RW/ku xigeenka dalka Irland oo Booqasho Ku yimid magaalada Muqdisho

July 29, 2012 - Written by

Muqdisho:-Ra”iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa xafiiskii ku qaabilay wafti uu hogaaminayo Ra’iisul Wasaare ku xigeenka ahna Wasiirka Arimaha Dibada iyo Ganacsiga ee Dalka Irland.

Ra’iisul Wasaaraha ayaa kulankiisa waxaa ku wehliyey Ra’iisul wasaare ku xigeen ahna Wasiirka Ganacsiga iyo Warshadaha, Mudane, Cabdiwahab Ugaas Khaliif Ugaas Xuseen, Wasiirka Qorshaynta iyo Iskaashiga Caalamiga, Mudane: Cabdulahi Godax Bare, iyo Wasiirka Boostada iyo Isgaarsiinta Mudane: C/qaadir Xusein Jaahweyn.

Ugu Horayntii Ra’iisul Wasaare ku xigeenka Dalka Irland Eamon Gilmore ayaa aad u soo dhaweeyey dadaalka ay wado Xukuumada kaas oo dalka looga saarayo KMG, isagoona ku tilmaamay in ay tahay talaabo horay loo qaaday oo lagu xaqiijinayo in Soomaaliya ka dhalato dowladd rasmi ah, sidoo kole waxa uu soo hadal qaaday in Dowladda Irland ay ka wado Soomaaliya mashaariic badan kuwaas oo isugu jira dhanka Bana’adanimada iyo mashaariic lagu hormarinayo dalka.

Ra’iisul W. ku xigeenka Irland ayaa sheegay in dhamaan deeqaha ay bixiso dowladiisu ay soo maraan EU iyo UN ayna wax weyn ay ka badashy deeqdaas Abaarihii ku dhuftay koonfurta Soomaaliya sanadkii hore, waxaa kale oo uu sheegay in nabdgalayda magaalada Muqdisho uu ku muuqdo isbadal wanaagsan dowladiisuna ku tala jirto sidii ay Soomaaliya ula samaysan lahayd heshiis wax wada qabsi mustaqbalka dhow.

no images were found

Ugu Danbayntii Ra’iisul Wasaaraha Soomaaliya Dr. Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa uga mahadceliyey waftiga Irland booqashadooda isagoona sheegay in Irland safka hore kaga jirto dowladdaha ka shaqeeya horumarka Soomaaliya waxaana uu soo dhaweeyey mashaariicda kala duwan oo ay ka wadaan Soomaaliya, iyo in labada dowladood yeeshaan xariir wanaagsan. Sdioo kale Ra’iisul wasaare Gaas wuxuu warbixin kooban ka siiyey Waftiga isbadala siyaadeed oo dalka ka socda iyo in loo fadhiyo ansixintii Dastuurka si Soomaaliya 20 Augst uga baxdo KMG.

>>>>>DHAMAAD<<<<<

Diraac Salaad Fagaase
Communication Director
office of the PM

Leave a comment

*

Archives
July 2012
M T W T F S S
 1
2345678
9101112131415
16171819202122
23242526272829
3031  
English Article
PRESS RELEASE-THE GOVERNMENT OF PUNTLAND STRONGLY OPPOSES THE MOGADISHU COMMUNIQUÉ PURPORTING TO ADOPT AN ELECTORAL MODEL FOR 201    January 29, 2016
Uganda says to pull out troops from Somalia over Congo charges    November 2, 2012
CIA Secret Prison in Somalia. P – 1    October 29, 2012
Puntland Condemns Terrorist Attack on Civilians at Mogadishu Restaurant    September 22, 2012
Puntland Welcomes Election of New President of the Federal Republic of Somalia    September 11, 2012
Somali Links
Fatwa Online