarada galay  Sheekh C/naasir Xaaji Axmed wuxuuna ka Hadley Mowduuc ciwaankiisu ahaa القواعد الجامة لللفتاوى الشرعية )- Qawaacid guud oo ku saabsan Fatawada Diiniga ah )

Hoos ka Dhageyso Muxaadarada Sheekh C/naasir
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/s9rp2091y8/shcabdinasir.mp3]  Halkaan ka Rogo Mp3

Habeenkii 3aad waxaa muxaadarada galay Sheekh Ahmed Daahir Xasan Xusen wuxuuna ka Hadley Mowduuc ciwaankiisu ahaa  Maqaasidda Shareecada ), waxaanu Sheekhu ugu horeyn ku bilaabay tacriif ama qeexid uu ku sameeyay ciwaanka guud ee Darsiga wuxuuna sheegay in sidaa oo kale lagu tilmaami karayo Darsiga Daruuriyaadka Shanta ah kuwaas oo kala ah – Diinta oo la xafado- Nafta oo la xafido- Caqliga oo la xafido – Nasabka oo la ilaaliyo –Maalka oo la xafido.

Hoos ka Dhageyso Muxaadarada Sheekh Ahmed Daahir Xasan Xusen (Maqaasid Al-Shareeca)
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/2a4hvt1d1o/muxaadaradii1aad.mp3] Ama Halkan Ka soo rogo Mp3

Habeekii 4aad ayaa waxaa muxaadarada galay Fadiilat Sheekh C/qaadir Nuur Faarax waxaana uu Sheekhu ka hadlay Mowduuc ciwankiisu ahaa ( موقف أهل الستة والجماعة في الفرق المنحرفة- Mowqifka Ahlu Suna Wal Jamacaa eek u aadan Kooxaha Lunsan), wuxuuna si kooban u dulmaray kooxa lunsan ee khilaafay manhajka Ahlu suna waljamaaca

Hoos ka Dhageyso Muxaadarada Sheekh C/qaadir Nuur Faarax uu uga hadlay kooxaha lunsan
[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/dfs40k3bey/ahlusuna_waljameeca_firaqda_munxarifka_maxey_ka_qabtaa.mp3] Ama Halkan ka rogo Mp3

 

Hoos ka Dhagayso Midowga Umada Islaamka Sh Maxamuud Abusheyba

[audio:http://k005.kiwi6.com/hotlink/ip4q630e8l/muxaadarada_sh_abuu_sheya.mp3] Halkaan ka rogo Mp3

N:B Waxaa jiray sidoo kale Fataawooyin iyo su,aalo la weydiiyey culumada ka qeyb galaysa Nadawada 9aad ee ka socta magaalada Qardho waan idiin soo gudbin doonaa inshalaah.Waxaa kale oo aan idinka raali galineynaa soo daahida muxaadaraadka culumada cilad xaga netka awgeed.

Halgan.net
Idirs Ahmed Jamac
Qardho

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online