Raisulwasaare ku xigeenka DFKM Cabdiwahaab Ugaas Xusen oo gaaray Garoowe

July 24, 2012 - Written by

Garoowe:-Waxaa galabta gaaray magaalada Garoowe ee xarunta dowlada Puntland wafdi uu horkacayo  raisul wasaare ku xigeenka ahna wasiirka ganacsiga iyo warshadaha Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif waxaana garoonka Diyaaraha ee Garoowe ku soo dhaweeyey wasiiro ka tirsan Puntland waxaana ka mid ahaa wasiirka Maaliyada Faarax Cali Shire ,wasiirka arrimaha gudaha Gen.Cabdilaahi Axmed Jaamac Ilkajir ,wasiirka Gaadiid iyo howlaha guud Eng.Daahir Xaaji Khaliif  waxaa kale oo wafdiga ku soo dhaweeyey Garoowe  xubnaha ka tirsan guddiga farsamad iyo xulista Ergooyinka iyo Barlamanka Somalia.

Wafdiga DFKM oo uu horkacayey Cabdiwahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif ayaa waxaa la socday wasiiro ka tirsan DFKM waxaana ka mid ah wasiirka Qorshaynta iyo xiriirka caalamiga ee DFKM  Cabdilaahi Qoodax Barre ,wasiir ku xigeenka Gadiidka iyo howlaha guud Xareed Cali .

Wafdiga Raisulwasaarahe ku xigeenka DFKM ayaa markii uu ka soo degay Garoowe ayaa waxaa uu sheegay in uu aad ugu faraxsan yahay in uu soo gaaro Garoowe markii sadexaad isaga oo sheegay in uu la kulmi doono madaxda sare ee Puntland si ay uga wada hadlaan arima la xiriira ansaxinta Dastuurka.

Puntland ayaa diyaarisay dhamaan ergooyinkii uga qeyb gali lahaa ansaxinta dastuurka iyo soo xuludi xubnaha ka mid noqon doona baarlamaanka la dhisi doono Bisha 8aad ee fooda nagu soo heysa iyada oo la filayo im maalinta birito ah u dhoofaan magaalada Muqdisho.

M_M Deeq
Halgan.net

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online