Ra’iisul Wasaaraha DFKM Prof Gaas oo lagu soo dhoweeyey Muqdisho.[War-saxaafadeed]

July 9, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra’iisul Wasaaraha DFKM Dr. Cabdiweli Maxamed Cali ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay ka dib shir uu uga qeyb galay dalka Talyaaniga kaa  oo ay soo qaban qaabisay International Contact Group (ICG) oo lagaga hadlayay Arrimaha dalka Soomaaliya gaar ahaan Arrimaha Roadmap-ka iyo sidii looga bixi lahaa KMG. Ra’iisul Wasaaraha iyo wafdigii la socday ayaa si heer sare ah loogu soo dhoweeyey maanta garoonka diyaaradaha Caalamiga ah ee Aadan Cadde, halkaas oo ay ku soo dhoweeyeen Ku-Simaha Ra’iisul Wasaaraha, Wasiiro, xildhibaano, Ururada Haweenka, Saraakiil iyo Shacab kale oo aad u farabadan.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa marka uu soo degay ka dib saxaafadda kula hadlay gudaha garoonka diyaaradda ee Aadan Cadde International Airport, Isagoona Sharaxaad kooban ka bixiyay Shirkii uu dalka Talyaaniga kaga soo qeybgalay. “Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan dalka dib ugu soo laabto, waxaan ka imid Magaalada Nairobi, ka hor waxaan shir uga soo qeybgalay dalka Talyaaniga oo ay soo qaban qaabisay ICG oo lagaga hadlayay Arrimaha Soomaaliya isla markaana muhiimad gaar ah lahaa shirka waxaa lagaga hadlay Roadmap-ka iyo sidii looga gudbi lahaa KMG”.

no images were found

Ugu dambeyntii Ra’iisul Wasaare Cabdiweli Maxamed Cali ayaa sheegay in Shirkii Talyaaniga ee ICG looga hadlay sidii loo taageeri lahaa dowladda Soomaaliya islamarkaana intaa ku daray in goobaha laga xureeyo Al-Shabaab la gaarsiin doono Gargaarka Bini’aadanimo, Wuxuuna intaasi ku daray in shirka uu ku soo dhamaaday si guul ah.

—DHAMAAD—

Diraac Salaad Fagaase.
Communication Director, office of the PM
Mobile: +252-616 084650
Mogadishu, Somalia

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online