Raisulwasaaraha dalka itoobiya Meles Zenawi oo xaaladiisa Caafimaad laga deyrinayo

July 16, 2012 - Written by

Adisababa:-Sida lagu daabacay wakaalada wararka ee AFp ayaa sheegaya  in xaalada caafimaad ee Raisulwasaaraha dalka Itoobiya Meles Zenawi  laga deyrinayo ka dib markii uu ka baaqsaday shirkii Madaxda Afrika ee shalay lagu qabtay magaalada Addis Ababa kaas uusan waligiis ka baaqan

Shirka golaha Midowga Afrika ayaa maalintii axada waxaa uu ka bilaawday magaalada Adis Ababa ee xarunta dalka itoobiya waxaana furay shirka Madaxweynaha dalka Senegal Macky Sall, oo khudbadiisii ku sheegay in Meles Zenawi uusan ka qeyb gali karin shirka arimo la xiriir dhanka Caafimaadka .

Tv ga dalka Itoobiya ayaa waxaa laga sii daayey muuqaal uu leeyahay Raisulwasaaraha  Meles Zenawi oo aad u tabar dan ayna ka muuqato in aad isku dhimay miisaankiisa;Warar hordhac ah oo ay faafiyeen Mucaaradka dowlada Itoobiya ayaa waxaa lagu sheegay in  Meles Zenawi  uu ku dhacay Kancerka.

Dhanka kale waxaa Isbuucii la soo dhaafay uu ka baaqsaday Raisulwasaaraha Itoobiya  Meles Zenawi in uu ka soo qeyb galo kulan ay isigu yimaadeen golaha Baarlamaanka waxaana looga hadlayey miisaaniyada sanadlaha ee dalkaas taas oo suuqa si weyn u galisay in  Meles Zenawi uu caafimaad ahaan liito.

A/Cawale
Halgan.net

4 Comments so far

Leave a comment

  1. allaah mahadle codowgii islaamaka weeye allah haqabto

  2. Ilaahey hanaga qabto gaalkan geeska afrika gabagabeeyey.

  3. wala mahadi hadu znawi jiran yahay cuqubadi umadena aya kudhacadey

  4. ALLAAH WAXAAN KA BARYAYAA INUU CADAABKA KU FOGEEYO TANA ALLAHA UGA DHIGO

    TII UGU DANBAYSEY{AMIN}

Leave a comment

*